Taageerayaasha Trump oo tunka u dhigtay shaqadii uu qaban lahaa

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images)
Taageerayaasha Donald Trump ayaa isugu soo uruuray banaanka isbitaalka milatariga ee lagu dabiibayay madaxweynaha. Isbitaalka oo lagu magacaabo Walter Reed ayaa waxa uu ku yaalaa meel aan sidaa uga fogeyn Washington.
Dhanka kale isu soo baxyo kale oo lagu taageerayo Trump ayaa waxay ka dheceen meelo badan oo ka mid ah Mareykanka.
Subixii Sabtida Dr Conley ayaa sheegay in aanan madaxweynaha lagu xirin qalabka lagu neefsado, 24-kii saacadood ee la soo dhaafayna aanay wax qandha ah qaban.
Waxaa la filayaa in madaxweynaha uu isbitaalka Walter Reed ku sii jiri doono "maalmaha oo socda" sida laga soo xigtay Aqalka Cad ee Mareykanka.
Dr Conley ayaa sheegay in rajadiisu ay wanaagsantahay balse uu jadwal u sameeyn doono qaabka madaxweynaha isbitaalka looga soo saarayo.
Hase yeeshee madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Mark Meadows ayaa walaac ka muujiyay xaaladda madaxweynaha, waxa uuna sheegay ineysan weli jirin ifafaalo cad oo ku aaddan caafimaadkiisa.
Taageerayaasha ku sugan banaanka isbitaalka Walter Reed ayaa madaxweynaha u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhanka kale banaanbaxaal ka soo horjeeda kuwa Trump lagu taageerayo ayaa iyagana isugu soo baxay banaanka isbitaalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sabtidii shalay ahaydna isu sooo baxyo kale oo lagu taageerayo Trump ayaa ka dhacay goobo kala duwan. California, waxaa buux-dhaafiyay gawaari ku xardhan qoraallo iyo sawirrada Trump.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Magaalada Fort Lauderdale, ee gobolka Florida ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay doomo badan oo madaxweynaha lagu taageerayo.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dad badan ayaa sidoo kale isugu soo baxay magaalada New York, waxaana dhammaan isu soo baxyadaasi la qaban-qaabiyay kaddib markii Trump laga helay xanuunka Covid-19.

Xigashada Sawirka, Getty Images











