Madaxweyne Farmaajo: "abaalkey Jabuuti noo gashay waan gudi doonnaa."

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka, Xarig ka jarka safaaradda Jabuuti ee Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Safaaradda cusub ee ay Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka, Safaaradda cusub ee ay Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa ka hor intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, waxa ay xarigga ka jareen dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Jabuuti ku yeelanayso Soomaaliya.

Jabuuti oo safaarad cusub ka dhisatay Muqdisho

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALI

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Farmaajo oo furitaanka safaaradda ka hadlaya

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay "in soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho ay ka tarjumayso wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Jabuuti, isaga oo adkeeyay muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo wadashaqaynta labada dal".

"Sida diirran ee dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool kuu soo dhaweeyeen Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga waxay muujinaysaa abaalka iyo wanaagga badan ee Soomaalidu u hayso reer Jabuuti. Horay abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa." ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Jabuuti oo safaarad cusub ka dhisatay Muqdisho

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlaya furitaanka dhismaha cusub ee safaaradda Jabuuti

Madaxweyne Geelle ayaa isna dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Muqdisho isaga oo sheegay "inuu miradhalay dadaalkii ka bilawday Carta ee loo galay sidii Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeeda iyo sharaftii ay caalamka ku lahayd.

"Waxaa qalbigaygu uu la damqanayaa waxa inaga dhexeeya. Dadaalkii labaatan sano ka hor ka soo billawday shirkii Carte ee ahaa inaan ku adkeyno cisigeenna iyo sharafteenna inagoo isku duuban, dunidaan tartan kula geleynaa taas." ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale sheegay "inay waajib tahay in la ilaaliyo xornimada ummadeed isaga oo dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaallada ay dhexdooda mar kasta ku xallistaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Jabuuti ay ka go'an tahay in Soomaalidu wixii is-faham waa ah ay dhexdeeda kudhammaysato".

Xarig ka jarka dhismaha cusub ee safaaradda kaddib, waxa uu Madaxweynaha Jabuuti u gudbay Hoolka Shirarka ee Janaraal Kaahiye oo uu khudbad dardaaran ah ugu jeediyay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo sagootiyey Madaxweyne Geelle

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Geelle oo booqashada labada maalmood soo gabagabeeyey