Yaasmiin Cabdi Faarax: Gabadha Soomaaliyeed ee hawada meerta

Way adag tahay inaad aragto gabar Soomaali ah oo duuliye ka ah diyaarad, balse Yaasmiin Cabdi Faarax ayaa guul weyn gaartay markii ay u rumowday riyadeedii ahayd inay maalin uun hawada sare duusho.
Yaasmiin oo 23 jir ah ayaa ka mid ah duuliyayaasha diyaaradaha ka shaqeeya Soomaaliya.
Dhawaan ayay bilowday howshaasi ay dad badan u arkaan mid adag, waxaana gacan iyo garab istaag weyn siiyay waalidkeed.
Yaasmiin oo BBC-da la hadashay ayaa ka warantay sida ay ugu dhiiratay inay duuliye ka noqoto gudaha dalka.
"Ilaa yaraantaydii waxaan ku hamin jiray inaan noqdo duuliye, tobabarkaygana waxaan ku qaatay gudaha Soomaaliya, markaygii hore kalsooni kuma aanan qabin, waana cabsan jiray, balse markii dambe waan la qabsaday." Ayey tiri Yaasmiin Cabdi.
Qofka bini'aadamka mar kasta oo uu shaqo qabanayo waxaa suura gal ah ama dhacdo inuu la kulmo caqabado.

"Markaan dugsiga sare ka baxay waxaan ka fikiray wixii aan baran lahaa ama ku taqasusi lahaa waxaan jeclaaday inaan noqdo duuliye, waalidkay ayaan u soo bandhigay weyna aqbaleen." Ayey tiri Yaasmiin.
Kabtan Cismaan Aamin oo ka mid ah duuliyayaashii Yasmin shaqadaan u tobabaray ayaa BBC-da u sheegay inuu Yasmiin siiyay dhiiragelin ku filan uuna aaminsanyahay in gabdhaha ay shaqadaan ka soo bixi karaan.
"Gabdho badan oo aan Soomaali ahayn ayaa badanaa ka howlgala, balse haddii gabdhaha la siiyo tobabar tiro badan iyo dhiiragelin waxaan aaminsanahay inay san jirin wax ka dheereeyo." Ayuu yiri Kabtan Cismaan Aamin.
Duuliye Yasmiin ayaa waxbarashadeeda ku baratay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Yasmiin ayaa sidoo kale ku rajaweyn inay noqoto duuliye caalami ah heerna ka gaarto xirfadeeda.










