Saameynta baaxadda leh ee ka dhalatay siyaasadda Trump ee Qaxootiga

Xigashada Sawirka, FIPF
Siyaasadda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay iney si weyn usaameysay qoxootiga caalamka oo dhan.
Warbixintan oo aan ka soo xigannay bogga FPIF ayaa sheegaysa in, laga soo billabo dhammaadki dagaalkii Vietnam, barnaamijka dib u dejinta Mareykanka iney ka faa'ideysteen qoxooti caalamka ka kala socda oo ay tiradooda kor u dhaafeyso 3.4 milyan.
Tiradaasi ayaa lagu tilmaamay iney tahay mid badan balse waa tira aad u yar marka loo fiiriyo malaayiinta qoxootiga ee aan noolasha haysan, iyo muddada 40-ka sano ka badan ee uu mareykanka ku qaabilay 3.4 milyan oo qof.
Madaxweyne Trump, inta uu qabtay hoggaanka dalka Mareykanka, wuxuu xaddiday tirada qoxootiga dalkiisa uu qaabili jiray sanad walba, isaga oo qaabilaadda waddamada qaar qoxootiga ka soo jeeda gabi ahaanba uu joojiyey.
Inta uu Mr Trump madaxweyne ka noqday Mareykanka tirada qoxootiga uu qaabilayna waxay noqotay tii ugu yareyd taariikhda dalkaasi.
Waxayna warbixintu sheegtay inuu madaxweyne Trump uu hoos u dhigidda tirada qoxootiga eedalkiisa uu qaabilo in ay sabab u tahay in waddamada ay dadka qoxootiga ah soo maraan aysan wax taakula ah u sameeyn balse isu soo dhafiyaan dhinaca dalka Mareykanka.
Wixii ka dambeeyey go'aanka Trump uu qoxootiga ku joojiyey wuxuu saameyay malaayiin qoxooti ah oo rajeeynayey iney mar uun helaan noolal ammaan ah oo dhaanta waddmada ay ka soo qaxeen iyo xerooyiinka qoxootiga ee ay ku nool yihiin.
Qoxootiga ay sida gaarka ah u sameeysay go'aanka Trump waxaa ka mid ah Suuriya, Ciraaq, Afqaanitaan, Suudaan iyo Soomaaliya.
Qoxooti aad u badan oo dalka Soomaaliya ka soo jeeda ayaa waxay ku nool yihiin xerooyin qoxooti oo ku yaalla Kenya, Yemen iyo Itoobiya oo ay qaarkood rajeynayeen inay qaabilaad ka helaan dalal uu Mareykanka ka mid yahay.

Xigashada Sawirka, NRC
Diblumaasiyadda Qoxootiga
Dolwadda Kenya bishii May 2016-keedi waxay ku dhawaaqday iney xireyso xerada qoxootiga ee dhadhaab oo hoy u ah qoxooti Soomaaliya ka soo jeedo oo ay tiradooda kor u dhaafeyso 340,000.
Mareykankana wuxuu xilligaasi ka soo horjeestay in qoxootiga qasab Soomaaliya looga celiyo isla-mrkaana lagu barbar wado dib u dejin, gargaar bani'aadaminimo iyo cadaadis siyaasadeed.
Dhulka Miyiga ee Koonfurta Soomaaliya wuxuu weli gacanta ugu jiraa ururka Al-Shabaab ee hubeysan. Abaaraha iyo Adeegyada noolasha aasaasiga u ah oo aan Soomaaliya ka jirin waxay qayb ka yihiin waxyaabaha sababa iney qoxooti tira badan deegaannadooda ka soo qaxaan.
Bishii September, 2016-kii Madaxweynaha Mareykanka ee xilligaasi Barack Obama wuxuu si toos ah uu madaxweynaha Kenya ugala hadlay xaaladda qoxootiga Soomaalida, wuxuuna Obama uu Uhuru kula dardaarmay inuu dalkiisu isku dayin in qoxootiga lagu qasbo in dalkooda lagu celiyo isla-markaana qoxootiga loo abuuro fursado waxbarasho oo ay heerkoodu sarreyso.
Waddamada dadka qoxootiga qabilana, wuxuu ugu baaqay iney ugu yaraan laba jibbaaraan tirada qoxootiga ee ay dib u dejinta siiyaan, dhaqaalaha ku baxa ee heer caalamina la gaarsiiyo $4.5 billion oo doolar.
Waddamada uu Mareykanka ka mid yahay tirada qoxootiga ee ay qaabileen 2016-kii oo ahaa 85,000 waxay 2017-kii gaarsiiyeen 110,000, lacagaha ay dib u dajinta kaga qayb qaataanna waxay gaarsiiyeen $1bilyan oo doolar.
Dowladda Kenya waxay bishii November 2016-kii ay sheegtay iney xerooyiinka qoxootiga ay lix bilood oo kale sii furnaanayaan. Balse Maxkamadda sare ee Kenya ayaa bishi Fabraayo 2017-kii go'aanka dowladda ay ku xirayso xeryaha qoxootiga Dhadhaab ku tilmaamtay mid dastuurka dalka ka horimanaya.

Xigashada Sawirka, NRC
Ballan qaadyada la jabiyey
Maamulka Trump ballamihii uu qaaday madaxweyne Obama ee ahaa inuu Mareykanka kordhiyo tirada qoxootiga u sannad walba qaabilo wuu jabiyey.
Sannadki ugu dambeeyey maamulka Obama, Mareykanka wuxuu qaabilay 9,000 oo qoxooti Soomaaliya ka soo jeeda. Balse maamulka Trump wuxuu 2018-kii uu qaabilay 257 qof oo qoxooti Soomaali oo keli ah, lixdii bilood ee ugu horreeyey sanadkan 2019-kan wuxuu Mareykanka qaabilay oo keli 27 qof.
Dalka Soomaaliya oo 100/100 Muslim ah wuxuu ka mid yahay waddamada muslimka uu Madaxweyne Trump uu ku soo rogay xayiraadda dhinaca socdaalka.
Warbixin ay hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR ay soo saartay bishi September 2018-kii waxay ku sheegtay inuu dalka Soomaaliya yahay dal ay ka jirto xaalad baniaadaminimo ee dunida ugu liidata.
Dowladda Kenya ayaa bishii Fabraayo ee sanadkan ku dhawaaqay markale in xerada dhadhaab lix bilood gudahood la xirayo, tasoo sababtay iney qoxootiga Soomaalida welwel aad u weyn ku abuurto qaarkoodna ay billaabeen iyaga oo aan raalli ahayn iney Soomaliya oo xaladdeeda amni weli fari ka qodneen ku noqdaan.










