Coronavirus: 5,000 oo mayl ayey soo jareen kaddibna waxay dhinteen iyagoo dad caawinaya

In ka badan 4,300 oo qof ayaa ku dhintay dalka UK, kaddib markii laga helay xanuunka coronavirus. Waxaa dadkaas ka mid ahaa dhaqaatiir safka hore uga jirtay la dagaallanka fayraska. Weriyaha BBC-da Sirin Kale ayaa ka warrameysa sheekada labo ka mid ah dhaqaatiirtaas.
Labada nin isma aayan aqoon, xitaa weligood waxba ma isugu iman, balse geerida ayaa kulmisay. Dr Amged El-Hawrani iyo Dr Adil El Tayar - oo haysta dhalashada Britain kana soo jeeda Suudaan - ayaa noqday dhaqaatiirtii ugu horreysay ee coronavirus ugu dhintay UK.
Qoysaskooda ma doonayaan in qaabkan lagu xusuusto - balse waxay jeclaan lahaayeen inay lagu xusuusto inay ahaayeen rag qoysaskooda jecel, oo jeclaa xirfadda caafimaadka, caawinta bulshadooda, iyo halka ay ka soo jeedaan.
Si la mid ah rag iyo haween badan oo dibadaha ka yimid si ay ugu biiraan Waaxda Caafimaadka Bulshada UK ee NHS, El-Hawrani, oo 55 jir ahaa, iyo El Tayar, oo 64 jir ahaa, ayaa saaxiibbadood iyo qaraabadooda uga soo tagay Suudaan si ay xirfaddooda ugu caawiyaan NHS. Qoysas iyo carruur ayay lahaayeen - El-Hawrani ayaa degganaa Burton-Upon-Trent; halka El Tayar uu ku noolaa Isleworth, oo London ka tirsan. Waxayna tiirar u noqdeen bulshadooda, iyagoo joogteyn jiray xiriirka ay la lahaayeen dalka ay ka soo jeedaan, ee Suudaan oo ay labadooduba aad u jeclaayeen.
Sheekadoodu waxay tusaale u tahay dhaqaatiirta ajnabiga ah ee badan ee haatan la dagaallamaya Covid-19.


Xigashada Sawirka, El Tayar family

Adil El Tayar wuxuu ku dhashay magaalada Atbara oo ku yaalla waqooyi-bari Suudaan sanadkii 1956, waxaa la dhashay 12 carruur ah. Aabbihiis wuxuu u shaqeyn jiray dowladda, halka hooyadiisna ay ahayd guri-joogto.
Atbara waxay ahayd magaalo ay ku yaallaan marinnada tareenka, waxaa dhisay dalka UK, waxayna muhiim u ahayd khadka isku xira Dekadda Sudan ee xeebta Badda Cas, iyo Waadiga Halfa oo ku yaalla waqooyiga. Waxaa ku nool bulsho aad isugu dhow, waana halka uu ka bilowday dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee shaqaalaha Suudaan, sanadkii 1948. Qof walba qofka kale wuu garanayaa.
"Wuxuu ku soo barbaaray guri wanaagsan," ayuu yiri Dr Hisham El Khidir oo ay ilmo adeer yihiin. "Wax walba oo gurigaas la keeno waxaa loo qeybin jiray 12 carruur ah. Waa sababta uu u noqday qof edeb badan marka uu soo barbaaray."


