Trump wuxuu qaatay 'go'aan uu ku xumeynayo' Obama

US President Donald Trump

Xigashada Sawirka, AFP

Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa wuxuu ka baxay heshiiskii Nukliyeerka Iiraan si uu xumeeyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, sida laga soo xigtay macluumaad lasoo dusiyay oo uu qoray safiirkii Ingiriiska u fadhiyay Mareykanka ee dhawaan is casilay.

Sir Kim Darroch ayaa waxaa uu ku tilmaamay tallaabada burburin dhanka diblumaasiyadda ah, sida laga soo xigtay Wargeyska The Mail.

Wargeyska waxaa uu sheegay in macluumaadka la qoray markii xoghayihii arrimaha dibadda Britain Boris Johnson uu ka codsaday Mareykanka sannadkii 2018-kii in uusan ka bixin heshiiska Nukliyeerka Iiraan.

Macluumaadkan lasoo dusiyay ayaa imaanaya xilli booliska ay ka digeen in la daabaco.

Markii dhawaan ay soo ifbaxeen Emailo muujinayo safiirkii Ingriiska ee Mareykanka oo dhaleeceynayo maamulka Trump taas oo uu muran diblumaasiyadeed ka dhashay, murankaas ayaa horseeday inuu xilka iska casilo Sir Kim Darroch.

Maxaa laga baran karaan sirta lasoo dusiyay?

Wargeyska Mail ayaa Axaddii ku warramay in Sir Kim uu Boris Johnson u qoray warqad uu kula socodsiinayo in madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump uu u muuqdo mid k abaxayo heshiiskii Nukliyeerka ee Iiraan 'sababo u gaar ah dartood' sababatana waxay aheyd in heshiiska uu horey Iiraan ula galay madaxweynihii isaga ka horreeyay Barack Obama.

Heshiiskii sannadkii 2015-kii, Mareykanka iyo shan dal oo kale ayaa Iiraan la saxiixday heshiiska barnaamijka Nukliyeerka si ay u yareeyso howlhaas, taasina baddalkeedana laga qaado cunaqabateynada dhaqaale ee saarnaa Iiraan.

Trump waxa uu warbaahinta u sheegay in uusan u arkin in heshiiska uu ahaa mid wax ku ool ah oo laga gaari karo ujeedkii laga lahaa.

Fariin uu Twitter-ka soo dhigay bishii June ayuu ku sheegay Trump in uu ka hor yimid qorshe Obama uu Iran ugu saxiixay lacag dhan £1.8 bilyan, balse qubaro hadashay waxa ay sheegeen in arrintan ay qeyb ka ahayd heshiis 1970-kii la galay oo aanan la fulinin.

Tehran ayaa sheegtay in ay ka talaabi doonto heshiiskii lala galay, islamarkaasna ay bac rimin doonto mac-danka Uranium-ka loo yaqaano. Hase yeeshee dalalka UK, Jarmalka, iyo Faransiiska waxa ay sheegeen in dhankooda weli illaalin doonaan heshiiska.

Qoraalka sirta ah ee uu dowladiisa u gudbiyay safiirka Britain, balse loo dusiyay saxaafadda ayaa lagu sheegay in ay kala qeybsanaan badan ka dhex jirto maamulka Trump marka laga hadlayo arrimaha Iiraan.

Mr Trump iyo Sir Kim Darroch

Xigashada Sawirka, AFP/PA Media

Qoraalka sawirka, Mr Trump iyo Sir Kim Darroch

Waxa uu safiirka si cad u sheegay in ujeedka ugu weyn ee Trump uga hor yimid heshiiska Iran uu ahaa in Obama uu galay heshiiskaas, sidaas darteedna waxa uu Obama sameeyay oo dhan hilfaha loo laabo.

Neil Basu oo ka tirsan xarunta booliiska Scotland Yard ayaa warbaahinta uga digay in ay faafiyaan xogaha sirta ah ee dowladeed, wuxuuna sheegay in wariyihii faafiya xog dheeraad ah oo arrintan la xiriirta in ay jabinayaan sharciga sir haynta qaranka.

Wargeyska The Mail oo inta badan faafiyay xogaha sirta ayaa sheegay in ay sidaas u yeeleen iyaga oo u adeegaya danaha dadweynaha, taas oo ku xusan dastuurka Britain.

Balse wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in aysan War la tabiyo ahayn kala duwanaanshaha Maraykanka iyo Britain ee arrimaha heshiiska Iran.