Coronavirus: Bandow ma yahay jawaabta Covid-19 ee Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika?

.
Qoraalka sawirka, Saacad ka hor xilliga bandowga, magaalada ayaa si caadi ah u camirneyd

Waddamo badan oo Afrika ku yaalla ayaa soo rogay bandow si ay uga hor tagaan faafidda cudurka Corona, balse waxay khubarada qaar ku doodayaan in dadka caadiga ah ee u bandowga saameynta ku yeelanaayo in laga qeyb galiyo go'anada si loo gaaro wixi iyaga xal u ah.

Dalalka qaaradda ku yalla waxay xakameyeen cudurro safmar ah sida HIV iyo Ebola, waxyaabihii ay ka barteen cuduradaasi ayayna u isticmaali karaan la dagaallanka Covid-19.Casharka ugu muhimsan ayaa ah in qowmiyad walbo ay furinta hore ka gasho la dagaallanka cudurka.

Cabuqan keena cudurka Coronavirus lama oga saameynta uu ku yeelanayo qofka qaba cudurka duumada ama Malaariyada iyo dadka macluusha ay hayso.

Dhanka kale, dadka ku nool Afrika badankood waa dad da'a yar.

Mid ka mid ah sababaha lagu sheegay in Talyaaniga uu si ba'an ugu saameeyay cudurkan ayaa ah in ay ku noolyihiin dad da'a ah, shacabka dalkaasna boqolkiiba 23 waxay ka weynyihin da'ada 65 sano- kuwaasoo lagu tilmaamay in ay cudurka u nugul yihin.

Afrikana boqolkiba 2 ayaa ka weyn da'ada 65 sano, taasina waxa laga yabaa inay sababto in qaaradda uusan saameyn weyn ku yeelanin cudurka.

Waxaa cad in waddan walbo oo qaarada ka tirsan uu la yimaado go'aanno uu cudurka uga jawababayo kuwaasi oo dadkiisa u dan ah.

Siduu Muqdisho uga dhaqan galay bandowgii la saaray?

.

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka, Bandowga ayaa si rasmi ah u billaabanayay Arbacada

Sida ay ku soo warramayaan weriyayaasha BBC-da ee magaalada Muqdisho waxaa si toos ah uga hirgalay bandowgi lagu soo rogay taariqda markay ahayd 12-kii bishan April.

Weriyaha BBC-da oo magaalada dhax maray si uu u ogaado dhaqdhaqaaqa dadka ayaa ku soo waramaya in iyadoo xilligii bandowga ay ka harsaneyd 30 daqiiqo ay dukaamada badankood furnaayeen, sidoo kalena maqaaxiyaha qaar ay iska sii camirnaayeen iyadoo aad mooddo in dadka badankood aysan u diyaar garowin in daqiiqado kaddib ay tahay in guryahooda ay ku xaroodaan.

"Ma jirin ciidamo waddada lagu soo daadiyay si ay u hirgaliyaan bandowga balse daqiiqado ka hor 8-dii fiidnimo ayaan waddada Maka Al-Mukarama ku arkay dhowr gaari oo sameecado ku xiran yihiin oo shacabka xasuusinaya in la gaaray sacaddii bandowga, laakiin markii la gaaray saacadi bandowga dadka way xireen ganacsigoodii balse isku socodka gaadidka ayaa weli socday ilaa laga gaarayay 8-da iyo barka fiidnimo", ayuu yiri Maxamud Cabdisamad oo ka mid ah weriyayaasha BBC-da ee Muqdisho.

Maxamuud wuxuu intaasi ku daray in saacadu markay hayd 8-dii iyo qadar 30 daqiiqo ah ay isgoyska lambar afar ciidamada xireen oo baabuurta labada dhinac ka kala imaaneysay dhinacyadoodi lagu xiray, kadibna ay dadkii soo dageen oo taliyihii meshaas joogay ay ka codsanayeen iyago aqonsigooda tusaya in la fasaxo, qaarkoodna waxay sheegayeen inay dhakhaatiir yihin, dadka qaarna inay dad xanuunsan wadaan ayey taliyaha u sheegayeen kaddibna hal mar dadkii la wada fasaxay.

.

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka, Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar)

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), oo hadlay ayaa sheegay inuu bandowgii si toos ah u dhaqan galay xalay.

"Bandowgii aan ku dhawaaqnay 12-kii bisha April, caawa oo Arbaca ah ayuu dhaqan galay, sidaan horay u sheegnay, bandowga ma qaban doono weriyayasha, dukaamada lagu iibiyo raashinka qallalan iyo farmashiyada, shacabka waxaan ka codsaneynaa inay nala shaqeyaan oo bandowga xilligiisa ay guryahooda joogaan", ayuu yiri.

Maxay dowladaha ugu baahan yihiin inay shacabkooda la hadlaan?