Xigashada Sawirka, El Tayar family

Dalka Sudan sanadkii 1950-meeyadii iyo 1960-meeyadii, rag dhalinyaro ah oo fariid ah ayaa noqday dhaqaatiir ama injineerro - waxay ahayd xirfad qofkii yaqaanna uu nolol fiican u horseedayo qoyskiisa. Marka aad ka mid tahay 12 carruur ahna, waxaa ku sugaya dad badan. Adil wuu ogaa taas, waana sababta uu u ahaa arday dadaalaya, xitaa isagoo yar. Balse waxba kama uusan qabin, sida uu qabo dhaqanka Suudaan, inaad caawiso qoyskaaga looma arko culeys. Waa wax lagaaga baahan yahay inaad sameyso.
"Mar walba wuxuu ahaa qof ay ka go`an tahay inuu dadaalo," Hisham ayaa ku xusuusta. "Mar hore ayuu doonayay inuu barto caafimaadka, sababtoo ah xirfad fiican ayay ka tahay dal ku yaalla dunida saddexaad." Wuxuu ahaa qof deggan oo naxariis badan. "Weligey sanadaha aan aqaannay ma arkin isagoo codkiisa sare u qaadaya ." Hisham ayaa ku dayday Adil, oo siddeed sano ka weynaa isaga, ugu dambeyntiina wuxuu noqday dhaqtar.
Qoyska El-Hawrani waxay ku noolaayeen qiyaastii meel 350km (217 meyl) u jirta, waddada keliya ee tareenka ee xiriirsa Atbara iyo caasimadda Khartoum. Halkaas ayuu ku dhashay Amged sanadkii 1964, waxaana la dhashay lix wiil. Aabbihiis Saalax wuxuu ahaa dhaqtar, sanadkii 1975 wuxuu qoyskoodu u guuray Taunton, Somerset, kahor inta aysan soo degin Bristol oo Ingiriiska ah, afar sano kaddib.


Xigashada Sawirka, El-Hawrani family

"Aabbe wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee ka yimid Suudaan sanadkii 1970-meeyadii," ayuu yiri Amged walaalkii ka yar, Amal. "Ma aynaan aqoon qoys kale oo Suudaan u dhshay oo ku noolaa UK. Keliya waxaan ahayan annaga iyo dadka Ingiriiska ah. Nolol dalxiis ah oo kale ayay ahayd. Wax walba way nagu cusbaayeen."
Amged iyo walaalkii Ashraf oo hal sano ka weyn waxay ahaayeen labo aan kala harin."Wax walba way yaqaanneen," ayuu yiri Amal. "Waxay ahaayeen kuwo caqli badan. Waxay xiiseyn jireen kubbadda cagta iyo teknolojiyadda. Wax walba way isku dayi jireen."
Amged wuxuu jeclaa qalabka elektaroonikada. "Mar walba wuxuu la imaan jiray qalab uu soo iibsaday," Amal ayaa yiri isagoo qoslaya, "wuxuu dhihi jiray, 'Eeg, waxaan soo iibsaday qalabkan oo jeebka geli kara, ina keen aan filin daawannee!'"


Xigashada Sawirka, El-Hawrani family

Amged iyo Ashraf waxay labadooduba barteen caafimaadka, sida aabbahood. Sanadkii 1992, waxaa dhacday musiibo - Ashraf ayaa u dhintay xanuunka neefta, isagoo jiray 29 sano. Amged ayuu ahaa qofka helay meydkiisa.
"Waxay maskaxdiisa ku reebtay xusuus aad u ba`an," Amal ayaa yiri. "Balse wuxuu noqday tiirka qoyska." Wuxuu xitaa wiilkiisa u bixiyay Ashraf, oo walaalkiis ayuu ugu magac daray.
Adil iyo Amged waxay xirfaddooda ku dhiseen NHS. Adil wuxuu ku takhasusay beeridda xubnaha, halka Amged uu ku takhasusay qalliinka dhegaha, sanka iyo dhuunta.
Nolosha dhaqtar ka tirsan NHS ma aha mis fudud - waa shaqo culus, oo kaa mashquulineysa qoyskaaga.


Xigashada Sawirka, El Tayar family

Balse carruurta Adil waxay dareemayaan in mar walba uu aabbahood waqti u hayay. "Si walba oo uu u daallanaa, mar walba oo uu shaqada ka yimaado wuxuu imaan jiray guriga, waqti ayuuna la qaadan jira qof walba oo naga mid ah," ayay tiri gabadhiisa Ula, oo 21 jir ah. "Aad ayuu u jeclaa qoyskiisa."


