Doorashada Mareykanka Guusha Biden ka dib maxaa xiga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxa la odorosayaa in Joe Biden ku guulasanayo 270 cod ee gole-doorasho ee uu u baahan yahay si uu uga guulaysto Donald Trump. Hadaba maxaa intaa xiga ee dhici doona?
Madaxweyne xigeenka hore isla markiiba uma qalab qaadanayo xafiiska, waxa se intaa ka horeeyey dhawr arimood ay tahay in la sameeyo marka hore.
Badanaa waa kala guur sahalan, laakiin mararka qaar ayay arimuhu adkaadaan hadii ay bilaabanto dacwad laga qabo natiijada doorashadu.
Goorma ayuu Joe Biden xila la wareegi doonaa?
Dastuurka Maraykanku wuxuu dhigayaa in madaxweynaha cusubi uu xilka la wareego 20 Jeeniweri.
Arintaasi waxay dhacdaa oo uu xilka kula wareegaa xaflad la yidhaa xafaladda caleemo saarka oo ka dhacda catabadaha dhismaha Capitol Hill la yidhaa ee ah xarunta Congress-ka ee magaalada Washington DC.
Madaxweynaha cusub iyo madax-weyne ku xigeenka ayaa waxa goobta ku dhaariya gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.
Markaa Joe Biden iyo Kamala Harris waxa xilka loo dhaarin doonaa 20 Jeeniweri 2021.
Waxa se jira arimo jadwalka caynkaas ah dib u dhigi kara. Hadii Madaxweynuhu dhinto ama uu is casilo, madaxweyne xigeenka ayaa sida ugu dhakhsaha badan xilka loogu dhaariyaa.
Marka musharax guulaysto ka dib maxaa dhaca?
Badanaa musharaxa laga badiyaa uu u hambalyeeyaa ninka guulaystay laakiin Trump wuxuu wacad ku maray in uu natiijada doorashada maxkamad la tiigsan doono.
Iyaga oo ka falcelinaya natiijada ka soo baxday gobolka Pennsylvania, ayaa saraakiisha ololaha Trump waxay soo saareen warbixin ay ku yidhaahdeen "doorashadu ma dhamaan. Odoroska beenta ah ee Joe Biden ka adhigaya inuu guulaystay waxa lagu saleeyay natiijada ka soo baxday afar gobol oo tii kama dambaysta ahayd aan ahayn."
Waxa dib loogu noqnayaa tirinta coadka gobolka Georgia halkaas oo aan wax badan lagu kala horrayn. Trump waxa uu sidoo kale doonayaa in sidoo kale lagu noqdo tirinta Wisconsin. Waxaanu sidoo kale wacad ku maray in uu Maxkamadda Sare la tiigsanayo codbixintan uu ku andacooday in musuq ka dhacay walow aanu caddayn soo bandhigin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hadii natiijada doorashada dood sharci laga qabo, waxa dacwaddu ka bilaabmaysaa maxkamad heer gobol ah. Garsooreyaasha heer gobol ayey iyagana qasab ku noqonaysaa in ay aqbalaan dacwadda oo ay amar ku bixiyaan in codadka dib loo tiriyo, marka Maxkamadda Sare la isla tago na waxa qoloba ay dhankeeda kaga doodi doontaa oo Maxakamdda Sare ka codsan doontaa in ay buriso xukunka dhanka kale hayso.
Dhanka kalena waxa weli socota tirinta codadka natiijada soo baxday ee hordhaca ahina maaha mid rasmi ah ilaa kama dambaysta la ansixiyo, arintaas oo gobol walba ku qaadata muddo todobaadyo ah.
Hawshaana waa in la soo gabogabeeyaa ka hor inta aanay 538 xubnood ee ka tirsan ergada gole-doorashada gobolladu aanay si rasmi ha u fadhiisanin magaalo madaxyada gobollada ay wakiilka ka yihiin oo aanay iyaguna u codayn 14 Diisember.
Codka ergada gole-doorashooyinku wuxu had iyo goor saami gal toos ah la yahay tirada codka shacabku ka dhiibtaan gobol kasta. Hase yeeshee gobolada qaarkood sidaa ma wada aha.
Madaxweynaha cusub waxa si rasmi ah xilka loogu dhaariyaa 20 Jeeniweri marka uu dhamaysto mudada kala guurka ah si wakhti uu ugu helo inuu soo xusho oo uu magacaabo golihiisa wasiirada oo qorshena u dejisto.
Xafladdaas ka dib ayaa madaxweynaha cusubi u dhawaaqa dhanka Aqalka Cad si u halkaa uga bilaabo mudo xileedkiisa afarta sano ee xilka loo doortay ah.










