Jamal Khashoggi: Madaxweynaha Mareykanka Trump oo weriyaha dartii u 'ciqaabi’ doona Sucuudiga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku uu "ciqaab adag" Sacuudi Carabiya ugu soo rogi doono haddii Boqortooyada Sacuudi Carabiya lagu helo inay mas'uul ka aheyd dhimashada weriye Jamal Khashoggi.
Waxa uu sheegay inuu "aad uga xumaan doono ugana caroon doono haddii ay arrintaasi dhab noqoto", hasayeeshee waxa uu uu meesha ka saaray inuu hakin doono qandaraaska milateri ee ballaaran ee uu Mareykanku kula jiro boqortooyada taas oo uu ku sababeeyay in haddii la joojiyo qandaraaskaasi ay dad badan ku dhici doonto shaqo la'aan.
Mr Khashoggi, oo ka soo horjeeday dowladda Sucuudiga, ayaa la waayay 2-dii Oktoobar kaddib markii uu booqday qunsuliyadda dalkaasi uu ku leeyahay magaalada Istanbul.
Sacuudi Carabiya ayaa iska fogaysay eedaha ah inay amartay in la dilo ninkaasi kuna tilmaantay "been".
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Sacuud bin Naaif bin Cabdulcasiis, ayaa war ay ka soo xigatay wakaallada wararka ee Sucuudiga Jimcihii, waxaa lagu sheegay inuu yiri, boqortooyadu waxa ay sidoo kale danaynaysaa inay qeexdo "xaqiiqada dhabta ah", hasayeeshee waxa uu intaasi ku daray in eedaha ah inay amartay dilka Mr Khashoggi ay yihiin kuwo aan "sal lahayn"..
Ila wareed ka tirsan ciidammada ammaanka ee Turkiga ayaa BBC-da u sheegay in saraakiishu ay hayaan caddeyn ah cod maqal iyo muuqaal ah oo qeexaysa in Mr Khashoggi, oo wax ku qori jiray wargeyska the Washington Post, lagu dhex dilay qunsuliyadda dhexdeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevut Cavusoglu, ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya aanay weli la shaqeynayn dambi baarayaasha.
Waxa uu ka codsaday inay la shaqeeyaan baarayaasha una ogolaadaan saraakiisha Turkiga inay gudaha u galaan qunsuliyadda.
Muxuu Trump yiri?
Wareysi uu Madaxweyne Trump siiyay warbaahinta CBS News ayuu ku sheegay in haddii ay arrintaasi run tahay oo dhab ahaantii la dilay weriye middaasi waa wax "laga argagaxo oo laga yaqyaqsiyoodo".
"Xogta kama dambaysta ah ayaannu heli doonnaa ciqaab adag ayaana jiri doonto," ayuu yiri.
"Waqtigan la joogo, si weyn ayey u diideen inay arrintaasi sameeyeen. Inay iyaga noqdaan suuragal ma tahay? Haa," ayuu sii raaciyay.
Goor sii horraysay madaxa Qaramada Midoobay ayaa waxa uu dalbaday in "runta laga sheego" weriyaha u dhashay dalka Sucuudi Carabiya, Jamal Khashoggi, ee la la'yahay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa BBC-da u sheegay inuu ka cabsi qabo inay joogto noqoto in sidaas oo kale dad kale loo waayo misana ay caadi iska noqotaba.