Xigashada Sawirka, El Tayar family

Adil wuxuu jeclaa inuu waqti ku qaato beertiisa oo uu tufaax ka baxayay, iyo in uu ku dhex beero ubaxyo. "Waxay ahayd meel uu farxad ku qaato," ayay tiri Ula. Wuxuu sidoo kale jeclaa inuu la kulmo saaxiibbo cusub. "Qado ayuu sameyn jray xilliga xagaaga, mar walbana waxaa imaan jiray qof aadan weligaa arkin," ayuu yiri Cusmaan oo ah wiilka Adil, oo 30 jir ah. "Waxaad la yaabeysaa halka uu ka keenay."
Amged wuxuu ahaa qof caqli badan, oo sheeko badan. "Wuxuu ahaa nooca dadka wax uun ka yaqaan wax walba," ayuu yiri walaalkii Amal. Wuxuu sidoo kale taageere u ahaa Formula One - Ayrton Senna ayuu jeclaa. "Amged wuxuu ahaa deeqsi," ayuu yiri saaxiibkiisa Dr Simba Oliver Matondo. Waxay kulmeen mar ay isku fasal ka ahaayeen jaamacadda, waqti badan ayayna isla qaadan jireen xilligoodii waxbarashada.
Waaxda Caafimaadka Bulshada waxaa ka tirsan shaqaale badan oo ajnabi ah - 13.1% oo ka mid ah shaqaalaha NHS kama soo jeedaan Britain, shantii shaqaalahaas ka mid ahna midkood ayaa ka soo jeeda qoys laga tiro badan yahay.
Saddexdii bishan, afar dhaqtar oo Britain u dhalatay iyo labo kalkaaliyeyaal ah, ayaa geeriyooday kaddib markii uu ku dhacay xanuunka COVID-19. Shan waxay ka soo jeedeen Afrika, Aasiya iyo bulshooyin laga tiro badan yahay. Marka laga reebo Adil iyo Amged, waxaa jiray Dr Alfa Sa'adu, oo u dhashay Nigeria, Dr Habib Zaidi, oo u dhashay Pakistan, iyo kalkaaliso Areema Nasreen, oo asalkeeda Pakistan ka soo jeedday. "Waxaanu u baroor diiqeynaa saaxiibbadeen u dhintay la dagaallanka Covid-19," ayuu yiri Dr Salman Waqar oo ka tirsan Uurka Xirfadleyda Caafimaadka Muslimiinta ah ee Britain. "Waxay wax weyn u qabteen dalkeenna. La`aantood, ma haysan lahayn NHS."

Adil and Amged waxay isku haysteen inay u dhasheen Britain. "Amged wuxuu dalkan ku noolaa 40 sano," ayuu yiri Amal. "Wuxuu ka qabsaday dhaqanka Ingiriiska." Balse xiriir dhow ayay la lahaayeen dalkooda Suudaan. "Marka uu qof u soo haajiro UK, xiriirka uma jaraan dalkooda," Adil ina adeerkii Hisham ayaa yiri. "Nolol fiican ayay sameystaan, sidoo kalena way joogteeyaan xiriirka halka ay ka soo jeedaan."
Adil ayaa ku laabtay Khartoum sanadkii 2010, si uu u sameeyo xarunta abuuridda xubnaha. "Wuxuu doonayay inuu xirfaddiisa la wadaago bulshada ku nool Suudaan," wiilkiisa Osman ayaa sidaas yiri. Tan iyo geeridii Adil, qoyskiisa waxaa soo wacay dad badan oo Suudaan ku sugan, iyagoo u sheegaya shaqadii samafalka ahayd ee uu aabbahood waday. Way ogaayeen in aabbahood uu aad u caawin jiray dad ku nool Suudaan - waxay maqli jireen isagoo telefoon ku hadlaya.
Laakiin midna carruurta Adil ma uusan ogeyn inta qof ee uu caawin jiray, ilaa markii uu geeriyooday kaddib.


