Doorashada Mareykanka 2020; Maxaa dhici karaa haddii musharraxiinta ay dacwad ka gudbiyaan natiijada doorashada?

Trump and Biden

Xilli ay socoto tirinta codadka doorashada Mareykanka, haddaba, musharraxiinta ka biyo diida natiijada sidey dacwadooda u gudbin karaan?

Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa su'aalo iyo jawaabo ku saabsan doorashada Mareykanka.

Section divider

Trump ma isku dayi karaa in uu dacwad ka gudbiyo natiijada doorashada?

Haa, labada dhinac waxay sheegeen horraan inay isku diyaarinayaan sidii dacwad ay uga gudbin lahaayeen doorashada.

Kooxda ololaha Trump waxay dacwad ka gudbinayaan natiijada doorashada gobollada muhiimka ah sida Nevada, Wisconsin, Georgia, Pennsylvania iyo Michigan.

Waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan in dib loo tiriyo codadka waa haddii lagala bixi waayo.

Sanadkan waxaa sare u kacay codeynta qaabka boostada, waxaa suurogal ah in codadkan lagu dhiibtay boostada dacwad laga gudbin karo.

Waxaana laga yaabaa in dacwadda loo gudbiyo maxkamadda ugu sarreyso Mareykanka- waana ha'yadda sharciga soo saarta go'aanada kama danbeysta ah.

Sida sanadkii 2000, markii maxkamadda sare ay joojisay in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay gobolka Florida, waxaana go'aankaas uu dan u ahaa musharraxii xisbiga jamhuuriga George W Bush oo sidaa madaxweyne ku noqday.

Section divider

Maxaa dhici karaa haddii ay natiijo isku mid ah keenaan?

Guud ahaan codadka guusha horseeda ee gobollada waxay gaarayaan 538, waxay ka dhigan tahay in ay suurogal tahay in natiijo isku mid ah oo dhanka codadka gobollada ay keenaan, inkasta aanan la filan karin.

Haddii musharraxiinta ay ku guuldareystaan inay keenaan codadka ugu badan ee ergada gobollada, waxaa markaas go'aan ka gaari karaa aqalka koongareeska.

Waxaan arrintaas go'an ka gaari karaa xildhibaanada aqalka koongareeska ee la doortay doorashada sanadkan 2020-ka.

Wixii markaas ka danbeeyo Aqalka golaha wakiilada ayaa u codeynayaa ciddii noqon laheyd madaxweynaha, iyadoo wafti kasta oo matalayo gobol-uu ka dhigan yahay hal cod- musharraxa madaxweyne noqonaya waa in uu helaa 26 kamid ah codadka weftiga gobolladaas.

Kaddib aqalka senetka ayaa dooran doona madaxweyne ku-xigeen, dhammaan 100 xubnood ee ka tirsan senetka ayaa codeynta ka qeyb qaadan doonaa.

Section divider

Maxay tahay saameynta codadka guud ay ku leeyihiin codadka guusha horseeda ee codadka ergada ?

Codadka guud ee musharraxa ka helo dalka wax go'aan ah kuma laha doorashada madaxtinimo ee Mareykanka balse waa in musharraxa uu ku guuleystay codadka ergada ee gobollada.

Musharraxa guuleysta waa in uu helaa ugu yaraan 270 oo ah codadka guusha horseeda ee ergada gobollada.

Section divider

Qof kasta oo dunida ku nool wuxuu ku wareeray 'codadka ergada gobollada', haddaba sidee ayay ku adkaatay in doorashada Mareykanka ay saameyn ku yeeshaan codadka laga dhiibta guud ahaan dalka isla markaana la tuuro 'ergada gobollada'? waxaa ina soo weydisay Judy oo ku sugan Canada.

Nidaamka doorashada Mareykanka wuxuu waafaqsan yihiin dastuurka, markaa haddii wax laga baddalayo in dastuurka wax laga baddalaa.

Waa isbaddalkaas ay ansixiyaan labo meelood saddex meel xildhibaanada aqalka senetka iyo golaha wakiilada, markaa waa inay ansixiyaan saddex meelood afar meel gobollada Marekanka.

