Dhacdooyiinkii Beledweyne: Gurmadka ma waxaa saameysay siyaasad?

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday gurmad loo fidinayo dadkii kumannaanka ahaa ee ay saameeyeen fatahaado ka dhashay wabiga Shabeelle.
Inta la ogyahay illaa toban qof ayaa ku dhimatay saameynta ka dhalatay fatahaadda, waxaana sidoo kale ku barakacay qoysas badan.
Gurmadka wuxuu ahaa mid dhinacyo badan ka yimid sida Qaramada Midoobey, Dolwadda dhexe ee Soomaaliya, waddamda sida Jabuuti, Qadar iyo Turkiga.
Sidoo kale, waxaa jiray gargaar ay halkaasi u direen dad shacab ah oo ku nool gudaha iyo dibadda Soomaaliya oo fiirsan waayay xaaladda nolaleed ee reer Beledweyne.
Madax sare oo ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa horey u booqatay magaaladaasi, waxaana ka mid ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Haseyeeshe, gurmaadkaasi Beledweyne ayaa yeeshay waji kale, ka dib markii koox siyaasiyiin ah oo ay hoggaaminayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya la sheegay in loo diiday in ay magaaladaasi Beledweyne booqdaan.

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Shalay ayay ahayd markii la shaaciyay warar sheegayay in garoonka Muqdisho lagu xayiray diyaaradd ay la socdeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaaminayay wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran.
Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in cillada ay ahayd roob xooggan oo habeen hore ka da'ay Beledweyne, kaas oo sababay in biyo ay fariistaan garoonka, balse hoggaamiyeyaasha madasha Xisbiyada Qaran ayaa dhankooda sheegay in sababo siyaasadeed ay arrintaas ka dambeeyaan.
Hoggaamiyeyaasha Madasha oo xalay shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ka dib markiii ay ka soo laabteen Beledweyne waxay Dowladda Federaalka ku eedeeyen in ay hor istagatay safarkooda oo sida ay sheegeen "wax siyaasad ah aan lug ku lahayn".

Xigashada Sawirka, HIIRAAN
" Hadallada kulul"
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkaasi jaraa'id ka sheegay in garoonka uu ahaa mid qallalan oo aysan jirin wax dhiiqa ah, wuxuuna intaa raaciyay in aysan garaneyn sababta loogu diiday in ay degaan.
Haseyeeshee, madaxa madasha, Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii ugu dambeeyay ee dowladdii ku meelgaarka ahayd oo arrintan ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday wax uu ku tilmaamay "ku tagrifalka awoodeed ee dowladda", waxaana uu intaa ku daray in uu dulqaadkii ka dhammaaday.
"Magaaladan Mooryaan ayaa heysan jirtay, waa lala dagaalamay waana laga bixiyay. Itoobiyan ayaa soo galay maxaa lagu sameeyay? waa la bixiyay, Al-Shabaab ayaaa qabsatay, waa la bixiyay, ma ka xoog badan yihiin dadkan?" Kama xoog badna", ayuu yiri.
"Hadii aysan joojin, waan bixineynaa, oo qofka aan sharci rabin muxuu nagula joogaa? Moryaannimo, Mooryaanimo ma oggolin waana diidnay. Anaga sharci in la isku xukumo ayaan rabnaa", ayuu hadalka ku daray Sheekh Shariif.

Xigashada Sawirka, HIMILO QARAN
Waxaana markiiba ka hadashay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay aad ula yaabtay hadalkaas oo ay ku tilmaamtay "filan waa in uu ahaa".
Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa yiri: "Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay aad ula yaabtay hadalkaas filan waaga ahaa ee ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed, hadalkaas oo filan waa ku noqday guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkan astaan Qaran usoo noqday".
Wuxuu intaa raaciyay in ay ugu baaqayaan in uu "dhowro magaciisa iyo sharafkiisa, kana dheeraado wax walba oo dhaawacaya muuqaalka Qaran ee uu xambaarsan yahay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed".