Xigashada Sawirka, El-Hawrani family

Amged sidoo kale wuxuu ahaa qof axsaan badan, isagoo ka booday buuraha Himalaya sanadkii 2010 si uu lacag ugu uruuriyo Isbitaalka Boqoradda ee Burton, oo uu ka shaqeyn jiray. Sida Adil, oo kale wuxuu xiriir la lahaa dalka uu ka soo jeedo. "Wuxuu mar walba xusuusan jiray noloshii uu ku soo barbaaray ee Sudan," ayuu yiri walaalkiis Amal. "Aad ayuu ugu faani jiray inuu Suudaan ka soo jeedo."
Saaxiibkii Matondo ayaa aad u soo booqan jiray guriga hooyada Amged oo ku yaalla Bristol, halkaas oo uu ka cuni jiray cunto-dhaqameedka Suudaan". Wuxuu taageere u ahaa Al Merrikh - oo ah Manchester United-ka Sudan - Amged wuxuu qabanqaabiyay in dayactir lagu sameeyo garoonka kooxda ee Khartoum, isagoo lacagta ku kacdayna bixiyay.
Labada dhaqtar ayaa aad wax ugu qaban jiray NHS, oo ah waax u adeegiddeeda ay noloshooda inta badan ku soo qaateen. "Adil ayaa runtii rumeysnaa hannaankan fiican ee daryeelka caafimaadka bilaashka ah siinayay qof walba oo u baahan," ayuu yiri ina adeerkii Dr Hisham El Khidir.


Xigashada Sawirka, El-Tayar family

Jacaylka uu xirfaddiisa u qabay wuxuu u sii gudbiyay carruurtiisa- Osman iyo walaashiis Abeer, oo 26 jir ah, waxay labadooduba raaceen Adil oo waxay noqdeen dhaqaatiir. Maalintii Osman loo aqoonsaday dhaqtarnimada, Caadil wuu farxay. "Aad ayuu u faraxsanaa," ayuu yiri Osman. "Wuxuu ku celceliyay, 'Mashallah, mashallah.'"


Markii ay labada dhaqtar xanuunsadeen, aad ugama aysan fekerin, ayay yiraahdeen qoysaskooda. Amged ayaa hor xanuunsaday. Hooyadiis ayaa dhowaan ka caafimaadday burukiito, dhammaadkii February, markii uu shaqada ka soo baxay, wuxuu soo aaday Bristol si uu u soo arko. Amged ayaa gaariga ku dhex xanuunsaday, balse wuxuu iska dhaadhiciyay inuu aad u daallanaa.
Markii la gaaray 4-tii March, waxaa la seexiyay Isbitaalka Boqoradda ee Burton. Saaxiibadiis ay isla shaqeynayeen ayaa geeyay qol uu ku xiran yahay qalabka hawada nadiifiya. Waxaa kaddib loo gudbiyay Isbitaalka Glenfield ee magaalada Leicester, halkaas oo lagu xiray qalabka qofka ka caawiyo inuu neefsado.
Amged waxaa ku dhowaad saddex toddobaad ku xirnaa qalabkaas.
Dhanka kale, Adil ayaa ka shaqeynayay qeybta gargaarka degdegga ah ee Isbitaalka Hereford County. 13-kii March, qofkii ugu horreeyay ee u dhinta coronavirus ayaa laga soo sheegay Scotland. Isla maalintii ku xigtay, Adil ayaa xanuunsaday. Wuxuu ku laabtay guriga qoyskiisa oo ku yaallay London, wuuna is karantiilay.
Maalmihii xigay, xaaladdiisa ayaa ka sii dartay. 20-kii March, Abeer uma aysan bogin sida ay ahayd xaaladda aabbaheed - ma uusan neefsan karin, hadalka ayaa dhibayay - waxayna ugu yeertay ambalaas. Dhaqaatiirta ku sugneyd Isbitaalka West Middlesex University ayaa Adil geeyay qol gaar ah. Xitaa markaas kaddib, xaaladdu ma fiicneyn. "Waxaanu u aragnay in xaalku uu xun yahay," ayuu yiri Osman. "Balse ma aynaan ogeyn inay arintu noqon doonto mid aad u daran."
25 -kii March, qoyska Adilayaa laga soo wacay isbitaalka. Xaaladdu aad ayay u xumeyd, waxaana loo sheegay inay yimaadaan. Way soo baxeen si ay ula joogaan. Carruurta Adil ayaa daaqad muraayad ah bannaankeeda ka daawanayay geerida aabbahood. Looma oggoleyn inay gudaha galaan, sababo la xiriira cabsi laga qabay inay qaadaan fayraska.
"Taasi waxay ahayd waxa ugu daran," ayuu yiri Osman. "Inaad daawato. Waan ogaa mar walba in maalin uun uu aabbahay dhiman doono. Balse waxaan moodi jiray inaan la joogi doono, oo aan gacanta ka qaban doono. Weligey ma sawiran inaan ka eeg doono muraayadda dhexdeeda."

