Donald Trump oo sheegay inuu ku hawlan yahay xil wareejin sharciga waafaqsan

Madaxweyne Donald Trump ayaa soo saaray muuqaal cusub oo uu ku muujinayo sida uu sheegay caradiisa ku aaddan qalalaasihii Arbacadii oo ay dad careysan weerar ku qaadeen dhismaha Capitol ee magaalada Washington.

Isagoo u hadlaya si ka duwan maalmihii hore, ayaa wuxuu sheegay in dibadbaxayaasha ay meel uga dhaceen dimuqraadiyadda Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale muuqaalka ku sheegay inuu ku hawlan yahay xil wareejin sharciga ku saleysan.

Wuxuu madaxweynaha sheegay in maamulka cusub la caleemo saari doono 20-ka bishan Janaayo, wuxuuna ku baaqay isu uur-fayoobi iyo dib u heeshiisiin.

Muuqaalka ayaa waxaa lagu baahiyay bartiisa Twitter-ka ka dib markii shalay laga mamnuucay barta weerarka dhismaha Capitol ka dib.

Hadalka Trump ayaa imanaya iyadoo xildhibanada labada Aqal ee mucaaradka ku ah madaxwyenaha ay ku baaqeen in xilka laga xayuubiyo Trump ka dib weerarkii ka dhacay dhismaha Capitol, kaasi oo ay fuliyeen taageerayaasha careysan ee Trump.

Senetarka Dimuqraadiga ah ee Chuck Schumer ayaa sheegay iney khasab tahay in Trump si dhasiyaha xafiiska looga saaro.

Dhanka kale afhayeenka aqalka wakiillada ee kongareeska Mareykanka, Nancy Pelosi, ayaa ka mid ah xubnaha sare ee dimuqraadiyiinta ee ugu baaqaya madaxweyne ku xigeenka Mike Pence inuu adeegsado wax ka beddelkii 25aad ee dastuurka, kuna dhawaaqo inuusan madaxweynuhu u qalmin talada dalkaas.

Hase yeeshee in xilka laga xayuubiyo ayaa waxay u bahaantahay taageero laga helo xisbiga Republican-ka inkastoo uu taageeroyaal yar oo haysto.

Mid ka mid ah xubnaha sare ee golaha wasiirrada Mareykanka ee u dhowaa madaxweynaha ayaa ku biirtay liiska dadkii dhowaan is casilay, sababo la xiriira khudbaddii uu madaxweynuhu u jeediyay dibadbaxayaasha kahor intaysan weerar ku qaadin kongareeska. Xoghayaha waxbarashada, Betsy DeVos ayaa sheegtay in laga habboonaa wixii dhacay Arbacadii.

Ugu yaraan afar qof ayaa khalalaasahaasi ku geeriyootay, halka 68 qofna xabsiga loo taxaabay.

Ficiladii ay qaadeen booliska ayaa markii dambe soo celiyay xasiloonida iyo kala dambeyntii inkastoo saraakiisha booliska lagu eedeyay iney ku guul dareysteen in ay ka hotagaan dibadbaxayasha gudaha usoo galay dhismaha ay ku shirsanaayeen golaha labada aqal.

Sidey madaxda Caalamka uga fal celiyeen qalalaasihii ka dhacay Capitol?

Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka ayaa canbaareeyay qalalaasihii ka dhacay magaalada Washington kaddib markii taageerayaasha madaxweyne Donald Trump ay weerar ku qaadeen xarunta Capitol ee fariisinka u ah dowladda Mareykanka.

Rabshadaha ayaa kallifay in la hakiyo kulan uu golaha wakiillada ka lahaa ansixinta guushii Joe Biden.

Madax faro badan ayaa ku baaqay in si nabad iyo kala dambeyn leh loo sameeyo xil-wareejinta, iyagoo wixii dhacay ku tilmaamay "argagax" iyo "weerar ka dhan ah dimuqraaddiyadda".

Ra'iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa canbaareeyay waxa dhacay oo uu ku tilmaamay "dhacdooyin sharafdarro ah".

"Mareykanku wuxuu u taagan yahay dimuqraaddiyadda aaduunka oo dhan haddana waa khasab in si nabadgalyo ah oo kaladameyn leh ay u dhacdo xil wareejinta," ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Siyaasiyiin kale oo reer UK ah ayaa ku taageeray canbaareynta qalalaasihii dhacay, hoggaamiyaha mucaaradka UK Sir Keir Starmer, ayaana falkii ka dhacay Capitol ku tilmaamay "weerar toos ah oo lagu qaaday dimuqraaddiyadda".

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee UK, Priti Patel, ayaa BBC-da u sheegtay in hadalladii Mr Trump "ay si toos ah u sababeen" in taageerayaashiisu ay weerar ku qaadaan Golaha Wakiillada iyo in ay isku dhacaan iyaga iyo booliska.

Wasiirka koowaad ee Scotland, Nicola Sturgeon, ayaa isagana Twitter-ka ku sheegay in dhacdooyinkii laga sameeyay Xarunta Capitol ee Mareykanka ay ahaayeen "kuwo laga argagaxo".

