Muxuu yahay khilaafka la xiriira toddobadan goobood ee daafaha caalamka?

Dooxada daljirka daahsoon ee Spain

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dooxada daljirka daahsoon ee Spain

Waxaa jiro goobood oo daafaha caalamka ku kala yaalla, kuwaas oo la isku khilaafay sababo la xiriira hoggaamiyayaal hore.

1-Magaceedu waa dooxada daljirka daahsoon, waxaa xariga laga jaray 1959-kii ka dib 20 sanno oo la dhisayay.

Waxaa lagu xusayay dadkii ku dhintay dagaal sokeeye oo Spain ka dhacay intii u dhaxaysay 1936 ilaa 39-kii, waxaana xarigga ka jaray hoggamiyihii dalkaas ee kaligii taliyaha ahaa Francisco Franco.

Meesha waxay ku taalaa duleedka magaalada Madrid, waxaana ka dhashay muran sannadkii 1975-tii ka dib markii isla Franco lagu aasay goobtaas.

Dad badan oo taagerayaashiisa ah ayaa sannad kasta siyaarta goobta, balse waxaa jira sharciyo cusub oo lagu mamnuucayo isu imaatinnada ceynkaas oo kale ah.

Maxkamad sare oo dalkaas ku taala ayaa xukuntay in maydka Franco laga saaro meesha, laguna duugo meelo kale.

2-Halkii uu ku dhashay Hitler, Austria

dowladda Austria ayaa doonaysa in ay dhulka la sinto goobtii uu ku dhashay Hitler

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, dowladda Austria ayaa doonaysa in ay dhulka la sinto goobtii uu ku dhashay Hitler

Marka koowaad ee aad aragto, kaagama muuqaneyso wax qeyru caadi ah halkan, balse gurigan oo ku yaala magaalada xadka ku taala ee Braunau waa halkii uu ku dhashay Adolf Hitler.

Wuxuu Hitler halkan ku dhashay 1889-kii, waxaana halkan sannad kasta booqda dad taageera fikradihii Hitler ee naasiyiinta.

Sannadkii 2016-kii ayay dowladda Australia gurigan ku iibsatay lacag dhan 350,000 kun doolar, waxayna sheegtay in ay dumin doonto.

Balse qofkii horey u lahaa gurigan Gerlinde Pommer, ayaa dowladda dacwaysay, waxayna maxkamadda xukuntay in dowladda bixiso $1.5 milyan doolar oo dheeraad ah, maadaamaa guriga uu lahaa muhiimad taariikheed.

3-Qabrigii Mussolini, Talyaaniga

Qabrigii Benito Mussolini

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qabrigii Benito Mussolini

Dad badan ayaa sannad kasta siyaarta qabriga uu ku duuganyahay hoggaamiyihii Talyaaniga Benito Mussolini oo ku yaala magaalada Predappio ee dalka Talyaaniga.

Dadka waxa ay u dabaal degaan dhalashadiisii (29 July 1883), waxayna u baroor diiqaan dhimashadiisii oo ku beegan 28 April, 1945.

4-Gurigii Pol Pot, Cambodia

Qabrigii Pol Pot

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qabrigii Pol Pot

Sannadihii 1970-naadkii, Pol Pot waxaa lagu eedeeyay in uu sameeyay dil wadareed, kuwan uu si addoonsi ah ugu shaqaystay, taas oo sababtay in ay dhintaan illaa 3 milyan oo qof.

Wuxuu dhintay isaga oo xabsi guri ku jira, annadkii 1998-dii.

Hadda meeshii dad badan ayaa booqda.

5-Madxafka Stalin - Gori, Georgia

Madxafka Stalin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madxafka Stalin

Wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii soo maray Midoowgii Soviet, waxaana loo heystaa dilka boqolaal kun oo qof.

Inkasta oo maydkiisa uu weli yaalo Aqalka Kremilinka ee Moscow, haddana halkii uu ku dhashay ee Gori, Georgia ayaa ah meesha ugu xiisaha badan, halkaas oo ay dad badan booqdaan.

Waxaa laga dhisay madxaf Stalin lagu xusuusto, kaas oo laga dhisay meel ku dhow gurigii uu ku dhashay.

6-Sadaam Xuseen, Tikrit, Ciraq

Haraaga qabrigii Saadaam Xuseen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Haraaga qabrigii Sadaam Xuseen

Waxaa xukunka laga tuurey sannadkii 2003, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah. Seddax sano ka dib ayaa lagu daldalay.

Waxaa lagu duugay magaaladii uu ku dhashay ee Tikrit 31-dii December, 2006-dii.

Markaas waxa ay u muuqatay in uu ku nabad galayo, oo ay degganyihiin dad badan oo sunni ah, balse sannadkii 2015-kii, warbixin ay BBC-du tabisay ayaa lagu sheegay in qabrigii la weeraray, lana burburiyay.

Dadka deegaanka Tikrit waxa ay sheegeen in maydka Sadaam meel kale loo wareejiyay ka hor intii aysan magaaladaas qabsanin kooxda Daacish 2014-kii.

7-Qabriga Pablo Escobar, Colombia

Qabriga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qabriga

Pablo Escobar waxaa toogasho lagu dilay sannadkii 1993-dii, wuxuuna ahaa ninkii ugu weynaa ee daroogada ka ganacsanayay adduunka oo dhan.

Dad badan ayaa hadda qabrigiisa booqda, waxayna u arkaan qof ku dayasho mudan.

Waxaa ninkan loo heystay dhimashada illaa 5 kun oo qof, waxayna arrintan sii korortay ka dib markii xaaskiisa lagu soo bandhigay filim ku jira shabakadda Netflix oo magaciisa yahay "Narcos".