Heeshiis Saddexaad oo xabad joojin ah iyo dagaalka Nagorno-Karabakh oo cirka isku shareeray

Xigashada Sawirka, EPA
Xabad joojin cusub ayaa lagu wadaa inay dhaqan gasho saacado yar kaddib taasi oo u dhaxeysa ciidamada Armenia iyo Azerbaijan oo ku dagaalamaya dhulka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.
Wadahadalada Washington kaddib , Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa waxay sheegtay in labada dhinacba ay isku raaceen in la dhaqan geliyo loona hogaansamo xabad joojin cusub laga bilaabo sideeda subaxnimo waqtiga maxaliga ah.
Laba xabbad-joojin oo horay u dhemartay labada dal ayaa burburay iyadoo Dagaalkana uu cirka isku shareray ka hor heshiiska.
Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan gobolkaas ayaa sheegay in weli uu dagaal ka socdo dhammaan jiidaha hore.
Ku dhawaaqidda heshiiskan xabad joojinta ah ee cusub ayaa imanaya ka dib wadaxaajoodyo dhemaray Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Mareykanka Stephen Biegun, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Armenia iyo dhigiisa Azerbaijan Jeyhun Bayramov.
Dhanka kale Jimcihii, labada wasiir ayaa waxay Washington kula kulmeen Xoghayaha Guud ee Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo .
Madaxeynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u hambalyeeyay dhamman dadkii ka qeyb qaatay heshiiska xabad joojinta.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan

Dhex-dhexaadiyesha Yurub ee labada dal ayaa sidoo kale maalinta khamiista ah dib u kulmi doona si ay uga wada xaajoodaan dagaalka u dhaxeeya Armenia iyo Azerbaijan.
Waxaa si dhakhsiya u bur-buray heshiis xabad joojineed ee ay labada dal ku kala saxeexdeen dalka Ruushka. Madaxweynha Azerbaijan, Ilham Aliyev ayaa sidoo kale Ruushka uga digay inuusan qaab milatari usoo galin dagaalka labadan ee ku muransan gobolka Nagorno-Karabakh.
Goobtan ayaa si rasmi ah qeyb uga ah Azerbaijan, waxaana xukuma dad ka soo jeeda Armenia
Armenia iyo Azerbaijan - waa laba dal oo horey u ahaa jamhuuriyadihii Midowgii Soofiyeeti - waxayna dagaallo ku dhex mareen sannadihii 1988-1994 gobolkaas. Waxaana sii kordheysay cabsida laga qabay in quwadaha caalamka ay u horseedaan khilaaf daba dheeraada.
Dagaalkan oo bilowday bishii September ayaa si dhakhsiya cirka iskugu shareeray, kaasi oo horseeday khasaaro farabadan oo naf iyo maalba leh.
Dhwor kun oo qof oo labada dhinac ah ayaa la shageeyaa iney ku nafwaayeen dagaalka, halka tobanaan kun oo qofna ay guryahoodii ka barakeceen.
Nagorno-Karabakh - Xaqiiqooyin ku saabsan

- Waa dhul buuraley ah oo ku fadhiya qiyaastii 4,400 kiilo mitir oo laba jibbaaran
- Waxaa dhulkaasi deggan Kirishtan Armeniya ka soo jeeda iyo Tarki Turkiga ka soo jeedda
- Xilligii midowgii Soofiyeet gobolkaasi wuxuu noqday gobol madax-bannaan oo ka tirsan jamhuuriyadda Azarbajaan
- Caalamkana waxaa looga aqoonsan yahay inuu yahay gobol madax-bannan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Azarbajaan
- Dagaalladi dhacay inti u dhaxeysay 1988-1994, waxaa ku dhintay ku dhawaad 30,000 oo qof halka ay ku barakaceen dad lagu qayaaso 1 malyan
- Dagaalki 1990-yadi dhacayna kooxo gooni u goosad ah waxay qabsadeen dhulal kale oo ku yaalla xadka Azarbajaan
- Khilaafka ayaa sii xoogeysanayey tani iyo marki la dhaqan geliyey xabbad joojinti 1994-kii
- Turkigu si aan gabbasha lahayn wuxuu u taageeraa Azarbajaan
- Ruushka wuxuu xaruumo militari uu ku leeyahay Armeeniya













