Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay sawirka gaari ay sheegeen inuu qarax damacsan yahay

Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho
Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, oo baxsad ah uu ku dhex jiro magaalada Muqdisho.
Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo galinkii dambe ee maanta shir jaraa'id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in boolisku ay heleen xog ku saabsan gawaari laga shakisan yahay in qaraxyo lagu fulin doono.
Zakiya oo ka hadleysay shirka jaraa'id ayaa tidhi: "Ciidamada booliska, iyagoo la shaqeynaya shacabka Muqdisho, waxay halkoodii kasii wadaan howlgalladii lagu sugayay amniga. Waxay magaalada Muqdisho ka wadaan baaritaan guri guri ah, si ay uga sifeeyaan dhammaan hubka sharci darrada ah, iyagoo sidoo kalena raadinaya walxaha qarxa ee shacabka dhibaatada loogu geysto. Waxaa dhanka kale si habsami leh u socda baarista lagu sameynayo gawaarida, taasoo aan kusoo kordhinnay hab cusub oo sahlaya in muddo kooban lagu soo xaqiijin karo gawaarida, innagoo ciidamada ku qalabeynay agab u sahlaya howlahooda".
Taliye ku xigeenka oo hadalkeeda sii wadata ayaa shaaca ka qaadday inuu jirio gaari magaalada ku dhex maqan oo laga cabsi qabo in falal amni darro lagu geysto.
"Waxaan rabnaa inaan bulshada Soomaaliyeed ku wargalinno inay jiraan gawaari uu noocoodu yahay Prado Land cruiser, oo aan ka war helnay inay argagixisadu doonayaan inay bulshada ku halaagaan".

Dadweynaha ayey ka codsatay inay taxadaraan isla markaana booliska la shaqeeyaan.
"Shacabka waxaan ugu horreyn ka dooneynaa inay ka feejignaadaan baabuurta noocaan ah ayna ciidamada amaanka kusoo wargaliyaan meel walba oo ay ku arkaan".
Dadka shacabka ah ayey dhanka kale ka codsatay inay iska yareeyaan isticmaalka gawaarida raaxada.
Taliye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegtay in boolisku ay dhawaan Deegaanka weydoow ee duleedka magaalada Muqdisho ka bixiyeen miino waddada dhinaceeda lagu aasay, taasoo ay sheegtay in lagu damacsanaa xasuuq shacab.
Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa maalmihii lasoo dhaafay qabaneysay howshii afhayeenka booliska Soomaaliyeed, kaasoo aan muddooyinkan warbaahinta laga maqlin.
Howlgallada booliska ayaa dardar culus galay wixii ka dambeeyay markii isbaddal baaxad leh lagu sameeyay taliyeyaashii degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana inta badan dhaqdhaqaaqyada hadda muqdisho ka socda fulinaya ciidamo boolis ah.










