Codeynta soo jeedinta xil ka qaadista Trump oo bilaabatay

.

Xigashada Sawirka, BRENDAN SMIALOWSKI/AFP via Getty Images

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu noqdo madaxweynihii saddexaad ee Mareykanka soo mara ee xilka ay ka qadaan Aqalka Wakiillada dalkaas.

Xildhibaannada Dimuqraaddiyiinta ayaa diyaar u ah inay meel mariyaan eedyemaha la xiriira xil ka qaadista ka dhanka ah madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga ka soo jeeda.

Doodda xilka looga qaadayo ayaa haatan socota waxaana afhayeenka aqalka Congress-ka Nancy Pelosi,oo furtay doodda ay sheetay in madaxweyne Trump uu caqabad ku yahay dimuqraadiyadda Mareykanka.

Haddii Kongreska uu meel mariyo qorshahan, waxaa loo sii gudbin doonaa aqalka sare ee Senetka, oo ka dib go'aan ka gaari doona soo jeedinta Kongreska.

Madaxweyne Trump ayaa ku eedeysan "qiyaano qaran" iyo in dhiggiisa Ukraine uu ku cadaadiyay sidii uu baaritaan ugu sameyn lahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaas-ka ee Ukraine.

Warqadda uu Trump u qoray Gudoomiye Nancy Pelosi, Wuxuu sidoo kale ku sheegay in qorshaha la doonayo in xilka lagaga qaado isaga ay tahay isku day afgembi. Sida loola dhaqmayana wuxuu ku tilmaamay dhibanayaashii qarnigii 17-aad ee Salem, kuwaas oo la dilay ka dib markii lagu helay dembi ah in ay sixiroolayaal ahaayeen.

Donald Trump, Nancy Pelosi iyo Adam Schiff's

Hasayeeshee duqa Magaalada Salem wuxuu sheegay in madaxweyne Trump ay tahay in uu waxka barto taariikhda, wuxuuna intaa ku daray in xukunkii ku dhacay sixiroolayaashii Salem uu aaa mid aan wax cadeyn ah loo heynin xilligaas.

Afhayeenka aqalka Kongreska ee Mareykanka, Ms Pelosi ayaa sheegtay in aysan wada akhrinin warqadda uu usoo qoray Trump, balse ay tahay mid aan nuxur badan lahayn.

War qoraal ah oo ay soo saartay Nancy Pelosi ayay ku sheegtay in Kongreska uu gudan doono mid ka mid ah awoodaha uu siiyay dastuurka.

Waa suuragal in masuuliyiinta Dimuquraadiga ee hor kacaya mooshinka ka dhanka ah trump in ay la kulmaan caqabad, maadaama Aqalk Sanetka ay u badan yihiin xisbiga Jamhuuriga ee Trump uu ka tirsan yahay.

Hoggaamiyaha Aqalka Senetka, Mitch McConnell ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa qorshaha xil ka qaadista madaxweyne Trump.