Xaasaskii iyo carruurtii ay ka dhinteen dagaalamayaashii ISIS oo dowladda Soomaaliya raja ka helay

Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday markii u horeysay in ay soo celinayso xaasaskii iyo ciyaalkii ay ka dhinteen dagalamayaashii ISIS.

Xigashada Sawirka, EPA

Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday markii ugu horreysay in ay soo celinayso xaasaskii iyo ciyaalkii ay ka dhinteen dagalamayaashii ISIS.

Tiro badan oo Soomaali ah ayaa ka socdaalay wadamada Galbeedka si ay uga barbar dagaalamaan kooxaha sheegtay khilaafada Islaamiga ee dalkaasi Suuriya, dadkan ayaa isugu jiray Rag iyo Dumar u badanaa dhalinyaro.

Kadib dagaalo lagu hoobtay oo ka dhacay dalkaasi Suuriya ayaa horseeday in la dilo tiro badan oo dagaalamayaal ah, halka inta badan lagu dilay duqaymo iyo dagaal ay galeen ciidamo iska kaashada.

Dalalka aduunka ayaa ka doodaya sidii dadka ka soo jeedo dalalkaasi ay u samata bixin lahayeen,waxa jira sharciyo kala duwan oo dalalkaas ka soo baxay halka dalal badan ay soo jeediyeen sharciyo madmuucaya in aan dib loogu soo celin dalalkooda.

Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka doonaya in muwaadiniintooda la soo noqdaan maadaama ay yihiin Dumar iyo Carruur,

'' Talaabadan waxan u qaadanay Kadib markii ay waalidiin badan nala soo xariireen, waxay noo sheegeen dhibka meesha ka jira inta uu leeg yahay iyo in dawlado kale ay bilaabeen in ay dadkooda qaadanayaan,kadib ayaan lawadaagnay dawlada uu madaxda ka yahay Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre kadib ayaan go'aankan qaadanay'' sidaa waxa BBC-da u sheegay Safiir Ali Fiqi.

Sida uu baahiyay Telefishinka CTV News ee xaruntiisu tahay Toronto ee dalka Kanada,ayaa waxa ka soo muuqday sawirka gabadh yar oo afar jir ah, laguna magacaabo Amira oo dhamaan waalidkeed lagu dilay duqeymaha lagu bartilmaameedsanayay dagaalamayashii ISIS.

Sidoo kale waxa warbaahinta Sweden ka soo muuqatay hooyo Soomaaliyeed iyo ilmo yar oo ay u dhashay xubin ka tirsanaa daacis oo ku geeryooday dalkaasi Suuriya,dhamaan haweenkan iyo carruurtan ayaa diidmo kala kulmay dalab fariimeed ay ku gudbiyeen warbaahinta caalamka oo ay ku dalbanayeen in loo ogolaado sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dalalka ay dhalashada ka haystaan,balse badankooda ayaa ku hungoobay codsigaas.

Dawladda Soomaaliya ayaa waday baryahay dadaalo ay ku doonayso in ay dib u soo celiso dadka Soomaalida

Xigashada Sawirka, Reuters

Ehelada dadkan ku xayiran xeryaha ay maamulaan jabhadaha Kurdiyiinta ayaa walaac xoogan ka muujiyay halka ay ku danbayn karto rajada ay ka qabaan in dib u arkaan qaybo kamid ah qoysaskooda intii ka badbaaday dagaalada dalkaasi Suuriya. Safiir Ali Fiqi ayaa sheegay in ay qorshaynayaan sidii ay u guda gali lahaayeen hawshan,

''Waxan ku jirnaa qorshaha ah sida aanu ku tagi karno goobaha xeryuhu ku yaalaan,cida aan kaashan karno,arrimahas goordhow ayaan kala cadaynaynaa,si aan hawsha ugu dhaqaaqno''

Dawladda Soomaaliya ayaa waday baryahay dadaalo ay ku doonayso in ay dib u soo celiso dadka Soomaalida ee dhibaatooyinku ka soo gaaraan dhulka ay u socdaalaan,balse talaabadan waa mid muhiim u ah ehehada dadku ay kaga maqan yihiin dalka Suuriya oo ah goob aad halis u ah xariirkuna ku adag yahay .