Doorashada Maraykanka 2020: Dacwo sharci oo noocee ah ayuu Trump qorshaynayaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Musharraxa Dimuqraadiga, Joe Biden ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, laakiin Madaxweyne Donald Trump ayaa weli qorshaynaya inuu sharciga la tiigsado natiijada gobollada muhiimka ah qaarkood.
Qareenkiisa, Rudy Giuliani ayaa Fox News u sheegay in ay qalad noqon doonto in Trump aqabalo guul darrada sababta oo ah: "Waxa jira caddaymo xoogan oo muujinaya in doorashadan ugu yaraan saddex ama afar gobol oo ay suurto gal tahay illaa 10, in la xaday".
Ololaha Trump ayaan weli soo ban dhigin "caddayn adag" laakiin wuxuu sheegay inuu qorshaynayo inuu dacwad ka bilaabo dhawr gobol oo muhiim ah, Isniinta.
Waa kuwan waxaynu ilaa haatan ognahay.
Pennsylvania
Mr Giuliani wuxuu sheegay in dawacad la gudbin doono oo lagu salaynayo in kor-joogtada loo ogolaan waayey gobolka.
Meelaha qaarkood sannadkan, waxa iray xayiraado la soo rogay maalintii doorashada ka hor, oo qayb ahaan fayraska korona sababay. Waxa sidoo kale jira mugga goobaha oo xadidaada qaarkood kalifay.
Goob lix mitir ah ayaa looga asteeyey Philadelphia in codadka lagu tiriyo laakiin waxa dacwad laga gudbiyay arintaa, waxaanay maxkamadi xukuntay Khamiistii in lagu soo koobyo lix fuudh, hadii ay muraaqibiintu raacayaan talada caafimaadka ee ka hortagga Covid-19.

Xigashada Sawirka, Reuters
Kooxda ololaha Trump waxay dacwad u gudbiyeen heer federaal, iyaga oo ku eedaynaya saraakiisha in ay ku xad gubeen amarkaa garsooraha.
Mr Giuliani wuxuu yidhi: "xataa markii amar maxkamadeed la helay oo u ogolaanaya kor-meerayaasha Jamhuuriga in ay lix fuudh u jirsadaan, dadkii waraaqaha tirinayay, way sii fogeeyeen lix fuudh oo kale."
Laakiin saraakiisha doorashadu waxay ku adkaysteen in ay si haboon u dhaqmeen.
5 Noofember, xog-hayaha armaha dibadda ee Pennsylvania, Kathy Boockvar ayaa tidhi: "Musharax kasta iyo xisbi siyaaseed kasta waa loo oglaaday in muraaqibiin goobta u joogto oo ay eegaan sida hawshu u socoto. Goobaha qaarkood oo ay ka mid tahay Philly sidoo kale toos ayay u soo gudbinayeen oo siday wax u tirinayeen waa la daawan karayey".
Dacwada laga qabo Pennsylvania waxay sidoo kale duraysaa go'aanka gobolka ee ah in la tiriyo codadka boostada lagu soo dhiibtay maalintii codbixinta ee laakiin saddex casho ka dib goobta soo gaadhay. Jamhuuriyiintu racfaan bay ka qabaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Matthew Weil, agaasimaha carunta Bipartisan Policy Research mashruuceeda doorashada, ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay khilaafka iyada oo Maxkamadda Sare ee dalka, doorashada ka hor ba la isku maan dhaafsanaa. Waana intaanu Madaxweyne Trump garsooraha uu u magacaabay Amy Coney Barret ee la ansixinin.
"U malayn maayo in ay halis ka jirto codka boostada lagu soo dhiibtay maalintii codbixinta ee aan illaa Jimcihii soo gaadhin in la buriyo," ayuu yidhi.
Laakiin Mr Weil wuxuu ku daray "malahaygu waxa weeyi in aanay tiro badan noqonayn codadka la burin karaa," sidaa awgeed ayay doorashu u noqon doontaa mid "aad, aad la iskugu dhawyahay".
Michigan
Trump wuxuu ku guulaystay gobolka sannadkii 2016-kii - waxayna ahayd codad aad isugu dhow oo uun ka badnaa 10700 - Balse halka waxaa la odorosay in uu Mr Biden ku guulaysan doono halkan 2020.
4 Noofember, ololaha wuxuu gubiyey dacwad uu ku joojinayo tirinta sabata oo ah in loo diiday muraaqibiintiia goobta.
Garsoore ayaa dacwadaa tuuray, isaga oo sheegay in aanay jirin caddayn buuxda oo muujinaysay in aan la raacin hannaanka kormeerka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wisconsin
Ololaha madaxweynaha ayaa sheegay inuu codsanayo in dib loo tiriyo Wisconin "sababta oo ah khaladaad la arkay" maalintii doorashada, in kasta oo aan arintaasi dacwad keeni karin.
