Kabtanka markab siday muhaajiriin Afrikaan ah oo la xiray

Kabtankii markaba Sea-Watch 3 ayaa la xiray

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Kabtankii markaba Sea-Watch 3 ayaa la xiray

Kabtanka Markabka samafalka ah ayaa lagu xiray Dekedda Talyaaniga ee Lampedusa ka dib laba todobaad oo ay baaritan kuwadeen booliska.

Markabka ay wadday Carola Rackete, ee Sea-Watch 3, ayaa siday tahriibayaal Afrikaan ah oo laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya.

Mas'uuliyiinta Talyaaniga ayaa horay u mamnuucay in maraakiibta sidda muhaajiriinta ay soo galaan dalkeeda , balse markabkan ayaa gudaha u galay xeebaha Talyaaniga Jimcihii.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga Matteo Salvini ayaa dalkiisa ka mamnuucay maraakiibta badbaadada ee muhaajiriinta.

Carola Rackete oo ah 31-jir u dhalatay Jarmalka ayaa la arkayay iyadoo jeebeysan oo ay booliska wadaan.

Carola ayaa la xiray kadib markii ay diidday amarka markab kuwa dagaalka ah oo taalyaaniga laga leeyahay, kaasi oo ka mid ahaa maraakiibta ilaalada xeebaha Talyaaniga.

Markabka ayaa badda ka soo badbaadiyay 53 muhaajiriin Afrikaan ah ,kaasi oo ka soo sharaacday xeebaha Liibiya 12-kii bishii Juun ee sannadkan. Masuuliyiinta Talyaaniga ayaa 13 ka mid ah muhaajiriintaasi haatan geeyyay isbitaalka.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Raysal Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte oo ka qeyb galayay Shirkii G20 ayaa sheegay in dhowr dal oo ka tirsan Midawga Yurub da ah ay ogolaadeen in ay la wareegaan 40-ka muhaajiriinta ah ee saaran markabka.

Muddo laba toddobaad ah, Markabka Sea-Watch 3 ayay ku adkaatay in uu soo galo xeebaha Talyaaniga.