Laanta Af Soomaaliga BBC oo u digaysa baraha sida sharci darrada ah u adeegsada qoraalladeeda

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo laantu ay ogaatay in baraha internetka qaarkood ay oggolaansho la'aan adeegsadaan qoraallada aan soo dhigno bbcsomali.com
Madaxa Laanta Af Soomaaliga ee BBC, Cabdullaahi Cabdi Sheekh, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan baraha internetka ee doonaya inay sii wadaagaan qoraalladeenna, "balse waxaa shardi ah inay ugu horreyn BBC-da la saxiixdaan heshiis ah inay bahwadaag la noqdaan" ayuu yiri.
Sidaasi darteed, laanta afsoomaaliga ee BBC waxay ogeysiinaysaa baraha oggolaansha la'aanta daabaca qoraallada BBC-da, in hadda wixii ka dambeeya lala tiigsan doono sharciyada la xiriira ilaalinta xaquuqaha, taas oo horseedi karta in la xiro bogaggaasi.

Shaqaalaha BBC-da ee qeybta bbcsomali.com ayaa ku dadaala inay soo badhigaan qoraallo looga faalloonayo dhacdooyinka Soomaalida iyo dunidaba, waxaana niyadjab ku ah inay arkaan in websaytyada qaar ay dadaal la'aan iska qaataan wararkooda, iyagoo loo idmin arrintaasi.
Barta internet-ka ee bbcsomali.com ayaa waxaa bishii la daalacda ilaa 4 malyan oo jeer, taas oo muujineysa in akhristayaasha Soomaalida ay ka helaan waxaan u soo bandhigno, wuxuuna madaxa laantu sheegay in marnaba aan la oggolaan doonin in baraha kale ay si sharci darro ah ku qaataan qoraallada juhdiga badan lagu bixiyey.






