Adeegga kaliya ee Ambalaasta oo ku dhow inuu ka joogsado Muqdisho

Xigashada Sawirka, Reuters
Aamin Ambulance oo ah adeegga gargaarka degdega ah ee ka howl gala guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa qarka u saaran inuu joogsado, sababo la xiriira dhaqaale la'aan baahsan oo soo food saartay, sida ay hawl wadeennadiisa u sheegeen BBC-da.
Adeegyada Shirkaddan oo ah tan kaliya ee ka shaqaysa magaalo madaxda Soomaaliya ayaa hadda hoos u dhacay, waxaana u diyaarsan 16 gaari oo loogu tala galay inay si dhaqso ah ugu gurmadaan dadka ay waxyeelladu ka soo gaarto weerarrada iyo dhacdooyinka kale.
Gargaarka caafimaad ee Aamin Ambulance oo ay fuliyaan shakhsiyaad iskood isku xilqaamay ayaan xilligan awood ku filan u haynin dhibaato kasta oo soo food saarta magaalada Muqdisho, oo ay mararka qaar ka dhacaan qaraxyo waaweyn.
Shirkaddan ayaa lagu xasuustaa sidii ay ula tacaashay weerarkii Soobe ee magaalada Muqdisho ruxay 14-kii bishii Oktoobar ee sannadkii 2017-kii,kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo ruux, inkastoo wakhtigaas xitaa ay haysteen culaysyo dhinaca maaliyadda ah.
Howlaha ay qabtaan ayaa isugu jira daaweynta ku meel gaarka ah ee dhaawacyada in in ay u qaadaan isbitaallada iyo xarumaha caafimaad.
Hoos u dhaca adeeggan ma horseedi karaa burbur?
Waxaa walaac xooggan laga muujinayaa sida uu ku sii socon karo gargaarkan muhiimka u ah dadweynaha.
Waxaa isdhintay tirada gaadiidka ah ee ku howlanayd adeegga ambalaasta ka dib markii loo waayay waxyaabaha aasaasiga u ah, sida shidaalka iyo dayac tirka.
Sidoo kale waxaa burburay inta badan taleefannadii sida degdega ah looga jawaabi jiray dhacdooyinka iyo codsiyada gargaarka, marka laga reebo hal taleefan oo aan dabooli Karin baahida.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, oo ah aasaasaha iyo maamulaha Aamin Ambulance ayaa BBC-da u sheegay in aysan heysanin maalgalin joogto ah, taas baddalkeedana ay jeebkooda ka bixiyaan kharashka ku baxa adeegga garkaarka degdega ah.
"Waxaan lacago kasoo aruuriyaa dadka saaxiibaday ah iyo ardayda aan jaamacadda macallinka ugu ahay. Qof walba waxaan ka codsadaa in hal doolar xitaa uu ku deeqo si uu qof u badbaadiyo, isla markaana loogu maareeyo shidaalka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah gaadiidka gurmadka". Ayuu yiri.
Aamin Ambulance ayaa sida la sheegay horay maalgalin uga heli jirtay hay'ado, inkastoo markii dambe ay joojiyeen taageerada ay siin jireen adeeggan.
Qaar ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho ayaa muujiyay sida ay uga walaacsanyihiin caqabaddaas.
Drs Caasha Kablow oo ka tirsan dhakhaatiirta ka howl gala Muqdisho ayaa wariyaha Telefishinka BBC Somali ee magaalada Muqdisho Axmed Xaaji u sheegtay in horumarinta adeegyada caafimaadka ay mudanyihiin in tixgalin buuxda la siiyo.
"Dowladdu waa in ay miisaaniyad go'an u qoondeyso adeegga la xiriira caafimaadka dadweynaha. Sidoo kale waa in wax laga qabtaa burburka waddooyinka iyo shuruucda gaadiidka ee liita". Ayay tiri.