Adil ayaa tobnaan sano u shaqeynayay NHS. Balse qoyskiisa ayaa aaminsan in NHS aysan u abaal gudin, oo aysan siin dharka culus ee dhaqaatiirta ee ka difaaci lahaa coronavirus. "Waxaan u maleynayaa inaan la rumeysan karin in gudaha UK sanadkan 2020 aan la dagaallameyno xanuun khatar ah, dhaqaatiirteenna safka hore ku jirtana aysan heysan qalab difaaca oo ay shaqadooda ku gutaan," ayuu yiri Osman. "Ujeeddadu waa in taasi ay tahay mid khaldan oo u baahan in degdeg wax looga qabto."
Kaddib cabashooyin badan oo ku aaddan in qalab ku filan uusan oollin NHS, dowladda ayaa geysay qalabka difaaca fayraska. Wasiirka Caafimaadka dalkaas Matt Hancock ayaana sheegay inaysan waxba u reeban doonin difaacidda shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira.
Muddadii uu Adil isbitaalka ku jiray, Amged ayaa xaalad adag ku jiray. Balse 28-kii March, dhaqaatiirta ayaa go`aansaday inay Amged ka saaraan mashiinta neefta. Amged walaalkii Akmal oo ku lebisan dharka culus ayaa loo oggolaaday inuu qolkiisa galo, uuna gacantiisa qabto. Amal ayaa ka daawanayay bannaanka daaqadda.
Amged ayaa lagu aasi doonaa Bristol, oo uu aabbihiis ku aasan yahay, waana meel u dhow hooyadiis oo ay soo booqan karto.


Xigashada Sawirka, El-Hawrani and El Tayar families

Sida uu codsaday, Adil waxaa lagu aasi doonaa Suudaan, meel ay ku aasan yihiin aabbihiis iyo awowgiis.
In la helo warqadda oggolaanshaha in la qaado meydka Adil aad ayay u adag tahay xilligan oo uu bandowgu jiro.
"Dardaaranka ugu dambeeya ee qof dhintay, aad ayaa looga ixtiraamaa dhaqankeenna," ayuu yiri Osman. "Inaan fulinno ayaan ku dadaali doonnaa."
Carruurta Adil kama qeyb geli doonaan aaska aabbahood. Inkastoo diyaaradaha xamuulka ay shaqeynayaan, haddana ma jiraan diyaarado rakaab oo taga Suudaan.
Balse keligii lama aasi doono. Bulshada uu ku soo dhex koray Adil, walaalihiis iyo carruurtooda iyo dadkii uu muddada dheer caawinayay ayaa ka qeyb geli doona aaskiisa.
Dhaqanka Suudaan sida uu qabo, qof walba oo aaska ka soo qeyb gala wuxuu gacanta ka soo buuxsadaa ciid kaddibna wuxuu ku dhex daadiyaa godka.










