Kuuriyada Waqooyi oo ''hub muhiim ah'' Tijaabisay

Kim Jong-un

Xigashada Sawirka, AFP PHOTO/KCNA VIA KNS

Kuuriyada Waqooyi ayaa fulisay waxa ay ugu yeertay tijaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo barnaamijkeeda hubka niyukliyeerka. Inkastoo Pyongyang aysan sheegin in la qiimeeyay tijaabadaas, haddana waa tii labaad ee muddo isbuuc ah la tijaabiyo.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Pyongyang ayaa wakaaladda wararka ee KNCA u sheegay in tijaabada shalay galabkii lagu sameeyay goobta hubka lagu tijaabiyo ee Sohae balse faah-faahin dheeraad ah kama uusan bixin.

Tijaabadan ayaa ah tii labaad ee ka dhacda goobta Sohae muddo toddobaad ka yar.

Bishii May ayay xukuumadda, Pyongyang dib u bilowday tijaabooyiinka gantaallada ka dib markii ay hakisay muddo sannad ah taas oo horseedday kulamadii dhexmaray hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Tijaabadan ugu dambeeysay waxay muujinaysaa in xiriirka Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi uu sii xumaanayo.

Wadahallada Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ee ku saabsan mashruuca niyukleerka ayaanan wax hormar a laga sameyn.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaashaanka u daruuray in Kuriyada Waqooyi laga qaado cunaqabateennada ilaa iyo inta ay si buuxda meesha uga saareyso barnaamikeeda casriyeynta niyukleerka.

Hase yeeshee Kim Jong-un ayaa Mareykanka ka codsaday heshiisyo cusub marka uu dhamaado sannadkan. Waxayna Xukuumadda Pyongyang sheegtay haddii uu Mareykanka diido codsigooda ay bilaabi doonaan tijaabooyin hor leh.

Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ay isku dayayso in Mareykanka ay cadaadiska ku saarto guuldarrada uu ku guuldareystay in uu sameeyo wax tanaasul ah.

Kulan bishii Febraayo ee sanadkan dalka Vietnam ku dhex maray hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa guuldarro ku soo dhammaaday.

Trump ayaa shirka isaga baxay ka dib waxa uuna hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ku eedeeyay in uu shirka la soo fariistay waxa uu tilmaamay heshiis aad u xun.

Saldhigga Sino-ri oo 75 km u jira caasimadda Pyongyang, ayaa ka mid ah xarumaha lagu farsameeyo gantaallada riddada dheer, sida uu sheegay mac'hadka daraasaadka ee Center for Strategic and International Studies ee xaruntiisu tahay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.