Macallimuu: Weerarkii Elite Hotel waxa uu igu reebay uur kutaalo

Macalimu Facebook

Xigashada Sawirka, Macalimu Facebook

Ugu yaraan 16 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar shalay casarkii ay dagaallamayaal Al-Shabaab ah ku qaadeen huteelka Elite, halka 13 kalena ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen booliska Soomaaliya.

Dadka ka badbaaday weerarkaasi waxaa kamid ah weriyihii hore ee BBC-da u joogay Muqdisho, haddana ah xoghayaha guud ee Isutagga Saxafiyiinta Soomaaliyeed (FESUJ), Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Bartiisa Facebook ayuu ku faahfaahiyay sida ay wax u dhaceen iyo qaabka uu ku badbaaday.

Macallimuu ayaa sheegay in salaadii casar kadib isaga iyo saaxiibkii [marxuum] Cabbdirisaaq Cabdi Cabdullahi oo ka tirsanaa agaasimayaasha wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ay u qaxwa doonteen Elite hotel oo saaran xeebta Liido.

Waxa uu sheegay in markii ay huteelka gaareen ay fariisteen kursi gaar u ah oo deyrka alwaaxa ka samaysan ee huteelka kaasoo saaran xeebta badda.

Marxuum Cabdirisaaq ayaa telefoon uu kula hadlayay Senator Ayuub Ismaaciil u dhiibay saaxiibkii Macallimuu oo uu kaftan kooban dhexmaray.

BBC

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency

"Markii aan telefoonka dhigay qaxwihii aan dalbannayna aan naloo keenin ayaa mar kaliya waxaan korkeena ku aragnay holac sidii hilaaca oo kale ah, waxaana xigay jug dhagahu ay na awdmeen ,qiiq iyo uuro madow , intaa kuma ay ekaana waxaa is qabsaday rasaas dhinac walba ah," ayuu yiri Macallimuu.

"Kuraasteenii ayaa isku dhacday, waxaan xusuustaa intaan gacanta ka qabtay [Cabdirisaaq] ayuu iska keey filgay ,wuxuu u cararay dhankii laamiga ee xabadda xoogga badan ka socotay, in kastoo ay adkeyd in la kala garto halka rasaastu kaa xigto, nasiib darro saaxiibkeey Cabdirisaaq waxaa haleeshay rasaas kaga dhacday wadanaha iyo lugta ,dibadda ayuu u baxay isaga oo dhaawac daran ah,daqqiiqada kadibna wuu geeriyooday," ayuu sheegay Macallimuu.

Cabbdirisaaq Cabdi Cabdullahi

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Marxuum Cabbdirisaaq Cabdi Cabdullahi ayaa ka tirsanaa wasaaradda warfaafinta Soomaaliya

Qaabkii uu ku baxsaday

Maxamed Ibraahim Macallimuu oo dhowr qarax oo hore ka badbaaday, uuna kamid ahaa mid uu ku dhaawacmay 21-kii January 2016, ayaa tafaasiil ka bixiyay qaabka uu uga baxsaday Elite Hotel.

"Aniga horey kama cararin ee waxaan husbaday sida ay wax u socdaan iyadoo wadnuhu sida durbaanku ii garaacayo. Waxaan gacanta ku qabsaday labadii telefoon ee aan watay waxaanan goostay inaan ka boodo gidaarka dhanka xeebta oo noo dhawaa ,laakiin rasaasta ayaa meel walba ku dhaceysay,"

"Go'aan ayaan qaatay waxaan u booday dhanka badda, funaanad aan xirnaa oo cagaar aheyd ayaan iska bixiyay sababtoo ah midabada qaar sida casaanka iyo cagaarku dadka badan ee cararaya waa lagaa dhex toogan karaa," ayuu yiri Macallimuu.

Weriyaha ayaa sheegay inuu markii uu badbaaday uu billaabay baadigoobka saaxiibkii Cabdirisaaq, kaasoo loo sheegay in meydkiisa uu yaallo cisbitaalka Umma. Waxa uu tilmaamay in geerida ninkaasi ay si weyn u taabatay oo ay uurkutaalo ku reebtay.

Ciidamada ammaanka ayaa soo afjaray weerarka kadib markii uu shan saac socday.

Jeneral Cabdiraxmaan Maxamud Tuuryare, taliyihii hore ee NISA ayaa BBC-da u sheegay in Al-Shabaab ay markasta weerarradooda xoojiyaan xilliyada kala guurka ah.

"Dowlad kasta marka xillegeedu dhamaan rabo, weerarrada iyo hawlaha ay fulinayaan [Al-Shabaab] waa ka badan yihiin mararka kale. Marka lixda bilood ee soo socota aad ayay khatar u yahay," ayuu yiri Jen. Tuuryare.