Su'aalaha jawaabahooda lagu wareersan yahay ee la xiriira caafimaadka Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muddo 3 maalmood ah ayaa laga joogaa tan iyo markii la shaaciyay in fayraska corona laga helay Donald iyo Melania Trump.
Markaa wixii ka dambeeyayna madaxweynaha ayaa la dhigay isbitaal waxaana sii kordhayay tirada saraakiisha sarsare iyo dadka ka agdhow Trump oo laga helayay fayraska corona.
Waxaa jira su'aalo la isweydinayo oo muhiim ah oo aanan weli laga jawaabin.
Goormaa ayay ahayd xilligii ugu dambeysay ee laga waayo fayraska corona?
Waxaa aad u adag in la ogaada xilliga saxda ee Aqalka Cad ogaaday in madaxweynaha laga helay xanuunka Covid-19.
Shirarkii Jeraa'id ee la qabtay Sabtidii iyo Axaddii ayaa dhakhaatiirta Aqalka Cad dhowr goor la weydiiyay su'aashaasi, balse waxay gaashaanka u daruureen iney jawaab ka bixiyaan xilligii ugu dambeysay ee madaxweynaha laga waayay fayraska Corona.
Aqalka Cad ayaa sheegay in xanuunka madaxweynaha uu bilowday galabkii khamiista, kaddibna laga helay fayraska laakiin waxaa si rasmi ah barta Twitter-ka loogu shaaciyay xilligii dambe ee isla habeenkaas.
Sida laga soo xigtay Joornaalka Wall Street, madaxweynaha ayaa markii hore laga helay fayraska ka hor inta uusan wareysi siinin warbaahinta Fox News. Shaacintiisa barta Twitter-ka ayaa timid kaddib markii lagu sameeyay baaritaan labaad oo lagu xaqiijiyay inuu qabo fayraska corona.
Hase yeeshe waxaa xaaladda sii adkeeyay markii Sabtidii warbixin uu dhakhtarkiisa gaarka ah ku sheegay in madaxweynaha fayraska corona laga helay 72 saacadood ka hor taasi oo micneheedu yahay in Arabacadiiba uu Trump xanuunka qabay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaan ka ognahay xaqiiqooyinka ku saabsan caafimaadka Trump?
Subixii Sabtida Dr Conley ayaa sheegay in aanan madaxweynaha lagu xirin qalabka lagu neefsado, 24-kii saacadood ee la soo dhaafayna aanay wax qandha ah qaban.
Waxaa la filayaa in madaxweynaha uu isbitaalka Walter Reed ku sii jiri doono "maalmaha soo socda" sida laga soo xigtay Aqalka Cad ee Mareykanka.
Dr Conley ayaa sheegay in rejadiisu ay wanaagsan tahay, balse uu jadwal u sameeyn doono qaabka madaxweynaha isbitaalka looga soo saarayo.
Hase yeeshee madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Mark Meadows ayaa walaac ka muujiyay xaaladda madaxweynaha, waxa uuna sheegay ineysan weli jirin ifafaalo cad oo ku aaddan caafimaadkiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Baaritaankiisa cudurka Covid-19 ee uu Jimcihii ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka, ayaa waxay hakisay ololihiisa sidoo kalana waxaa shaki laga muujiyay iskudaygiisa uu ku doonayo in shaqada lagu siiyo xaakimka cusub ee Maxkamadda dalkaas ugu sarraysa ka hor inta aanan codbixinta loo dareerin.
Covid ayaa halis gaar ah u lahaan kara madaxweynaha oo 74 sano jir ah aadna u cayilan. Waxaa ilaa iyo hadda lagu daweeyay dawo tijaabo ah oo loogu talagalay fayriska korona, bals e aan wali la ansixinin.
Ma tahay in Mike Pence la karantiilo?
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo ah ninka jagada sii qaban doono haddii ay Trump wax ku dhacaan ayaa ilaa iyo imika gaashaanka u daruuray in la karantiilo inkastoo ay suurogal tahay inuu isagana xanuunka ku dhacay.
Pence iyo xaaskiisa Karen ayaa labaduba Axaddii laga waayay fayraska, baaritaankaasi ayaa ahaa kii saddexaad toddobaadkan gudihiisa.
