Atoore iyo Atariisho la isku xamanayay oo laga soo duubay muuqaal wax badan caddeynaya

.

Xigashada Sawirka, Hindustan Times

Qoraalka sawirka, Tiger Shroff iyo Disha Patani

Jilayaasha caanka ah ee reer Hindiya Tiger Shroff iyo Disha Patani ayaa marar badan warbaahinta iyo baraha xiriirka bulshada ka sheegay inuusan jirin xiriir jacal ah oo labadooda ka dhaxeeya, laakiin muuqaal ay soo qaateen warbaahinta Hindiya, oo uu ku jiro wargeyska Hindustan Times, ayaa muujinaya wax sidaas ka duwan.

Labada jilaa ayaa in muddo ahba lagu xamanayay inay lamaane yihiin, inkastoo ay dhankooda ka beeniyeen.

Xitaa Tiger walaashiis Krishna Shroff, waxay gaashaanka u daruurtay wararka ku saabsan arrintaas.

Hase yeeshee muuqaal lagu soo bandhigay shaashadda Malang ee magaalada Mumbai ayaa laga arki karaa nooca uu yahay xiriirkooda, waxayna dad badan ka dareemeen in wax walba ay dhanka kale yihiin.

Muuqalakan la isla dhex marayo ayaa muujinaya Tiger iyo Disha oo ku dhex jira dad badan. Tiger wuxuu atariisha marar dhowr ah garabka uga qabanayaa gacantiisa, xilli labadooduba ay isku diyaarinayaan sawir laga qaadayay.

Ka bood Instagram boggan
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan

Jilayaashan ayaa marar badan oo hore la isku arkay iyagoo isla jooga.

In muddo ahba waxaa si weyn Hindiya looga hadal hayay cidda uu xiriirka la leeyahay Tiger, oo ka mid ah atooreyaasha ugu cadcad ee xilligan laga daneeyo shirkadda filimada Bollywood-ka.