Luke Letlow: Xildhibaan u geeriyooday Covid maalmo kahor dhaartiisa

Screen grab from Luke Letlow video

Xigashada Sawirka, Youtube

Qoraalka sawirka, Luke Letlow ayaa Madaxweyne Donald Trump kala soo muuqday olole muuqaal ah

Xildhibaan dhowaan la doortay ayaa u geeriyooday Covid-19 - waa qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan Kongareeska Mareykanka oo u dhinta cudurka.

Luke Letlow, oo Jamhuuriga ka tirsanaa isla markaana 41 jir ahaa, ayaa matalayay degmada 5-aad ee Louisiana waxaana lagu waday in la dhaariyo Axadda soo socota.

Wuxuu 18-kii bishan December ku dhawaaqay in laga helay coronavirus kaddibna isbitaal ayaa loola cararay.

Barasaabka Louisiana John Bel Edwards ayaa amray in maalinta duugta Letlow la dejiyo calanka.

"Waxaan aniga iyo xaaskeyga qoyska xildhibaanka la doortay ee Luke Letlow uga tacsiyeynaa geeridiisa kaddib markii uu ku dhacay Covid-19," Mr Edwards ayaa sidaasi ku qoray barta Twitterka.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

spacer

"Waxaan ka muraara dillaacsanahay inuusan awoodi doonin inuu xildhibaan ahaan ugu adeego dadkeenna, balse waxaan u sii naxsanahay qoyskiisa."

Letlow wuxuu ka tegay xaaskiisa, Julia Barnhill Letlow, iyo labadooda carruur ee yar yar.

Letlow waxaa isbitaalka la dhigay 19-kii December sababo la xiriira coronavirus. Xaaladdiisa ayaa ka sii dartay 23-kii bishan waxaana loo gudbiyay qeybta daryeelka degdegga ah ee isbitaal ku yaalla Shreveport, halkaas oo uu shalay ku dhintay.