Qaramada Midoobey: Muslimiinta Rohingya oo markale xasuuq lala maagan yahay

Sawir hore qaxootiga Rohingya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sawir hore qaxootiga Rohingya

Khubarada Qaramada Midoobey ee xuquuqda aadanaha ayaa waxay ka digayaan in khadadka taleefoonada ee hawada laga saaray dalka Myanmar ay suuragalinayso in tacdiyo ka dhan ah xuquuda aadanaha oo aan la diiwaangalin ay ka dhacaan halkaasi.

Bayaan ay Geneva ka soo saartay haweenayda Qaramada Midoobey u qaabilsan warbixinada gaarka ah Yanghee Lee, ayay ku sheegtay in ay ka cabsi qabto in dadka rayidka ah ee ku sugan gobolada Rakhine iyo Chin ay heli waayaan isgaarsiin aya deegsadaan.

Bayaanka Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in 20 bishan June ay wasaarada warfaafinta ee Myanmar ay ku amartay shirkadaha isgaarsiinta in ay damiyaan khadka internetka Taleefoonada ee 9 magaalo oo ku yaalla gobolada Rakhine iyo Chin.

Suxafiyiinta ayay u suuragali waysay in ay galaan goboladaas islamarkana waxaa la xaddiday howlihii hay'adaha gargaarka ee goboladaasi.

Jaridda khadadka internetka iyo taleefoonada ayaa waxa qaaylo dhaan ka soo saaray khubarada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey.

Saraakiisha ayaa waxay sheegeen in ay ka warheleen in ciidamada ay imika wadaan howlgal sifeyn ah taasi oo bayaanka Qaramada Midoobey uu farta ku fiiqayo in ay ka dhalan karto xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in wali aan lagula xisaabtamin saraakiisha Myanmar tacadiyadii ka dhanka ahaa qoomiyadda Rohingya ee ka dhacay gobolka Rakhine 2 sano ka hor.

Shirkadaha isgaarsiinta dalka Myanmar ayaa iyagu xaqiijiyay in dalabka jaridda Internetka iyo taleefoonada uu uga yimid militariga dalkaasi ,balse afhayeen u hadlay militariga ayaa beeniyay in ay iyagu amarkaa bixiyeen.

Gobolka Rakhine ayaa dareenka caalamka soo jiitay 2017, markaasi oo dad ka badan 700,000 oo ah Muslimiinta Rohingya ay u qaxeen dalka Bangladesh ka dib howlgalo ay militariga halkaasi ka fuliyeen.