Dalal ay Soomaaliya ku jirto oo looga cabsi qabo cudur ka duwan coronavirus

Child with measles

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

Cudurka coronavirus ayaa horseedi kara inuu si xoog leh u dillaaci cudurka jadeecada, sida ay saraakiil caafimaad sheegayaan, sababtoo ah waxaa dib u dhacay howlihii lagu sameynayay tallaalka cudurkaas dilaaga u ah carruurta.

Hay'adda dhinaca horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Unicef ayaa sheegtay in 117 milyan oo carruur ah oo ku kala sugan 37 dal aysan xilligii loo baahnaa heli karin dawooyin xoojiya difaaca jirkooda.

Dalal badan oo ku yaalla qaaradda Yurub ayuu ka dillaacay cudurka jadeecada, waxaana suurtagal noqom weysay sii wadista howsha lagu sameynayay tallaalka MMR-ka.

Waddanka UK ayaa goor horeba ka baxay liiska dalalka xorta ka ah jadeecada, maadaama ay sare usii kaceen kiisaska cusub ee cudurkaas oo sababi kara dhimasho badan.

Xanuunkan oo keena qufac, nabarro maqaarka kasoo baxa iyo qandho ayaa looga hortagi karaa tallaalka MMR, kaasoo labo jeer lagu dhufto carruurta.

Dawadan ayaa si bilaash ah lagu siiyaa carruurta ku sugan UK.

Wadankaas, 95% ka mid ah carruurta waxay qaateen tallaalkii hore - waxayna arrinta ku socotay sida uu ahaa qorshaha Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO - laakin 87% oo kaliya ayaa fursad u helay inay qaataan qeybta labad ee tallaalka.

Maadaama jadeecadu ay tahay cudur aad u fida, hoos u dhac yar wuxuu keeni karaa saameyn aad u ballaaran.

An image of a measles vaccine

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Jadeecada wxaaa si sahlan looga hortagi karaa tallaalka

Hay'adda WHO waxay sheegtay in dalalka aysan hadda ka jirin kiisaska jadeecada ay hakin karaan ol'olaha tallaalka, haddii ay tallaabadaas noqoto lagama maarmaan.

Hase ahaatee ilaa 24 waddan oo horayba ula tacaalayay kiisas ku saabsan jadeecada ayaa go'aansaday inay hakiyaan ol'olaha, maadaama ay hadda si weyn ula tacaalayaan xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Dalalkaas waxay kala yihiin: • Bangladesh • Brazil • Bolivia • Cambodia • Chad • Chile • Colombia • Djibouti • the Dominican Republic • the Democratic Republic of Congo • Ethiopia • Honduras • Kazakhstan • Kyrgyzstan • Lebanon • Maldives • Mexico • Nepal • Nigeria • Paraguay • Soomaliya • South Sudan • Ukraine • Uzbekistan

Hase yeeshee, Unicef waxay sheegtay in xitaa dalal intaas ka badan ay hakin karaan dagaalka ka dhanka ah jadeecada.

"Haddii xaaladda adag ee ku saabsan coronavirus ay sababtay joojinta tallaalka, waxaan ku boorrineynaa madaxda inay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan raadinta carruurta aan la tallaalin, si markaas ay u suurtagasho in bulshooyinka halista ku jira ay helaan dawada jadeecada islamarka ay suurtagal noqoto," ayey tiri hay'addu.

Afhayeen u hadashay hay'adda, oo lagu magacaabo Joanna Rea, ayaa intaas ku dartay; "Hakadka ku yimid fidinta tallaalka wuxuu sii xoojinayaa halista ay carruurta ugu jiraan inuu ku dhaco cudurkan dilaaga ah, waxayna taasi keeni kartaa in uu faraha ka baxo cudur kale oo si baaxad leh u faafa."

UK ayaa wali wadda inay carruurta siiso tallaalka MMR, taasoo qeyb ka ah jadwalka loogu talagalay dhismaha difaaca carruurta.

Presentational white space
bb
bb