Coronavirus: 'Waxaan ka argagaxsanahay riyadeydii hooyanimada oo baaba'aday'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweenka rajada ka qaba inay hooyooyinka noqdaan ayaa ka walwalsan inaysan riyadooda waligood u rumoobi doonin, maadaama xarumaha caafimaadka ee bixiya adeegyada bacriminta ubadka lagu raadiyo ee caalamka ay joojiyeen howlahooda, taasoo uu sabab u yahay cudurka safmarka ah ee coronavirus.
"Waxaan rabaa inaan cunug u dhalo seygeyga. Cunuggaas waxaan rajeyneynay muddo 12 sano ah," ayey tiri Sian Brindlow, oo kasoo jeedda galbeedka gobolka Sussex ee waddanka UK.
"Waxaan ka argagaxsanahay in ay dhammaan riyooyinkaas burburaan".
Haweeneydan waxay ka mid tahay dad badan oo qorsheynayay in loo sameeyo adeegga bacriminta ugxaanta, waxaana dhammaantood mar qura loo wada sheegay in adeeggii loo qaban lahaa hakad loo galiyay sababo la xiriira cudurka dunida ku baahay ee coronavirus. Ma jiro xilli loo qabtay in dib howlahaas loo billaabi doono.
Sian waa 40 jir, iyada iyo seygeedana waxay dhawaan billaabeen wajigii saddexaad ee bacriminta ugxaanta, laakiin waxaa kasoo dhexgalay hakinta lagu dhawaaqay.
Labadii waji ee ay horay u mareen kuma dhammaanin si guul ah.

Xigashada Sawirka, Sian Brindlow
Howlihii noocan ahaa ee ay horay u mareen iyada iyo seygeeda waxay ku yeesheen saameyn dhinaca maskaxda ah, haddana waxaa uga sii daraya dhibaatada ka dhalatay coronavirus oo sii xoogeysaneysa.
"Ma garaneyno waxa dhici doona. Xaaladdu runtii way adag tahay", ayey tiri.
Xarumaha bacriminta ugxaanta lagu sameeyo ee dalal badan ayaa joojiyay adeegyadooda mana jiro wax caddeynaya goorta ay dib u howlgali doonaan.
"Waan fahansan nahay in arrintan ay dhibaato weyn ku tahay bukaannada iyo xarumaha caafimaad ee adeeggaas fuliya, maadaama dhammaan howlihii bacriminta ugxaanta la joojiyay laga billaabo 15-kii April, 2020," waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay maamulka bacriminta ugxaanta bani'aadanka ee UK.
Waddanka Mareykanka, hay;adda bixisa adeegga noocaas ah oo magaceeda loo soo gaabiyo (ASRM) ayaa joojisay shaqadeeda, waxayna dib u dhigtay dadka cusub ee loo sameynayo daweynta bacriminta ugxaanta.
Dib u dhac iyo guul darro

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sian waxay sheegtay inay fahansan tahay duruufta sababtay in adeeggii loo waday la hakiyo, laakiin dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafayba way niyad jabsaneyd.
Ka hor inta uusan soo bixin cudurka safmarka ah ee coronavirus, waxay rajeyneysay in keydinta ugxaanteeda ay niyadda ugu dagi doonta inta ay sugeyso qalliinka.
Haddase ma heysato hubaal.
"Waxaan u maleynayay in haddii ay ukumaha ugxaanta ah isku daraan ay keydin doonaan, taasna waan ku qanci lahaa. Sababtoo ah markaas kama aanan walwali lahayn da'deyda," ayey tiri.
Sidaasoo ay tahay wali waxay ku rajo weyntahay in howsheeda dib loo billaabi doono xilli aan fogeyn.
"Diyaar ayaan u ahay inaan sugo, haddiiba ay mar uun suurtagaleyso", ayey tiri Sian. Laakiin way ka warqabtaa in riyadeeda ay burburi karto.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Khubarada ayaa sheegaya in joojinta bacriminta ugxaanta ay gacan ka geysaneyso hakinta faafitaanka cudurka Covid-19, maadaama shaqaalaha caafimaad ee howshaas ku mashquulsanaan jiray ay hadda ka qeyb galayaan caawinta bukaannada uu cudurka haleelay.
Dr Marco Gaudoin, oo ku takhasusau bacriminta ugxaanta bani'aadanka, ayaa sheegay in tallaabadan ay saameyn adag ku yeelan doonto haweenka ay daweynta u socotay, maadaama guul laga gaaro howshooda ay ku xiran tahay da'dooda iyo waqtiga.
"Markii laga eego dhinaca seyniska, haddiiba ay da'daadu kor u dhaafto 34, bil kasta oo sii socota waxay ka dhigan tahay in fursadda guushaada ay hoos usii dhaceyso 0.3%. Marka haddii lix bilood la gaaro fursaddu waxay lumeysaa 2%," ayuu yiri isagoo la hadlayay BBC-da.
Bacriminta ay dhakhaatiirta ku sameeyaan ugxaanta bani'aadanka waxaa ku dhalatay 5 milyan oo carruur ah 40-kii sano ee lasoo dhaafay gudahooda.












