Maxay ka siman yihiin dadka daafaha caalamka ku dibedbaxaya?

Xigashada Sawirka, AFP/Getty/Reuters
Toddobaad-yadii ugu dambeeyay mudaahaardyo ballaaran waxay ka dheceen waddamo badan, laga soo bilaabo Lubnaan, Spain illaa iyo Chile - Dhammaantoodna dhibaatooyin iyo hadafyo kala duwan ayay ka mudaaharaadayaan balse waxaa jir arrimo ay ka siman yihiin.
Inkastoo kumanaan kilomitir ay isu jiraan haddana mudaaharaadayaasha waxay dibedbaxa ku bilaabeen sababo isku mid ah. Halka kuwa qaarkoodna ay dhiira-gelin ka heleen dibedbaxayaasha kale.
Haddaba maxay ka siman yihiin dadka daafaha caalamka ku dibed-baxaya?
Sinnaan la'aan
Inta badan dadka mudaaharaadaya waa dad dareemaya in aanay helin xaqii ay dalkooda ku lahaayeen iyo in laga mamnuucay in ay dhaqaale helaan. Meelaha qaar, waa sare u kaca qiimaha adegyada aasaasiga ah ayaa sababay mudaaharaadyada.
Ecuador

Xigashada Sawirka, Reuters
Dibedbaxyada Ecuador waxay bilowdeen bishii October, ka dib markii ay dowladda ku dhawaaqday in ay meesha ka saareeyso dhaqaalihii lagu kabayay shidaalka taas oo qeyb ka ahayd heshiiskii ay la gashay hay'adda Maamusha Lacagaha Adduunka ee IMF.
Wuxuu go'aankaas horseeday in qiimaha shidaalka dalkaasi uu cirka isku shareero oo ay dad badan sheegeen in aysan awoodin qiimahaasi.
Waxay taas sababtay in ay dib u bilowdaan dibadbaxyo ballaaran oo sababay isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada ammaanka iyo dadka careysan, balse markii dambe dowladda ayaa ogolaatay in la dhimo qiimaha shidaalka, sidaasi ayuuna dibadbaxa ku soo afjarmay.
Chile
Qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha ayaa sare u kacay waxayna arrintaasi sababtay in Chile uu ka bilowdo dibadbax ka dhan ah xukuumadda.
Dowladda ayaa lagu eedeeyay sare u qaadista tamarta iyo sarifka lacagta dalkaas oo qimeheedu hooseeyo, balse dibadbaxayaasha ayaa sheegay in tallaabadaas ay tahay mid lagu caburinayo dadka saboolka ah.
Chile waxay ka mid tahay dalalka ugu qanisan Latin America laakiin waa mid ka mid ah dalalka aysan sinaanta ka jirin, sidoo kale.
Lubnaan

Xigashada Sawirka, Reuters
Lubnaan waxay wajahaysay dibadbaxyo la mid ah kuwaas. Waxaa dadka ka mudaaharaadayaan canshuurta lagu soo rogay barta ay bulshada ku wada xiriirto ee WhatsApp taas oo markii dambe sababay mudaaharaadyo dheerad ah oo looga cabanayay dhibaatooyiin la xiriira sinaan la'aanta iyo musuqmaasuqa.
Musuqmaasuq
Eedeeymaha ah in dowladda ay musuqmaasuq sameeysay waxay laf-dhabar u yihiin mudaaharaadyada ka jira dalal badan.
Dibadbaxayaasha Lubnaan waxay sheegayaan in marka ay shacabka la daalaa dhacayaan dhaqaale xumida ka jirta dalka in madaxda dowladda ay jagadooda u isticmaalayaan sidii ay ku taajiri lahaayeen.
Ciraaq

Xigashada Sawirka, EPA
Shacabka reer Ciraaq waxay ku baaqayeen in la soo afjaro habka siyaasadeed ee dalkaas uu ku dhisan yahay iyagoo sheegay inay guul dareeysteen siyaasiyiinta maamulka hagaya.
Doodda ugu weyn ee taagan ayaa ah habka ay dowladda wax u magacawdo oo ku saleysan koox dimeed ama kootada qowmiyadeed.
Dibadbaxayaasha waxay ku doodayaan in arrintan ay dowladda u sahleyso in ay si khaldan u isticmaasho lacagaha dadweynaha oo iyaga ay qaataan amaba ay siiyaan dadka ka ag dhow.
Masar

Xigashada Sawirka, AFP
Mudaaharadyada looga soo horjeedo musuqmaasuqa dowladda ayaa sidoo kale ka dhacay dalka Masar.
Dibadbaxyada waxay bishii September ku bilowdeen markii ganacsade Maxamed Cali oo ku nool dalka Spain uu madaxweyne Cabdifitax al-Sisi iyo milatariga ku eedeeyay musuqmaasuq.
Xorriyad Siyaasadeed
Waddamada qaar, dibadbaxayaasha waxaa ka careesiiyay habka siyaasadeed iyagoo dareemaya in aysan xor ahayn.
Hong Kong

Xigashada Sawirka, EPA
Dibedbaxyada Hong Kong waxay bilowdeen ka dib markii la soo saaray sharci ogolaanaya in la tarxiilo dadka laga shakiyo amaba gala dambiyo kala duwan.
Hong Kong waxay qeyb ka tahay Shiinaha, balse dadkeeda waxay ku naaloonayaan madaxbannaani gaar ah, waxaana jiro shaki weyn oo ah in maamulka Beijing uu doonayo in xakameyn weyn uu ku sameeyo Hong Kong.
Si la mid ah Chile iyo Lubnaan, dibadbaxyada Hong Kong waxaa sababay sharci muran badan dhaliyay oo dib loola noqday, balse dadka careysan ayaa mudaaharaadka sii waday.