Dowladuhu ma hayaan xog iyo saadaalin ay ku ogaan karaan waxyaabaha cudurkan la xiriira, isla markaasna dhaqso uma heli doonaan.

Laakiin waxaa jira hab ka wanaagsan, oo la isku dayay lana tijaabiyay: waana lahadlidda bulshada.

Dhakhaatiirta iyo khuburada cudurrada faafa waxay bixin karaan xaqiiqooyinka caafimaad, bulshada waxay bixin karaan faahfaahinta macnaha guud iyo aqoonta wixii ushaqayn jiray muddadii hore ee la xiriira cudurrada faafa.

Shiinaha, Yurub iyo Waqooyiga Ameerika dhammaantood waxay qaateen siyaasad isku mid ah oo xakameysa faafitaanka xanuunkan taasoo ah in la soo rogo xannibaad.Dowladaha Afrika ayaa raacay tallaabadaas, laakiin guud ahaan amarrada bandowga ayaa laga yaabaa inaysan si fudud uga dhex shaqeyn karin qaaradda. Kaliya dhowr waddan oo Afrikaan ah, sida Rwanda iyo Koonfur Afrika, ayaa leh awood ay ku maamuli karaan istiraatiijiyad dhexe.Maxaa looga baahanyahay Afrika?

.

Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Farmaajo

Madaweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu horay u sheegay in shacabka ay feejignaadaan oo ay iska ilaaliyan cudurka maadama aysan haysanin hannaan caafimaad oo wax badan u qaban kara hadii u cudurka ku faafo dalka.

Casharrada ugu muhiimsan ee wax ka qabashada cudurku waa in si dhakhso leh wax looga qabto laakiin adigoo fiirinaya tallaabada u wanagsan dadka dan yarta ah. Taasi waa waxa ay tahay in ay dalalka Afrika ee Soomaaliya ka mid tahay sameeyaan.

Isbitaallada waxay u baahanyihin qalabka lagu baaro dadka cudurka looga shakiyo, qalabka dhakhaatiirta ay xirtaan iyo qalabka dadka xaaladda deg deg ah ka caawiya neefsashada, intaba waddamada Afrika wa ay ku yaryihin.

Caalamka dhan ayey ku yaryihin oo wadamada hormaray ayaaba arrintaas waji gabax ay ku tahay oo la tacaalaya sidii ay ku heli lahayeen qalabkaas, marka la eego Afrikana safkaas waxay uga jirtaa halka ugu dambeysa.

Dadka ku nool dhaqaalaha kasoo gala wixii ay maalintaas ama habeenkaas soo shaqeystaan iyagoo ku tiirsan inay kashaqeeyaan suuqa si ay wax ugu iibsadaan, ayaa dhibaato weyn kala kulmaya bandowga.

Waxa ugu muhiimsani ma aha soo saarista go'anada wanaagsan, laakiin waa wadashaqeyn iyo wada-hadallada saxda ah ee lala yeesho ganacsatada, macaamiisha, mas'uuliyiinta suuqyada, madaxda iyo dawladda hoose, maadaama ay iyagu yihiin kuwa ogaan doona waxa u shaqeyn kara iyo sida loola socon karo loona dhaqan gelin karo tallaboyinkaasi si loo xakameeyo cudurka.

Arrimaha aan suurtoobi karin

Muqdisho
Getty Images
Coronavirus: Tirada kiisaska Soomaaliya

Kiisaska guud

  • 80 kiisoo la xaqiijiyay

  • 5dhimasho

  • 1 ka caafimaaday

Xigasho: Dowladda Soomaaliya

Waxaa ka mid ah gargaarka loogu talagalay kuwa lumiyay shaqooyinkii ay hayeen iyo lacagtii ay ka heli jireen qaraabadooda ku nool Yurub iyo Ameerika si ay u sii helaan cuntada iyo waxyabihii noloshooda ay ku maareyn jireen.Wadamada qaar, tusaale ahaan Uganda iyo Rwanda, ayaa qaybinaya cunno bilaash ah. Dalka Ghana ayaa ku dhawaaqay koronto bilaash ah, biyo iyo fasaxa canshuurta.

Soomaalyana sidoo kale waxay sheegtay inay canshurta cafisay. Laakiin dowladaha Afrika si fudud uma heli karaan lacag ay ku sii wadaan tallaabooyinkan oo kale iyagoon helin kaalmo caalami ah.Haddii dadka saboolka ahi aan waxyaabaha aasaasiga ah halkii ay ka heli lahayeen loo xaqiijin karin, bandow habeen iyo maalin ah ma'ahan tallaabo wanaagsan oo dadka saboolka ahi waxay taasi ka doorbidi doonaan bakhtiyaa-nasiibka infakshanka marka loo eego hubaalnimada gaajada.

Presentational white space
bb
bb