Askari saddex sano la raadinayay oo meeydkiisa jiko laga helay

Askari ka tirsanaa ciidamada mariniska ee Mareykanka ayaa meydiiksa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Dallas ee Texas waxaana la aaminsan yahay inuu halkaasi ku jiray muddo 3 sanadood ah.
Qoyska Ronald Wayne ayaa sheegay inay maamulka ay marar badan ku war geliyeen maqnaanshaha wiilkooda.
Meydkiisa ayaa waxaa la helay xilli lagu jiray baaritaan lagu sameeynayay dhismooyinka halkaasi ku yaalla ka dib markii dadka deggan dhismooyinkaasi la sheegay inaysan isticmnaalin biyaha magaalada. Shaqaalaha ayaa jabiyay albaabka jikada laga helay meydkiisa.
Mr White oo 51 sano jir ahaan lahaa 2016-kii ayaa waxa uu markii nodday qandaraasle ka hawl gala wasaaradda difaaca tan iyo markii uu ka baxay ciidamada Mariiniska. Waxaana la sheegayaa inuu kaligii ku noolaa guriga meydkiisa laga helay ka dib markii ay kala tageen xaaskiisa waxa uuna inta badan safar u aadi jiray dalka dibaddiisa.
Hooyadii Doris Stevens oo ku nool Jasiiradda Long ee New York ayaa sheegtay in wiilkeeda uu si joogta ah ula soo xiriiri jiray balse wicitaannadiisii ay istaageen saddex sannadood ka hor.
Waxay sheegtay inay xarumaha booliska ku wargelisay maqnaanshaha wiilkeeda balse loo sheegay in wiilkeeda uu yahay nin weyn oo ay suurogal tahay inuu meel fog shaqo u aadday, sidaas darteed aan kiskaasi maqnaanshaha la furi karin.
''Su'aasha ugu weyn ayaa ah sidee ayay ku dhacday in wiilkayga uu ku dhintay gudaha gurigii uu ku noolaa hadana aysan cidna waxba uga ogeyn?'' sidaasi ayay u sheegtay telefishinka WFAA ee Dallas.
"Muddadaasi oo dhan waxaan ahaa dhibane, sababtoo ah ma jirin cid dooneeysa inay i caawiso." ayay tiri Doris Stevens.
Maxaa sababay in markii hore meydkiisa la arki waayo?
Gurigii uu ku noolaa, waxa uu ahaa mid casri ah, dhammaan daaqadihiisuna wey xirnaayeen waxaana suurogal ah in taasi ay sababtay in muddadaasi la arki waayo meydkiisa.
Booliska ayaa sheegay in Kirada gurigiisana laga bixinaya akoonkiisa hawlgabnimada ee ciidamada mariiniska.










