Shirka madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti

Madaxtooyada Jabuuti

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Jabuuti

Qoraalka sawirka, Madaxda Soomaaliya, Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya oo maanta ku kulmay magaalada Jabuuti
    • Author, Abdifitah Ibrahim Cagayare
    • Role, BBC Somali

Waxaa maanta magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ka furmay kulan ay ku wadahadlayaan wufuud ka kala socata Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

Shirka waxaa ka qeybgalaya wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo mid kale oo uu horkacayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cadi.

Dhanka kale waxaa kulanka goobjoog ka ah madaxweynaha martida loo yahay ee Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra'iisuul Wasaaraha Itoobbiya Aby Ahmed.

Shirkan oo casuumaddiisa ay soo baxday maalmo uun ka hor ayaa waxaa loo fadhiyaa kulankiisii ugu horreeyay kaas oo ay albaabadu u xiran yihiin. Mana cadda ajandaha rasmiga ah ee labada dhinac ay maanta shirkooda ku furayaan.

Haddaba Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya oo BBCda la hadlay ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay wanaag ka rajaynayaan shirkaasi.

"Wixii keenay Allaa og iyo dadka ka dambeeya iyo dowladda Jabuuti, waxaanse isleeyahay dowladda Xamar katalisaana waa gebagabo, tankalana kama sii foga oo gudheedu daciif bay tahay, marka waxaan rajaynaynaa Ilaahayna aan ka baryeynaa gebagabadaas ay yihiin inay ka soo baxaan wax dadka Soomaaliyeed meeshay joogaanba ha joogaanee uqalma." Ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Madaxtooyada Jabuuti

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Jabuuti

Qoraalka sawirka, Madaxda Soomaaliya, Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya oo maanta ku kulmay magaalada Jabuuti

Shirkan waxa uu u muuqanaya mid muddo laga soo shaqeeynayay, waxaana taas laga dheehan karaa miisaanka wafdiga labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland, iyo wufuudda kale ee aan Soomaalida aheyn.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar geelle ayaa kulanka labada dhinac shir gudoomin doona. Dabayaaqadii 2014-kii ayey aheyd markii isla madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu casuumaad ugu fidiyay magaalada Jabuuti madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasa Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Hiiraan Online

Xigashada Sawirka, Hiiraan Online

Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Jabuuti Diseembar 2014

Gunaanadkii shirkaasi waxa ay madaxda labada dhinac ku heshiiseen lix qodob oo ay aheyd in dhinacyadu ay fuliyaan, si xal looga gaaro xiriirka u dhaxayn kara labada dhinac.

Halkan hoose ka akhriso qodobadaasi lixda ah ee ay 21 Diseembar 2014-kii ku heshiiyeen labadii madaxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland ee xilligaas.

Soomaaliya iyo Somaliland
Qoraalka sawirka, Heshiiskii Jabuuti ay ku gaareen Soomaaliya iyo Somaliland bishii Diseembar 2014
Qoraalka Muuqaalka, .