Maxaa sababay in cudurka Jabtada uu ku bato UK?

nurse holding tablets

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tirada dadka uu ku dhaco cudurka lagu kala qaado galmada ee loo yaqaanno Jabtada ayaa heerkii ugu sarreysay ka mareysa waddanka UK tan iyo markii diiwaangalinta la billaabay in ka badan 100 sano ka hor.

Isku darka 70,936 ruux oo kiis ayaa lasoo tabiyay sanadkii lasoo dhaafay - waxayna tiradaas afar meelood meel ka badan tahay tiradii 2018-kii.

Inkastoo aan lasii saadaalin karin xilligan hore, haddana khubarada caafimaadka waxay rajeynayaan in sanadkan 2020-ka ay hoos u dhici doonaan dadka uu ku dhaco cudurkaas.

Hoos u dhaca ayaa la filayaa inuu saameyn weyn yeesho maadaama sanadkan billowgiisii uu jiray amar xayiraad loogu soo rogay UK, fayraska corona awgiis. Taasi waxay ka dhigan tahay in sanadkan ay yaraayeen dadka galmada sameynayay.

"Cudur safmar ah ma noqon karo sida ugu fiican ee lagu yareyn karo dadka uu ku dhaco xanuunka jabtada," ayuu yidhi Fraser Wilson, oo ka tirsan hay'adda samafalka ee ka shaqeysa arrimaha la xidhiidha cudurrada galmada, Terrence Higgins Trust.

woman holding condom

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Marka inkastoo ay xayiraadda fayraska lagu dhimayay ay sabab u noqon karto hoos u dhaca tirada sanadka dambe, waxaa haddana loo baahan yahay qorshe toosan oo dhibaatadaas wax looga qabto."

Muxuu muujinayaa tirakoobka?

swab testing

Xigashada Sawirka, Getty Images

Warbixinta ay soo saartay hay'adda Caafimaadka Dadweynaha ee England ayaa lagu sheegay in muddadii u dhaxeysay 2018 -laa 2019 ay korodhay saameynta cudurka Jabtada iyo xanuunno kale oo lagu kala qaado galmada ee laga soo tabiyay dhammaan dadka ay da'dooda tahay 15 iyo wixii ka sarreeya.

Dadka ugu badan ee cudurka jabtada uuku dhacay waa kuwa ay da'dooda u dhaxeyso 20 ilaa 24 sano. Tiradaas oo horay u ahayd 13,623 ayaa gaadhay 17,443.

Astaamaha cudurka jabtada lagu karto waxaa ka mid ah in wax adag oo cagaaran ay kasoo baxaan xubnaha taranka, xanuun la dareemo xilliga kaadida iyo in uu dhiig yimaada xilliyada u dhaxeeya labada caado ee gabadha.

Hase yeeshee, inta badan cudurkaas calaamadihiisa masoo muuqdaan.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee cudurkaas lagu sameeyay waa mid naxdin leh, laakiin khubaradu waxay sheegeen in kororka lagu yareyn karo baaritaan dheeraad ah.

Xayiraaddu waxay saameysay tirada dadka uu ku dhaco cudurka

home testing kit

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inkastoo khubarada qaarkood u arkaan in cudurka safmarka ah uu yahay "fursad hal mar uun la helo" oo yareyneysa tirada xanuunka, haddana kuwo kale waxay aaminsan yihiin in natiijadaasi ay tahay mid aan joogto noqon karin.

Hoos u dhaca qeyb ahaan waxaa sababay in dadka shaqada looga fasaxay si ay fayraska isaga baadhaan - laakiin talooyinka kala fogaanshaha dadka qudhoodu waxay horseedeen in ay yaraato galmada la sameeyo.

"Xayiraaddu waxay sabab u noqotay in ay adkaadaan kulamada dadka," ayuu yidhi Dr Mark Lawton, oo ka tirsan Dalladda caafimaadka Galmada iyo HIV-ga ee Britain.

"Laakiin meelo badan oo ka mid ah waddanka waxaa hadda laga sameeyaa adeeg baadhitaan oo dadka loogu geeyo guryaha... haddii dhanka kale laga eegana, dadku waxay dawooyinka ku heli karaan qaab sidaasoo kale ah."