Khubarrada caafimaadka ayaa ka digay faafidda cudurada dilaaga ah kuwaas oo looga hortagi karo dhanka talaalka balse bulshada ayaa tallaalka ka aaminsan khalad.
Baaritankii ugu horreeyey ee la sameeyey ayaa lagu ogaaday in waddamada qaar ay ku badanyihiin dad fikrado khaldan ka aaminsan qaadashada tallaalka.
Ha'yad lagu magacaabo The Wellcome Trust ayaa 140,000 oo qof oo ku kala sugan 140 dal ka dhageystay waxa ay ka aaminsan yihiin tallaalka.
Waxaad u baahantahay adeeg cusub sida JavaScript si aad u daawatid
Dadka dalkaaga miyay aaminsanyihiin tallaalada?
Baar dalka
Baar dalka
Dadka waxaa la weeydiiyay illaa heerka ay aqbalsanyihiin
Xulo weedha si aad u aragtid natiijada
Wadarta ma noqon karto 100%
Daraasadda ayaa dadka lagu weeydiiyay aragtidooda ku saabsan maadooyinka seeyniska. Waxaa la falanqeeyay illaa jawaabaha illaa shan weeydiimood, waxaana la xisaabiyay "Aaminaada lagu qabo seeynisyahanada" , tusmadana waxa ay isugu jirtaa mid sare, mid dhexe iyo mid hooseysa
Sare
Meel dhexe
Hoos
Fikrad kama heysto
Sare
Meel dhexe
Hoos
Fikrad kama heysto
Isha Xogta : Wellcome Global Monitor , Gallup World Poll 2018
Raali noqo, ma leh wax xog ah oo ku saabsan meeshan
Qad internet ma lahan. Fadlan isku day markale
Arrintani ayaa imaanaysa xilli ay hay'adda caafimaadka adduunka sheegtay in fikradaha laga aaminsanyahay talaalka ay ka mid yahay halista ugu weyn ee soo wajahday caafimaadka dunida.
Tallaalka ayaa balaayiin qof ka ilaaliya qaadidda cudurada. waxaa jira hal cudur oo la sheegay inuu yahay Busbuska oo haatan laga ciribtiray caaalamka, iyada oo haddana la wado dadaal lagu cirib tirayo cudarada dabeysha.
Dr Ann Lindstrand, oo khabiir dhanka tallaalka kana howlgasha Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, waxay sheegtay in xaaladda ay haatan adagtahay." tallaalka oo la diido waxa ka imaan kara halis badan, meelaha qaar waxaa laga gaaray horumar lagu xaddidayo curada talaalka looga hortagi karo."
Sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO marka loo barbar-dhigo sannadkii 2018-kii ayaa waxaa sannadkan labo laabmay kiisaska cudurka Jadeecada.
Hay'adda WHO ayaa sheegtay in xogta la hayo ay muujinayso "in sare u kac uu jiro ",islamarkaasna guud ahaan qaaradaha kala duwan ee caalamka ay ka dilaacday jadeecada.
Qaaradda Afrika ayay tirada ugu badan ay sare u kacday kiisaska jadeecda taasi oo dhan 700%.
Hay'adda ayaa sheegtay in tirada imika la hayo ay intaasi ka badan karto maadaama kiisaska la soo sheegay ay yihiin oo kali ah 1 ka mid 10 kiis guud ahaan caalamka.
Cudurka Jadeecada ayaa ah cudur mararka qaar sababi kara dhibaato caafimaad sida caabuq ku dhaca sambabada iyo maskaxda.
Dalalka Ukraine, Madagascar iyo Hindiya ayaa ah dalalka ay faraha ba'an ku hayso Jadeecada,waxaana laga soo sheegayaa tobonnaan kun oo kiis.
Waxa sidoo kale cudurkani uu ku dhuftay dalalka Brazil, Pakistan iyo Yemen, "waxaana ka dhashay dhimasho badan kuwaasi oo intooda badan ay caruur ahaayeen.
Dalalka kale ee Jadeecada laga soo sheegay waxaa ka mid ah Mareykanka iyo dalka Thailand.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in cudurkan "guud ahaan laga hortagi karo " waa haddii la helo tallaalka saxda ah, balse guud ahaan caalamka wareegii hore lagu tallaalay "85%, "taasi oo ka yar tiradii loo baahnaa oo ah boqolkiiba 95% si cudurka looga hortago".
Dadka haysta nolosha wanaagsan ama soo galo dhaqaalo fiican ayaa ka mid ah dadka aaminsan in tallaalka uu yahay mid halis gelin karo noloshooda ama waxay ka aaminsan yihiin khalad.
Faransiiska- waxa uu ka mid yahay dalalka ay jadeecada ka dilaacday- saddexdii qof mid kamid ah ayaa aaminsanayn in tallaalka uu yahay mid badbaado ah.
Maraykanka ayaa sidoo kale waxaa ka dillaacay Jadeecada, waa heerkii ugu sarreeyey ee muddo toban sanno ah waa markii ugu horreysay ee uu heerkan gaaray, kiisas ka badan 980 oo la xaqiijiyey.