Xigashada Sawirka, SONNA
"Biyo Fariistay dhabbaha ay diyaaraduhu ku cararaan"
Madaxweynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi waare oo la hadlay saxaafada gudaha ayaa sheegay in aysan jirin cid safar laga hor istaagay balse xaqiiqdu ay ahayd in ay biyo fadhiyeen dhabbaha ay diyaaradaha ku cararaan ee garoonka, sidaas awgeedna laga baqayay in ay halis ka dhalato haddii ay diyaarad ku dagto.
Waare, ayaa sheegay inuu xiriir la sameeyay qaar ka mid ah madaxdii hoggaamineysay wefdigii shalay tagay Beledweyne si uu ugu sheego in "garoonka ay biyo fadhiyaan sidaa awgeedna aysan diyaarad weyn ku degi karin".
Wuxuu tilmaamay in loogu jawaabay "Adiga madaxweyne ayaad tahay ee maxaa kaa galay arrimaha duullimaadyada rayidka ah?".
Soomaali badan ayaa baraha xiriirka bulshada ku wadaagaya hadalkaasi Shariif Sheekh Axmed, waxaana intooda badan ay hadal hayaan culeyska iyo saameynta uu hadalkaasi ku yeelan karo siyaasadda iyo deganaanshaha Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, HIMILO QARAN
Arrintaa ayaa u muuqataa in Madasha Xisbiyada Qaran aysan xiriir wanaagsan la lahayn dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ay u arkaan in xiriir hoose uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe oo loollan siyaasadeed oo adag kula jirta kooxda mucaaradka.
Shariif Sheekh Axmad waxaa horey loogu xayiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho xilli uu doonayay inuu ka qeybgalo xafladdii caleemasaarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, waxaase mar dambe isaga iyo wafdigiisa ay u suurtagashay in ay Kismaayo u dhoofaan.
Sida ay siyaasadda u dabooshay gurmadka
Hadal heynta ugu weyn ee ku saabsan Beledweyne waxay isbuucyadii lasoo dhaafay ahayd mid la xiriirta gurmadka fatahaadaha oo kaliya. Laakiin saacadihii ugu dambeeyay waxaa hadal heynta si weyn u hareeyay siyaasadda mucaaradka iyo dowladda dhexe, maadaama isku dhacoodii ugu dambeeyay uu ku saabsan yahay tagitaanka Beledweyne.
Madaxa mac-hadka cilmi baarista ee Heritage Cabdirashiid Xaashi oo BBC-da ay ka wareysatay waxyaabaha ka dhalan kara isqabqabsiga labada dhinac ayaa sheegay in sida kaliya ee xal lagu gaari karo ay tahay in la wada xaajoodo.
"Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa 'haddii gacanta aad leedahay lagugu qabsado waa laga garbaxaa', maadaama ay hadda labo nin oo madaxweyneyaal soo noqday ay eed sheeganayaan waxaa fiican in loo yeero oo laga gar baxo, sidaas ayeyna dalka oo dhan dani ugu jirtaa, laakiin hadda way iska caddahay in madaxweyneyaashii horena ay si caro leh u hadlayaan, dowladdiina ay isdifaaceyso", ayuu yiri.
Safarkii baaqday ee Ra'iisalwasaare Kheyre uu ku tagi laha Beledweyne
Madaxweyne Waare ayaa sheegay in isaga iyo ra'iisalwasaare Xasan Cali Kheyre xitaa ay u safri waayeen Beledweyne markii loo sheegay in 600 oo mitir oo ka mid ah garoonka ay biyo fadhiyaan.
Laakiin, xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka mid ahaa wefdiga mucaaradka oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in safarkooda la siyaasadeeyay, "sababtuna ay ahayd in iyaga loo baajiyay ra'iisulwasaare Kheyre oo isna doonayay shalay in uu boqodo isla magaalada Baladweyne.
"Qolada Beledweyne ee la soo wacay ee shirkaddii Diyaaradda aan annaga raaceynay ay soo waceen waxay sheegeen in uu Waare yiri diyaarad imaan karta ma jirto. Sababta uu u yeelayna wax kale ma ahayn ee isaga iyo ra'iisalwasaaraha labaduba waxay u soo socdeen Beledweyne. Sababta naloo xayirayna waxay ahayd in meesha aynaan isugu imaan," ayuu yiri xildhibaan Cabdirisaaq.
Balse ra'iisalwasaaraha ayaa sida la sheegay u baxay safar dalka dibaddiisa ah, sidaa awgeedna shalay "ma uusan booqan karin Beledweyne".
Dhinaca kale, maamulka Hirshabeelle wax jawaab ah kama aysan soo saarin eedeynta xildhibaanka.

Xigashada Sawirka, Sonna
Gurmad "is barbar yaac ah"
Horey Beledweyne waxaa uga jiray wax dadka qaar ay ku tilmaameen "is barbar yaac" sababtoo ah ma jirin xarun dhexe oo laga hago gurmadka loo fidinayo dadka tabaaleysan.
Dhiibatada ka dhalatay fatahaadda uu webiga Shabelle ku sameeyay magaalada Beledweyne ayaa keentay in Soomaali badan oo gudaha iyo dibeddaba ku nool ay isu xilqaamaan gurmadka loo fidinayo dadka ku dhibaataysan magaaladaasi.
Tusaale ahaan, guddi ka kooban ganacsatada ugu waaweyn dalka ayaa ururiyay lacag dhan hal milyan oo doollar, sida uu BBC-da u sheegay guddoomiyaha rugta ganacsatada Soomaaliya, Maxamuud Cabdikariim Gabayre.
Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna BBC-da u sheegay in dowladda federaalka ay lacag ka badan nus milyuun doolar ugu talagashay gurmadka Beledweyne.

Xigashada Sawirka, MAXAMED WARSAME SANDHOOL
Sidoo kale dalal ka mid ah kuwa deriska la ah Soomaaliya iyo kuwa saaxiib la la ah ayaa ballanqaaday in ay qeyb ka noqonayaan gurmadka.
Waxaa intaas dheer shakhsiyaad si iskood ah isu xilqaamay oo lacago ka uruuriyay dalka iyo dibeddaba.
Ururada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya ayaa ku taliyay in "is barbar yaaca" uusan u wanaagsanayn howlaha gudrmadka. "Waxay sababi kartaa in macawinnada aan dadka la garsiin", ayuu yiri Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah ururadaasi.










