Maxay ka wadahadlayaan madaxda dalalka ugu awoodda badan caalamka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hogaamiyeyaal ka kala socda 19 dal oo caalamka iyo Midowga Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Osaka ee dalka Japan. Waxaa haddaba xiligan la isweydiinayaa sababta dalalkan oo dhamaantood ka tirsan dalalka barwaaqa sooranka ee G20 ay u kulmayaan.
Muxuu yahay G20?
G20 waa shir sanadleh ah oo ay yeeshaan madaxda dalalka dhaqaalahooda uu ugu wanaagsan yahay caalamka, kuwaas oo leh boqolkiiba 85 kobaca dhaqaala adduunka.
Inkastoo aysan jirin guddi gaar ah oo ku howlan hirgelinta qorsheyaashooda ayaa haddana bisha Disemabr ee sanad walba waxaa ay yeeshan guddoon laga soo dhex xulay madaxda hogaamiyeyaashaas, waxaan dalkaas uu mas'uul ka noqdaa qabanqaabada kullanka xiga.
Kullankii ugu horeeyay ee dalalka ku mideysan G20 ayaa markii ugu horeesay wuxuu ka dhacay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka sanadkii 1999, kadib markii dhaqaale xumi aad u daran laga soo sheegay qeybo ka mid ah qaaradda Aasiya. Dalalkan aya waxay sidoo kale kullamadooda ay ku casuumaan dalal kale oo aan xubin ka ahayn G20.
Qaabkii marka hore loo hindisay magaca G20 oo ahaa G8 ayaa muddo kadib wax ka badel lagu sameeyay, oo waxaa lagu soo daray dalalka dhaqaalahooda uu kobaca sameynayo, sida Shiinaha, Brazil iyo Sacuudiga iyo dalal kale, waxaase markii dambe laga saaray dalka Ruushka oo ay is qabteen dalalka reer galbeedka.
Kullamada G20 ayaa markii hore ahaa mid ay ka qeyb geli jireen wasiirada maaliyadda ee dalalkaas iyo guddoomiyeyaasha baanka dhexe ee dalka xubnaha ka ah, balse dhibaatadii dhaqaale ee caalamka ka dhacday sanadkii 2008 ayaa golahaas waxaa loo badelay mid ay ku kulmaan Madaxweynayaasha iyo Ra'iisul wasaareyaasha dalalkaas, haatan se dhamaantood waa ay ka qeyb galaan.

Maxay ka wadahadlaan?
Inta badan madaxada ayaa ka wada hadla arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha iyo waxyaabaha markaas taagan, waxaana ay diiradda saaraan sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha taagan.
Haatan, kullanka ay ka qeyb galayaan ayaa la filayaa in looga hadlo arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga, isbdelka ku yimid cimilada adduunka iyo xiisadda dalalka qaar kala dhaxeysa dalka Iran.
Waxyaabaha isha lagu hayo ayaa waxaa ka mid ah kulamada la filayo in Madaxweyne Donald Trump uu la yeesho madaxda dalalka Shiinaha, Hindiya oo Mareykanka uu kala dhaxeeyo loollan dhanka ganacsiga.
Sidoo kale ra'iisul wasaaraha wakhtigeedu uu dhamaaday ee Ingiriiska, Theresa May ayaa lagu wadaa inay la kulanto hogaamiyaha Ruushka, Vladmir Putin.
Tusaale ahaan, sanadkii 2009-ka markii kullankan oo kale lagu qabtay Loondon, waxaa la isla qaatay in 5 tiriliyan oo doolar lagu soo biiriyo dhaqaalaha adduunka, si looga badbaado dhaqaale xumida xiligaas jirtay, waxaana sidoo kale looga hadlaa arrimaha ammaanka oo kullankii 2017-ka waxaa looga hadlay xaaladda Suuriya oo xiligaas ka xumeyd sida hadda ay tahay.
Inta badan kullankan ayaa ah mid hogaamiyeyaasha caalamka ay kusoo bandhigaan afkaarta ay aaminsan yihiin, kuwaa oo marna lagu heshiiyo marna la isku khilaafo.
Sanadkii la soo dhaafay, hogaamiyeyaal badan waxay salaanta la daba mareen dhaxal sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan oo meel gooni ah istagnaa, isagoona u muuqday qof aysan dooneyn inay la hadlaan hogaamiyeyaasha qaar.
Waxay ahayd markii ugu horeesay oo uu ka soo muuqdo kullankan oo kale tan iyo markii qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul lagu dilay wariye Jamaal Khashoggi.

Xigashada Sawirka, Reuters
G20 ma yahay mid laga guul gaaray?
Inta badan wax walba oo la hindiso wuxuu noqdaa wax laga guul gaaro ama guuldareysto, hasa yeeshee kullankan G20 waxay dadka qaar qabaan in uu yahay mid aan loo dhameyn maadaama go'aano muhiim ah lagu gaaro, iyadoo lagu casuumin 170 dal oo caalamka.
Kullamada G20 oo ay wakiilo joogta ah ku leeyihiin dalalka Argentina, Australia, Brazil, Canada, Shiinaha, Fransiiska, Jarmalka, Hindiya, Indonesia, Talyaaniga, Japan, Mexico, Ruushka, sacuudiga, Koonfur Afrika, Turkiga, Ingiriiska, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaan ahayn mid go'aanadiisa loo codeeyo, heshiiyada lagu gaara na sidoo kale ma ahan mid la waafajiyo wax sharci ah.
Kullan walba oo la qabanayo waxaa inta badan dhacda in dad aanan la dhacsaneyn siyaasadahooda ay ku hor mudahara halka uu shirk aka dhacayo.










