Hindiya oo khubaro u saartay baaritaanka xanuunka cusub ee dalkaas ka dilaacay

A woman being rushed to hospital.

Xigashada Sawirka, ANI

Qoraalka sawirka, Boqollaal bukaan ayaa isbitaal la dhigay

Hindiya ayaa koox khubarro caafimaad ah u diraya koofurta gobolka Andhra Pradesh kaddib markii cudur aan la aqoon uu hal qof ugu dhintay gobolkaas boqollaal kalena la dhigay isbitaalka.

Xildhibaan ka tirsan xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata ayaa sheegay in natiijada horudhaca ah ee baaritaanka dhiigga ay muujineyso xaddi sare oo maaddooyinka lead iyo nickel ah.

Dhakhaatiirta ayaa sheegaya in dadka uu xanuunkani ku dhacay oo ka yimid deegaanka Eluru ee gobolka Andhra Pradesh, lagu arkay astaamo fara badan oo isugu jira lallabbo, suuxdin iyo miyir beel.

Dhawr sariirood oo yaal cusbitalka dowladda ee deegaankaasi ayaa la farujiyay si loo isticmaalo haddii loo baahdo oo la keeno bukaanno intaasi ka badan.

Xanuunkan ayaa imanaya iyadoo dowladda India ay wali la dagaalamayso cudurka saf-marka ahi ee Covid-19.

Andhra Pradesh waa mid ka mid ah gobollada uu sida aadka ah u saameeyay fayraska Karona, iyadoo in ka badan 800,000 oo kiis laga helay waana gobolka saddexaad ee dalkaas ee laga helay tirada ugu badan kiisaska cudurka.

Balse Covid-19 uma muuqdo inuu yahay waxa sababay xanuunkan. Wasiirka Caafimaadka gobolka, Alla Kali Krishna Srinivas, ayaa sheegay in dhammaan bukaannada laga waayay coronavirus.

Mr Srinivas ayaa sheegay in baaritaanka dhiigga bukaannada uu muujinayo in xanuunku uusan ahayn kuwa faafa.

Hindiya
Qoraalka sawirka, In ka badan 500 oo qof ayaa la dhigay isbitaalka

"Waxaan meesha ka saarnay in xanuunkani uu ka dhashay biyo ama hawo sumeysan kaddib markii masuuliyiintu ay booqdeen meelaha ay dadku ku xanuunsadeen," ayuu yiri. "Waa xanuun aan la aqoonin oo nagu cusub, waxaana lagu ogaan karayaa oo kaliya baaritaanka shaybaarka."

Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in ilaa iyo hadda 500 oo kiisas ah la diwaan geliyay - iyadoo 300 oo ka mid ah laga saaray isbitaalka isla markaana 19 kale loo wareejiyay isbitaallada kale ee gobolka si loogu fidiyo daaweyn wanaagsan.

Khubarrada Hay`adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa la filayaa inay booqdaan Eluru si ay baaritaan ugu sameeyaan.

Xisbiga mucaaradka ah ee Telugu Desam ayaa codsaday in la baaro cudurka, iyaga oo ku adkeysanaya in sumowga biyaha uu sababay xanuunka.