Jamaal Khaashuqgi: Maxaan ka ognahay tan iyo markii la waayay ilaa dhimashadiisa?

Jamal Khaashoggi: Maxaan ka ognahay tan iyo markii la waayay ilaa dhimashadiisa
Qoraalka sawirka, Jamal Khaashoggi: Maxaan ka ognahay tan iyo markii la waayay ilaa dhimashadiisa

In ka badan labo toddobaad ayaa laga jooga tan iyo markii weriyihii caanka ahaa ee Jamal Khaashoqji oo si weyn u dhaliili jiray boqortooyada Sucuudiga uu galay qunsuliyada Sucuudi Carabiya ku leedahay magaalada Istanbuul kaddibna la waayay.

Saraakiisha Turkiga ayaa rumeysan in koox ka mid ah sirdoonka Sucuudigu ay Khaashuqji gudaha qunsuliyada Sucuudiga, waxayna sheegeen inay u hayaan cadeymo ay ka mid yihiin codad naxdin leh oo la duubay kuwaasi oo xoojinaya cadeymahooda.

Kaddib markii dhowr mar uu Sucuudigu beeniyay dilka weriyahaasi ayna sheegeen inuu qunsuliyada ka baxay waxyar uun kaddib markii uu yimid, ayaa Sucuudiga haatan qirtay in Jamal Khashooqji uu dhintay.

Xeer ilaaliyaha guud ee Sucuudiga ayaa sheegay in dagaal dhexmaray Khashooqji iyo saraakiil uu kula kulmay gudhaa qunsuliyada uu ku dhintay.

Kumuu ahaa weriye Jamal Khaashoggi?

Wuxuu ahaa weriye caan ah oo sheekooyin waaweyn ka sameeyay dagaalkii Midowga Sufiyet ee Afghanistan, waxa badan oo ku saabsan soo ifbixii Osma Bin Laden ku qoray Wargeysyo waaweyn oo Carbeed.

Labaatameeyo sano, waxuu aad ugu dhawaa qoyska boqortooyada Sucuudiga waxuuna lataliye sare usoo noqday hoggaanka boqortooyada dalkaasi.

Balse mar dambe ayuu shaqadaasi isaga tagay waxuuna u baxsaday sanadkii lasoo dhaafay dalka Mareykanka.

Tan iyo xiligaasi wixii ka dambeeyay, waxuu maqaal bil-le ah ku qori jiray wargeyska Washington Post, halkaasi oo uu ku dhaliili jiray siyaasaddaha dhaxal sugaha baqortooyada Mohammed bin Salman.

Maqaalkii ugu horeeyay ee wargeyskaasi uu ku qoray, Khashooqji wuxuu ku sheegay inuu baqdin ka qabo in loo xiro waxuu umaleynayo howlgalo uu fulinayo dhaxalsugaha Sucuudiga maadaama uu ku guuleystay inuu noqdo qofka beddeli doono aabihiis Salman.

"Dadka la xirxiray xitaa ma ahan mucaarad keliya waxay ahaayeen dad maankoodu xor yahay ," ayuu u sheegay barnaamjika BBC Newshour ka hor uun saddex maalin intaan la weynin.

Muxuu u tagay qunsuliyada Istanbuul?

Muuqaal laga arkay CCTV ayaa muujiyay weriye Jamal Khaashoggi oo sii galaya qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul.
Qoraalka sawirka, Muuqaal laga arkay CCTV ayaa muujiyay weriye Jamal Khaashoggi oo sii galaya qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul.

Wuxuu markii ugu horeysay booqday qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbuul 28 September si uu uga qaato waraaqo cadeynaya inay kala tageen xaaskiisi hore, si uu u guursado haweeney u dhalatay Turkey oo uu dooneyd.

Balse waxaa loo sheegay inuu markale soo laabto uuna soo diyaargaroobo labada bisha October.

"Wax cabsi ah kama qabin inuu galo qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbuul sababtoo ah ma rumeysneyn in lagu dhibaateyn karo gudaha waddanka Turkiga," ayay Hatice Cengiz, oo ah gabadha u dooneyd ku qortay wargeyska Washington Post.

Hatice Cengiz oo u dooneyd Khaashoqji ayaa sheegtay inay saacado badan banaanka ku sugeysay

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Hatice Cengiz oo u dooneyd Khaashoqji ayaa sheegtay inay saacado badan banaanka ku sugeysay

Waxaa kaamirooyinka ammaanka laga arkay isaga oo gelaya qunsuliyada Sucuudiga saacadu markay ahayd 13:14 waqtiga Turkiga, maadama balanta uu lahaa 13:30 waqtiga Turkiga.

Waxaa la sheegay inuu saaxiibadiisa u sheegay in si wacan loola dhaqmay "si dabacsana loo soo dhaweeyay" maalintii koowaad ayna u xaqiijiyeen in wax dhibaata ah uusan la kulmi doonin.

Muxuu ka yiri Sucuudigu dilka Khashooqji?