Ma cada in dib u tirintu dhici doonto markale maadaama aanay arintaasi dhicin ilaa inta si rasmi ah loo dhamaynay tirinta.
Mudada kama dambaysta ah ee gobolku waa 17 Noofember.
Borofesor Jaamacadda Columbia ka dhiga sharciga, Richard Briffaul, ayaa sheegay in dib u tirin ka dhacday Wisconsin 2016 aanay "isbdeleen qiyaastii boqol cod".
Nevada
Xisbiga Jamhuuriga ee Nevada ayaa Twitter-ka ku qoray: "Kumanaan qof ayaa la gartay oo u muuqda in ay ku xad gubeed sharciga iyaga oo codkooda ka dhiibanaya Nevada oo ay ka guureen".
Kooxda sharciga ee madaxweynaha ayaa soo saartay liis dad ah oo ay ku dooday in ay gobolka ka guureen laakiin ka codeeyeen.
Balse sida ay sheegtay Politifact, liisku keligii ma cadaynayo in lagu xad gudbay sharciga.
Dadka ka taga gobolka 30 cisho ka hor maalinta doorashada weli way ka codayn karaan Nevada. Ardayda Nevada ee meelaha kale wax ka dhigtay ayaa iyaguna codayn kara.
Arintu waxay xoogga saaraysay dadka ka codeeyey Clark County, laakiin diiwaanka degmada ayaa yidhi: "Kama war hayno waraaqo cod bixin khaldan oo halkan lagu tirinayo".
Georgia
Dacwad ayaa laga gudbiyey Chatham County oo ka tirsan Georgia si loo joojiyo tirinta iyada oo lagu sheegayo in wax ka khaldan yihiin hannaanka.
Gudoomiyaha xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Georgia, David Shafer, ayaa qoraal uu Twitter-ka ku baahiyey ku sheegay in muraaqibiibta xisbigu arkeen haweenay "in ka badan 50 waraaqo codbixineed ah ku calaamadisay in ay xumaadeen".
5 Noofember, Garsooraha ayaa la laalay dacwadaas isaga oo sheegay in aanay jirin "wax cadayn ah" oo muujinaya in si kas ah waraaqaha la iskugu khalday.
Arizona
Ololaha Trump wuxuu dacwad ka gudbiyey Arizona Sabtidii, iyaga oo ku doodaya in codad sharci ah la diiday.
Dacwada waxa lagu sheegay baaqyo ay kor-joogtada qaarkood iyo laba codbixiye ku doodeen in ay dhibaatooyin ka qabsadeen mishiinada codbixinta.
Dacwada waa la dersayaa laakiin xog-haya arrimaha dibada ee gobolka Arizona ayaa sheegay in ay "booc ku tukubayaan".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamadda Sare ma gaadhi doontaa go'aan?
Subaxnimadii Arbacada ayuu Trump ku dooday in musuq doorasho dhacay isaga oo aan wax caddayn ah soo bandhigin oo wuxu yidhi: 'Waxaan tegi doonnaa Maxkamadda Sare ee Maraykanka".
Hadii natiijada doorashada dawacad laga keeno waxay marka hore u baahan doontaa in kooxaha sharcigu maxkamadaha gobolka gorodda isku daraan.
Garsooreyaasha gobolka ayaa ka dib difaaci doona go'aankooda laga dacwoonayo ee lagu doonayo tirinta.
Maxkamadda Sare ayaa marka dambe dacwada loo gudbin doonaa.
Boroferssor Briffault ayaa yidhi: "Ma jiro qaab go'an oo la mariyo dacwadaha khilaafka doorashada ee Maxkamadda Sare. Waa wax aan caadi ahayn, waxaanay tahay in qodob kasta oo macno leh laga hadlo".
Illaa haatan doorashadii 2000 ee Mareykanka ayaa ah ta keliya ee Maxkamadda Sare ee Maraykanka go'aan ka gaadhay.
Sannadkii 2000, musharrixii Dimuqraadiga, Al Gore ayaa lagaga adkaaday Florida, doorashadii madaxtinimada ee 537 cod tirada guud ee lixdii milyan ee cod ee gobolka laga dhiibtay.
Arintaa waxa ka dambeeyey dib u tirin muran badani ka dhashay oo bilo socotay illaa markii dambe Maxkamadda Sare go'aamisay in la joojiyo dib u tirinta oo ay guushii u xukunta musharrixii Jamhuuriga, George W Bush oo madaxweyne noqday.










