Hindiya iyo Pakistan oo ay mar kale ka dhex tolatay

Xigashada Sawirka, AFP
Dowladda Pakistan ayaa ku dhawaaqday inay xagal daacisay xiriirka ay la leedahay Hindiya, waxayna mas'uuliyiinta dalkaas sheegeen inay qorsheynayaan tallaabo wadanka looga eryayo dhammaan diblomaasiyiinta ka socda Hindiya.
Muranka labada dal ee dariska ah ayaa dib u karaar qaatay Isniintii, ka dib markii ay Hindiya sheegtay inay meesha ka saartay aqoonsigii khaaska ahaa ee ay u heysay Gobolka Kashmiir, kaasoo ay labada dowladood ku muransan yihiin.
Xukuumadda Islamabad ayaa sidoo kale hakineysa guud ahaan dhaqdhaqaaqyadii dhinaca ganacsiga ee ka dhaxeeyay labada waddan.
Waxay sheegtay inay dalkeeda ka saareyso danjiraha ka socda Hindiya.
Dhanka kale, safiirka cusub ee ay Pakistan u magacowday Hindiya, Moin-ul-Haq, ayaan loo diri doonin magaalada Delhi, inkastoo horayba uusan howshiisa u billaabin wali.
Bayaan maanta la soo saaray ayaa lagu sheegay in Ra'iisul wasaare Imran Khan "uu amar ku bixiyay in la howlgaliyo dhammaan qalabka iskaarsiinta dhinaca diblomaasiyadda, si dibadda loo soo dhigo waxa loogu yeeray ficillada arxan darrada ah ee ay sameyneyso xukuumadda Hindiya, taasoo ay Pakistan ku tilmaantay mid cunsuri ah oo ku xad gudubta xuquuqda aadanaha".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mr Khan ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in in ciidanka milatariga dalkiisu ay heegan galaan.
Taas waxaa sii dheer, in Pakistan ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay inuu il gaar ah ku eego murankan.
Qeybaha ay gobolka Kashmiir ka maamusho Hindiya ayaa xannibaad ku jiray tan iyo maalintii Isniinta, markii ay Hindiya shaacisay inay aqoonsigii khaaska ahaa ee dastuurka ku xusnaa kala laabatay gobolkaas
Khadadkii telefoonnada iyo internet-ka ayaan shaqeyneynin ilaa habeenimadii Axadda.
Tobannaan kun oo askari ayaa ku wareegaya waddooyinka.
Waxaa lasoo tabiyay inay dhaceen mudaharaadyo ay shacabku ku muujinayaan caradooda ku aaddan isgaarsiinta laga xayiray iyo bandow lagu soo rogay.
Dadka reer Kashmiir eek u sugan qeybaha kale ee dalka ayaa sheegay inaysan wax war ah ka heynin eheladooda.
Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha maxalliga ah ayaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay.
Hindiya iyo Pakistan - oo labadoodaba heysta hubka sida ba'an wax u gumaadi kara ee nuclear-ka ayaa horay gobolka Kashmiir awgiis ugu dagaallamay 2 jeer, isku dhicii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa weerarro loo adeegsaday gantaallo xiriir ah oo dhacay bishii Febraayo.
Muxuu gobolka Kashmiir muranka u sababayaa?

Gobolkan ku yaalla buuraleyda Himilaya ayey labada dalba sheeganayaan milkiyaddiisa, balse wuxuu mid walba ka maamulaa qeybo kaliya.
30-kii sano ee lasoo dhaafay waxaa dhanka ay Hindiya gacanta ku heyso ka dhacayay weerarro ay fulinayeen kooxo xagjiriin ah.
Hindiya ayaana Pakistan ku eedeysay inay soo qalabeyso xoogagga weerarrada geysta, inkastoo Islamabad ay beenisay dhaliishaas ayna sheegtay inay taageero diblomaasiyadeed iyo mid dhiirrigalin oo kaliya siiso dadka reer Kashmiir ee doonaya inay iskood isu maamulaan.