Xilliga qofka uu xanuunka jirkiisa ku jirayo waa muddo 14 maalmood ah sidaa darteed weli natiijada baaritaanka Pence ma xaqiijineyso in uusan ku dhicin cudurka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaa looga gaabiyay in la daba galo dadka looga shakiyay inuu ku dhacay fayraska?
Sabtidii ayay ahayd markii Madaxweynaha uu ku dhawaaqay in Amy Coney Barrett, uu u soo xulay inay noqoto Garsooraha Maxkammadda sare, xafladdaas oo ka dhacday aqalka cad ayaa waxaa ka soo qayb galay dad gaaraya 200 oo qof .
Ka sokow Mr Trump iyo xaaskiisa, ugu yaraan shan qof oo kale oo ka qeyb galay xafladdii Rose Garden ayaa sheegay in laga helay cudurka - in kastoo aan la ogeyn halka iyo cidda qaadsiisay xanuunkan.

Xigashada Sawirka, .
Dadkaasi waxay kala yihiin la taliyihii hore ee aqalka cad Kellyanne Conway, Senatarka laga soo doorto gobolka Utah Mike lee iyo Senator Thom Tillis oo matala gobolka North Carolina, labadooduba waxay qayb ka yihin guddiga garsoorka ee aqalka Senateka. Waxaa kale oo cudurkan laga helay hogaamiyaha Jaamacadda Notre Dame, John Jenkins.
Fiidnimadii Sabtidaasi, Madaxweyne Trump wuxuu isku soo bax ku qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga Harrisburg ee Middletown, Pennsylvania.
Tan iyo xafladdaas, Amy Coney Barrett waxay kulamo la yeelatay madax kala duwan - oo uu ku jiro hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka Senetka Mitch McConnell - kahor dhageysiga guddiga senetka si ay u xaqiijiyaan xilka loo magacaabay oo aad loo sugayo, taas oo dhici doonta 12 Oktoobar.
Isniintii, Madaxweyne Trump wuxuu aqalka cad ku qabtay shir jaraa'id oo kooban - isaga oo ka warbixiyay istiraatiijiyadda baaritaanka Coronavirus ee maamulkiisa .

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka Mike Pence, xoghayaha caafimaadka Alex Azar, xoghayaha waxbarashada Betsy DeVos, iyo madaxa fulinta ee Abbott Laboratories, Robert Ford, iyo kuwo kale.
Aqalka Cad wuxuu si joogto ah cudurka uga baara saraakiisha iyo martida madaxweynaha la kulanta.
Si kastaba ha ahatee, warbaahinta Mareykanka ayaa xustay in Maaskarada ama marada afka lagu xirto iyo kala fogaanshaha Madaxweynaha agtiisa ay aad u yar tahay, waxaan arrinkan laga dheehan karaa in dadku ay aad ugu tiirsan yihiin nidaamka baaritaanka, taas oo aan caqli-gal ahayn.
Madaxweynuhu wuxuu dood fool ka fool ah kala qeybgalay ninka ay aadka isugu hayaan doorashada ee Joe biden doodasai oo ak dhacday Cleveland ee gobolka ohio.
Madaxweyne Trump wuxuu halkaas u raacay diyaaradiisii madaxweynanimo, Air Force One, oo ay weheliyaan xaaskiisa, caruurtiisa iyo kaaliyayaal badan.
Qaar badan ayaa la arkaayey iyagoo aan waji-xirka xirneyn markii ay fuulayeen diyaarada ama ay ka degayeen sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka.
In kasta oo dhacdooyinkan soo noqnoqodka ah ee madaxweynaha iyo kaaliyeyaashiisa sare, haddana, maamulku ayaa waxaa ka muuqtay habacsanaan xagga dabagalka dadka looga shakiyay inuu ku dhacay fayraska korona.
Sida laga soo xigtay Washington Post, in badan oo ka mid ah shakhsiyaadka ka qaybgalay munaasabadaha madaxweynaha toddobaadkii la soo dhaafay, ayaan weli la xiriirin saraakiisha caafimaadka ee dowladda.
Shaqaalaha Aqalka Cad laftoodu ma helin tilmaamo cad oo ku saabsan iskarantiilkooda.