Qunsuliyada Sucuudiga ayaa horey u sheegtay inuu ka baxay dhismaha kaddib markii dantiisa loo dhameeyay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Qunsuliyada Sucuudiga ayaa horey u sheegtay inuu ka baxay dhismaha kaddib markii dantiisa loo dhameeyay

Ku dhawaad labo toddobaad ayuu Sucuudigu si joogta ah u beeninayay inuu wax ka ogyahay dilka Khashooqji.

Dhaxalsugaha Sucuudiga Mohamed Bin Salmaan ayaa u sheegay wargeyska Bloomberg in weriye Khaashoqji uu ka baxay qunsuliyada "Dhowr daqiiqadood ama saacad ka hor " markii uu yimid.

"Waxba ma qarineyno," ayuu intaasi kusii daray ina Salmaan.

Balse 20-kii bishii October, telifishinka qaranka Sucuudiga ayaa baahiyay in weriyuhu ku dhintay gudaha qunsuliyada kaddib markii uu dagaalamay.

Saraakiisha Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in lasoo xiray 18 qof oo u dhalatay Sucuudiga, labo sarkaal oo sarena shaqada laga eryay.

Boqor Salmaan ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in la dhiso guddi ka kooban wasiiro oo uu madax u yahay dhaxalsugaha, si dib u habeyn loogu sameeyo howlaha sirdoonka kaddib baaritaankii horey loo sii wado.

Maalmo kaddib, wasiirka Arrimaha Dibeddaha Caadil Al-Jubeyr, ayaa ku tilmaamay dilkii Khaashoqji inuu ahaa "khaarijin", isaga oo u sheegay warbaahinta Fox News inuu ahaa "howlgal qaldan" oo dhacay .Waxuuna beeniyay in dhaxalsugaha Sucuudigu amar ku bixiyay in la dilo Khaashoqji.

MuxuuTurkigu ka yiri dilka Khaashoqji?

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in weriye Khaashoqji ay koox ka tirsan sirdoonka Sucuudigu ku jir dileen kuna khaarijiyeen gudaha dhismaha qunsuliyada kaddibna meydkiisa ay ka saareen halkaasi.

Waxay sheegeen inay hayaan codad iyo muuqaalo cadeyn u ah warkaan balse taasi wali lama shaacinin.

Saraakiil Turki ah oo aanan la shaacin magacyadooda ayaa u sheegay warbaahino badan oo Mareykan ah in weriye Khaashoqji lagu dilay gudaha qunsuliyada labo saacadood gudahood kaddibna la jarjaray.

Shaqaalaha Turkiga ee ka howlgalayay qunsuliyada Sucuudiga ayaa sidoo kale loo sheegay inay degdeg uga baxaan dhismaha xiligaasi oo ku began markii Khashooqji la waayay sida uu qoray wargeyska Sabah.

Yaa ka dambeeyay dilka Khaashoqji?

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, .

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay inay aqoonsadeen 15 nin oo ka mid ah kooxda lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin sirdoonka Sucuudiga kuwaasi oo soo galay kana baxay Istanbuul isla maalinkii la waayay weriye Khaashoqji.

Mid ka mid ah ragga la tuhunsan yahay, Meher Mutreb ayaa ka tirsanaa sirdoonka Sucuudiga waxuuna kasoo shaqeeyay qunsuliyada Sucuudiga ee London sida BBC ogaatay.

Muuqaalo lagu qaaday kaamirooyinka qarsoon ee CCTV oo ay baahisay warbaahinta Turkiga ayaa muujiyay koox Sucuudiyaan ah oo kasoo degaya garoonka Istanbuul ee dalkooda kaddibna raadsanaya hoteelo.

Kooxdaan ayaa kaddibna uga baxay dalka labo diyaaradood oo khaas ah oo u kala duulay Qaahiro iyo Dubay iyaga oo kusii jeeda Sucuudiga.

Halkuu marayaa baaritaanka Turkigu ku hayo dilka Khaashoqji?

.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, .

lBooliiska Turkiga ayaa loo ogolaaday 15 bishan Octobar inay galaan qunsuliyada Sucuudiga, kaddib markii l arkay saraakiil Sucuudiyaan ah iyo koox nafiifiyeyaal ah oo geliya dhismaha qunsuliyada.

Booliiska Sucuudiga ayaa haatan baaraya qunsuliyada iyo hoyga safiirka Sucuudiga ee Turki, waxayna waxyaabo ay ka heleen halkaasi oo lagu sameynayo baaritaanka dhanka DNA.

Saraakiil Turki ah oo aan la shaacin magacyadooda ayaa sheegay in meydka Khaashoqji ay suuragal tahay in lagu tuuray keyn ku dhaw qunsuliyadaasi.

In ka badan dhowr iyo toban shaqaale oo u dhashay Turkiga oo ka howlgala qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul oo isugu jira xisaabiyeyaal, farsamo-yaqaano iyo darawalo ayaa haatan su'aalo la weydiinayaa.

Boqorka Sucuudi Carabiya boqor Salmaan Bin CabdulCasiis iyo madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ku heshiiyey isdhaafsiga macluumaadka la xiriira khaarijinta Khaashoqji iyo laga wada shaqeeyo baaritaanka socda.