Diyaaradda Boeing 737 Max oo hawada Mareykanka ku laabatay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Diyaaradda nooceedu yahay 737 MAX ee ay sameysay shirkadda Boeing ayaa dib u billowday duullimaadyada rakaabka ee gudaha dalka Mareykanka.
Mid ka mid ah diyaaradahan oo ay ku xardhan yihiin calaamadaha shirkadda American Airlines ayaa sameysay duullimaad isaga kala gooshaya magaalooyinka Miami iyo New York.
Diyaaraddan waxaa duullimaadyada laga joojiyay bishii March ee sanadkii 2019-kii kaddib markii ay labo shil dhaceen shan bilood gudahood.
Waaxda duulista hawada ee Mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay mamnuucistii ka qaadday diyaaradda noocaas ah kaddib markii shirkadda soo saarta ee Boeing ay aqbashay shuruudaha cusub ee badbaadada.
American Airlines ayaa Talaadadii muujisay kalsoonida ay ku qabto diyaaradda 737 MAX.
"Diyaaraddan waxay ahayd mid ka tayo badan dhammaan diyaaradihii abid horay loo sameeyay. Aad baan ugu kalsooni qabnaa in diyaaraddan ay si nabad ah hawada ku mari karto," ayuu yidhi madaxa American Airlines, Robert Isom.

Xigashada Sawirka, Getty Images
31 Diyaaradood oo noocoodu yahay 737 MAX ayey hadda heysataa shirkadda American Airlines, kuwaasoo toddobo ka mid ah ay soo iibsatay markii xayiraadda la qaaday bishii November.
Mas;uuliyiinta Boeing iyo kuwa Amrican Airlines ayaa si wadajir ah u raadinayay in shacabka mar kale loo xaqiijiyo amniga diyaaraddaas, maadaama kalsoonidii lagala noqday wixii ka dambeeyay shilalkii uu dhiigga badan ku daatay.
Daraasar ay sameysay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu ogaaday in wax ka badan kalabar rakaabka ay walwal qabeen markii dib loo xasuusiyay labadii shil ee sababay in diyaaraddaas laga joojiyo duullimaadyada.
Taariikh xun
Inkastoo diyaaradda 737 MAX ay tahay tan ugu casrigan dhammaan diyaaradaha rakaabka qaada, haddana waxaa taariikhda baal madow ka galiyay musiibooyinkii ay la kowsatay oo ahaa kuwo ugu dambeyn la xaqiijiyay inay ku imaadeen cillad farsamo oo sameyska diyaaradda ah.

Xigashada Sawirka, AFP
Isku darka 346 ruux ayaa ku dhintay labadii shil ee isu dhawaa.
Duullimaadkii shirkadda diyaaradaha Lion Air ee uu lambarkiisa ahaa 610 ayaa burburay kaddib markii ay diyaaradda kasoo kacday garoonka magaalada Jakarta, bishii October ee sanadkii 2018-kii.
Duullimaad kale oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines, oo isaguna uu lambarkiisa ahaa 302 ayaa busburay kaddib markii ay diyaaradda ka duushay garoonka magaalada Addis Ababa, bishii March ee sanadkii 2019-kii.
Ka hor inta aan diyaaradda 737 MAX dib hawada loogu soo celinin, shirkadda Boeing waxay dib u habeyn ku sameysay qalabka badbaada ee diyaaradda, taasoo horseedday in mar kale la aamino.