Waana arrin u muuqato in aanay suurtogeli karin, inkasta oo ay jireen isku dayo horey u dhacay oo ku saabsan in wax laga baddalo doorashada.

line

Haddaba, maxay yihiin xubnaha ka tirsan ergada gobollada, sidee lagu soo doortaa? iyo muddada ay heyn karaan xilkaas? waxaa ina soo weydisay Penny Reid oo k sugan deegaanka Northumberland ee UK.

Xubanaha ka tirsan ergada gobollada waxaa doorasho kasta soo xulaa xisbiyada dimuqraadiga iyo jamhuuriga.

Waxaa jiraa hanaan kala duwan marka gobol kasta oo lagu xulanayo.

Ergada waxaa loo yaqaana kuwo wax doorta- waxay xiriir la leeyihiin xisbiyada siyaasadda ee Mareykanka, dadka u doodo xuquuqul insaanka ama siyaasiyiintii hore.

Bill Clinton wuxuu sanadkii 2016-kii kamid aha ergadii ay soo xusheen dimuqraadiga halka Donald Trump Junior ay soo xusheen jamhuuriga.

Bill Clinton

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Bill Clinton wuxuu madaxweynihii hore ee Mareykanka sanadihii 1993-2001

Yaa go'aan ka gaarayaa cidda madaxweyne noqoneyso waa haddii la waayay cid guul kasoo hoyisa ergada codadka ee gobollada? waxaa ina soo weydiyay -Robert Pallone oo ku sugan Maryland

Haddii la waayo cid guul ka gaarto codadka guusha horseeda ee ergada gobollada, waxay arrintaas ka dhigan tahay in la kala bixi waayay ama in aanan la xallin dacwadda ka dhanka ah natiijada doorashada.

Ergada gobollada oo ay shaqadoodu tahay soo xulista madaxweynaha- waxay kulmayaan 14-ka bisha Diseembar sanadkan, waa inay gudbiyaan musharraxiinta gobol kasta guul ka gaaray.

Haddii la xallin waayo khilaafka dhanka natiijada doorashada, waxaa loo gudbinayaa in arrinta inay faraha lasoo galaan xubnaha koongareerska.

Haddii kongareeska ay ku guuldareystaan inay soo xulaan cidda madaxweyne noqoneyso, waxaa jiraa hanaan gaar ah oo dhigaya cidda xilka qabaneyso sida sharciga uu dhigayo, waxaana ugu horreeya dadka xilka qaban karo , Afahayeenka aqalka wakiilada ama qofka labaad ee xilka ugu sarreeyo ka hayo aqalka senetka, Inkasta oo aysan arrinta weligeed dhicin.

Section divider

Maxay tahay sababta codadka la tiriyay ee gobollada qaar ay uga badan yihiin gobollo kale? waxaa ina soo weydiyay S Robertson, oo ku sugan deegaanka Sussex ee UK

Musharraxiinta waxay olole ka bilaabaan gobollada ee uu jahwareerka natiijo ay ka taagan yihiin- waana sababta dadka qaar ay isaga dhaadhiciyaan in gobolladan "codadkooda inta badan la tiriyay"

Waxaana gobolladan lagu tiriyaa inay yihiin kuwa muhiimka ah ee sida weyn loogu tartamayo.

Waxaana inta badan lagu xisaabtamaa codadka ergada gobolladan ee guusha horseeda.

Codbixiyeyaal ku sugan gobolka California

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Codbixiyeyaal ku sugan gobolka California

Gobollada qaar ee la sheego inay ku xooggan yihiin taageerayaasha xisbiyada qaar- sida gobolka California oo ay ku xooggan yihiin taageerayaasha dimuqraadiga halka gobolka Alabama ay ku xooggan yihiin taageerayaasha jamhuuriga- mararka qaar waxaa dhacdaa in musharraxiinta isku haleynayo halkaas aysan wax olole gobolladaas ku qaban.

Waxayna inta badan diiradda saarayaan sidii ay guul uga gaari lahaayeen gobollada muhiimka ah sida Florida iyo Pennsylvania.

Section divider