Maxay saas ugu naxday Ra’iisul Wasaaraha markuu dhul-gariir dhacay?

Qoraalka Muuqaalka, Ra'iisul Wasaaraha Iceland, Katrín Jakobsdóttir, ayaa isdajisay markii ay ka naxday dhul gariir dhacay iyadoo toos looga wareysanayo Telefishinka

Dhul gariir ayaa ka dhacay waddanka Iceland xilli ay si toos ah hawada ugu jirtay haweeneyda Ra'iisul Wasaaraha ka ah waddankaas, Katrín Jakobsdóttir, oo qaab muuqaal ah ugu warrameysay Wargeyska Washington Post.

Marwo Jakobsdóttir ayaa markii hore ka naxday dhawaaqa iyo gilgilashada, hase ahaatee waxay ku guuleysatay inay isdajiso, si ay wareysiga halkiisa uga sii waddo.

Ra'iisul Wasaaraha oo u muuqatay in wax laga weydiinayay xaaladda fayraska corona ee waddankeeda iyo baaritaannada ay sameeyaan ayuu mar qura jawigeeda is baddalay kaddib markii la maqlay dhawaaqa dhul-gariirka.

"Alla rabiyoow... waxaa dhacay dhul-gariir.. ahh, iga raalli noqda dhul-gariir ayaa hadda dhacay, waaw. Hagaag halkan waa Iceland," ayey tiri iyadoo qosol sii raacisay.

.

Xigashada Sawirka, Washington Post Live

Wariyihii su'aalaha la hadlayay ayaa weydiiyay sida ay dareemeyso, waxayna u sheegtay inay caadi tahay.

"Ka raalli noqda taas, kaliya waxaan dhammeystirayaa su'aasha... Haa aad baan u fiicanahay, guriga wali wuu is xajinayaa, marka walwal ma jiro."

Wareysiga ayaa halkiisii ka sii socday markaas kaddib.

Dhul-gariirkaas, oo uu cabirkiisu ahaa 5.6-magnitude (oo lagu qiyaaso cabirka dhul-gariirrada) ayaa maalintii Talaadada ahayd ku dhuftay magaalada Krysovik, oo dhinaca koonfureed ka xigta caasimadda Reykjavik.

Ma jirin khasaare dhimasho ama dhaawac ah oo lasoo tabiyay inay ka dhasheen musiibadaas dabiiciga ah.

Waxaa saameynta dhul gariirka laga dareemay inta badan Koonfurta iyo Galbeedka waddankaas, sida ay sheegtay hay'adda saadaasha hawada ee Iceland.

Jakobsdottir ma aha hoggaamiyihii ugu horreeyay ee sanadkan uu wareysi uga hakado ama ka naxa dhul gariir dhacay xilli uu socday wareysi toos uga baxayay telefishinka.

Prime Minister Ardern looks upwards during earthquake

Xigashada Sawirka, Reuters

Bishii May ee isla sanadkan, Ra'iisul Wasaaraha waddanka New Zealand, Jacinda Ardern, ayaa iyadoo wareysi lala yeelanayay uga hadleysay qaadista xayiraadaha uu sababay fayraska corona waxaa dhacay dhul-gariir uu cabirkiisu ahaa 5.8 magnitude, kaasoo ku dhuftay meel u dhow magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Wellington.

Xilli kaamiradii duubeysay Ra'iisul Wasaaraha ay gilgilatay, ayey Jasinda oo dhoollacaddeyneysa ku tiri wariyihii wareysanayay oo ka tirsanaa warbaahinta Newshub AM: "Waxaa nagu dhacay xoogaa dhul-gariir ah, ilaa xoogaa ayaana gilgilanay."