Iiraan ma waxay qarxisay markab ay leedahay Israa'iil?

Markabka MV Helios Ray wuxuu u shiraacday Dubai kaddib markii uu burbur kasoo gaaray qaraxa

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Markabka MV Helios Ray wuxuu u shiraacday Dubai kaddib markii uu burbur kasoo gaaray qaraxa

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa dowladda Iiraan ku eedeeyay qarax waxyeello gaarsiiyay markab ay Israa'iil leedahay oo ku sugnaa Gacanka Cumaan, kaasoo la bartilmaameedsaday isbuucii lasoo dhaafay.

Markabka MV Helios Ray, oo ah nooca gawaarida qaada, ayaa kasoo shifaacday waddanka Sacuudiga wuxuuna u socday dalka Singapore kaddib markii uu qaraxa burburka u geystay labada dhinacba.

"Kani wuxuu ahaa howlgal ay fulisay Iiraan. Taasi wa caddahay," ayuu yidhi Mr Netanyahu oo la hadlayay Idaacadda Kan Radio, inkastoo uusan wax caddeymo ah bixinin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa soo saartay war ay ku beenineyso eedeyntaas.

Hadalka Mr Netanyahu ayaa soo baxay saacado kaddib markii markii kooxda Kormeerka xaaladda Suuriya ay sheegtay in gantaallo ay Israa'iil tuurtay lagu beegsaday ciidamada Iiraan ee ku sugan Suuriya.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

1px transparent line

Wali ma cadda waxa sababay qaraxa habeennimadii Khamiista burburka gaarsiiyay markabka Helios Ray. Laakiin milkiilaha markabka, oo lagu magacaabo Rami Ungar, ayaa sheegay in labo dalool oo la eg qiyaastii 1.5 mitir ay ka sameysmeen qeyb ka mid ah markabka oo u dhow qeybta biyaha gaarta.

Yoav Galant, oo ah wasiir ka tirsan xukuumadda Israa'iil, ayaa telefishinka Ynet u sheegay in sawirro laga soo qaaday markabka ay muujinayaan in qaraxa uu ahaa miino qeybta kore ee markabka lagu rakibay, taasoo uu sheegay in ay iska caddahay in ay sameeyeen kumaandoos xilli habeennimo ah howlgal fuliyay.

Wuxuu wasiirku sheegay in weerarkaas uu ka dhacay meel u dhow xeebaha Iiraan, dadka arrintaas sameeyayna ay ogaan kareen is markabka uu yahay mid laga leeyahay Israa'iil.

Sanadkii 2019-kii, Iiraan ayaa lagu eedeeyay in ay mas'uul ka ahayd qarax waxyeello loogu geystay dhowr maraakiibta saliidda qaada ah oo ku sugnaa Gacanka Cumaan. Militariga Mareykanka ayaa sheegay in qaraxyadaas ay sababeen miinooyin birqabato leh oo dhinacyada looga dhajiyay maraakiibta.

Map of the Strait of Hormuz
1px transparent line

Hae yeeshee Iiraan ayaa beenisay in ay wax ku ah ku lahayd weerarradaas, haddana waxay gaashaanka u daruurtay eedeymaha uu maanta oo Isniin ah u jeediyay Benjamin Netanyahu.

Markii Mr Netanyahu la weydiiyay in Israa'iil ay ka aargudaneyso falkaas, wuxuu ku jawaabay: "Waad taqaannaa siyaasaddeyda. Iiraan waa cadowga ugu weyn ee Israa'iil ay leedahay. Way iga go'an tahay in aan ka fal celiyo. Waxaan ku weerareynaa guud ahaan gobolka."

Wareysiga ka baxay idaacadda Kan ayaa la duubay habeennimadii Axadda, saacado yar ka hor markii dalka dariska la ah ee Suuriya laga soo tebiyay in Israa'iil ay gantaallo ku weerartay bartilmaameedyo ku yaalla waddankaas.

ISRAA'IIL

Xigashada Sawirka, AFP

Wakaaladda Wararka dowladda Suuriya ee Sana ayaa saraakiil militari kasoo xigatay in diyaarad ay leedahay Israa'iil ay gantaallo kasoo tuurtay buuraha Golan ee la heysto, "ayna la beegsatay meelo ka mid ah magaalada Dimishiq".

Qalabka difaaca hawada ayaa qabtay inta badan gantaalladaas, wayna burburiyeen, sida ay ilo wareedyada lasoo xigtay sheegeen.

Taliska militariga Israa'iil ayaa diiday in uu ka hadlo weerarkaas lasoo tebiyay, laakiin waxay si joogto ah duqeymo ula beegsadaan fariisimo ay Iiraan ku leedahay gudaha Suuriya.

Iiraan ayaa Israa'iil ku eedeysay in ay ka dambeyso dilkii bishii November loo heystay seynisyahan sare oo u dhashay Iiraan, oo lagu magacaabi jiray Mohsen Fakhrizadeh. Balse Israa;iil ma aysan beenin mana aysan qiranin falkaas.