Dalka Jarmalkana, hoggaamiyaha waddankaas, Angela Merkel, ayaa sheegtay in dadkii duullaanka ku qaaday xarunta sharcidajinta ee Mareykanka ay ahaayeen "kuwo sameeyay weerar iyo rabshado" iyaduna ay dareentay "caro iyo murugo" kaddib markii ay aragtay muuqaallada laga soo duubay goobta.

Shir ay ka qeyb gashay ayey ka tidhi: "Waxaan ka qoomameynayaa in Madaxweyne Trump uusan wali qiranin in laga adkaaday, laakiin uu ilaa hadda muujinayo shaki ku aaddan natiijadii doorashada."

Dhinaca kale, Shiinaha ayaa isku dayay in uu isbarbar dhig ku sameeyo dadkii rabshadaha ka sameeyay Mareykanka ee gudaha u galay xarunta Golaha Wakiillada iyo kuwii dimuqraaddi doonka ahaa ee sanadkii hore weerarka ku qaaday xarunta sharcidajinta ee Hong Kong.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, oo lagu magacaabo Hua Chunying, ayaa sheegay in dhacdooyinkii Hong Kong ay "ka xumaayeen" kuwii ka dhacay Washington, laakiin "uusan ku dhimanin hal qof oo mudaharaade ah".

Isbarbardhigga labada dhacdo uu ku sameeyay Shiinaha ayaa ka careysiisay dadka u ololeeya dimuqraaddiyadda ee Hong Kong.

Hoggaamiyeyaal badan oo reer Yurub ah ayaa sidoo kale canbaareeyay dhacdooyinkaas.

Ra'iisul Wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa yidhi: "Waxaan kalsooni ku qabaa awoodda dimuqraaddiyadda Mareykanka. Madaxweynenimada cusub ee Joe Biden waxay ka adkaan doontaa caqabadaha jira, waxayna mideyn doontaa shacabka Mareykanka."

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa isaguna muuqaal uu soo dhigay Twitter-ka ku yidhi: "Markii mid ka mid ah waddamada ugu waaweyn ee dimuqraaddiga ah ay taageerayaasha madaxweyne xilka ka dagaya isku dayaan in ay loollan galiyaan sharciga iyo natiijada saxda ah ee doorashada, waxaa la wiiqay fikradda ku saabsan doorashada qof iyo codka ah."

"Wixii maanta ka dhacay Washington DC ma aha astaanta Mareykanka. Waan aaminsan nahay awoodda ay leedahay dimuqraaddiyaddeenna. Waan aaminsan nahay awoodda dimuqraaddiyadda Mareykanka," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Ra'iisul Wasaaraha Sweden, Stefan Lofven, ayaa dhacdadaas ku tilmaamay "mid walwal leh" wuxuuna sheegay in ay ahayd "weerar lala beegsaday dimuqraaddiyadda".

Hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa iyaguna caddeeyay mowqifkooda ku aaddan arrintan.

Madaxa Golaha Yurub, Charles Michel, ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in Mareykanka "ay ka dhici doonto xil-wareejin nabad ah".

Xog hayaha guud ee isbahaysiga Nato, Jens Stoltenberg, ayaa sheegay in natiijada doorashada Mareykanka ay tahay "in la qaddariyo".

Sidoo kale, Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa sheegay in uu aad uga "naxay" wixii ka dhacay Mareykanka, sida shaaciyay afhayeenkiisa.

Ra'iisul Wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern, ayaa iyaduna barteeda Twitter-ka kuwoo qortay in shacabka ay xaq u leeyihiin inay codkooda ku doortaan qofkii ay rabaan, taasna aan lagu baddali karin rabshado.

Dhanka kale Ra'iisul Wasaaraha Australia, Scott Morrison, oo ka mid ah xulafada Mareykanka, ayaa canbaareeyay waxa uu ugu yeeray "dhacdoouinka walwalka leh", wuxuuna sheegay in uu sugayo xil wareejin nabad ah oo ka dhacda Mareykanka.

Ra'iisul Wasaaraha Waddanka Hindiya, oo ah dalka ay dimuqraaddiyadda ugu ballaaran ka jirto ee caalamka, Narendra Modi - oo ku naalloonayay xiriir wanaagsan oo kala dhaxeeya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump - ayaa sheegay in uu ka "Walbahaaray qalalaasihii ka dhacay" xarunta Capitol ee magaalada Washington.

Turkiga, oo ay Mareykanka xulafo ku yihiin Nato ayaa isagana ku baaqay in la xalliyo xiisadda.

Dowladda Venezuela, oo Mareykanku uusan aqoonsaneyn, ayaa arrinta dhacday ku tilmaantay mid la mid ah "waxyaabaha uu Mareykanka ka abuuray waddamada kale".

Madaxweynaha Argenitian, Alberto Fernández iyo dhiggiisa dalka Chile,Sebastián Piñera, ayaa labaduba waxay canbaareeyeen wixii ka dhacay Washington.

Dalalka kale ee madaxdoodu ay nasiib darro ku tilmaameen dhacdadadii Arbacadii waxaa ka mid ah Fiji iyo Singapore.