Rikoorka duulimaadka ugu dheer dunida ee aan hakadka lahayn

Xigashada Sawirka, Airbus
Shirkadda diyaaradaha ee Singapore Airlines ayaa billaabeysa duulimaadkii ugu masaafada dheer dunida oo aan hakad lahayn iyadoo kaalintaasi kala waregeyso shirkadda diyaardaha Qatar Airways.
Laga billaabo bisha Oktoobar shirkadan waxay billaabeysaa duulimaad rakaabka ukala qaadi doono Singapore ilaa Newark ee dalka Mareykanka iyadoo aysan diyaaraddu aysan sii marin doonin meel ay ku hakato. Safarkaasi wuxuu qaadan doonaa ku dhawaad 19 saacadood.
Shirkadda diyaaradaha ee Qatar ayaa hadda haysata rikoorka duulimaadka ugu dheer dunida oo aan hakad lahayn wuxuuna safarka Auckland ilaaa Dooxa qaataa ilaa 17 saacadood iyo bar .
Waxaana kusoo xigta diyaaradda Qantas oo gasha dulimaad aan joogsi lahayn oo gaaraya 17 saacadood oo ay ugu jkala gooshto Perth ilaa London.
In maamulka duulimaaddka dalka Singapore ay ku dhawaaqaan inay yihiin duulimaadka ugu dheer ee dunida waxay u tahay guul usoo hoyotay duulimaadka qaranka ee dalkaasi.
Intii u dhexeeysay sannadihii 2004-tii ilaa 2013-tii shirkadda diyaaradaha ee Singapore waxay billawday dulimaadka aan hakad lahayn balse qiimaha shidaalka oo sare u kacay ayaa ku khasbay inay joojiso duulimaadkaasi.
Maxaa u horseeday isbeddaladani?

Xigashada Sawirka, Airbus
Shirkadda duulimaadka ee Singapore (SIA) ayaa lagu wadaa inay soo gadato diyaarad nooca New Airbus oo ku safri donto khadkaan cusub ee masaafada dheer min Singapore ilaa Newark.
Diyaaraddan casriga ah ee New Airbus waxay leedahay labo matoor oo ka dawan kuwii qaddiimiga ahaa ee Boeing 777 oo isticmaalka shidaalkiisu uu aad uga yaryahay naqashadihii ka horreeyay.
Afahayeenka shirkadda duulimaadka ee Singapore Sean Lee wuxuu yiri " Diyaaraddan cusub waxay leedahay awoodaha ugu wayn ay leeyihiin diyaaradaha casriga"
Maxaa lagu arki doona diyaaradda gudaheeda?

Xigashada Sawirka, Airbus
Geoffrey Thomas oo ka tirsan saraakiisha duulimaadyada caalamiga ayaa sheegay in lagu raaxaysan doono taasina ay caddayn u tahay in duulimaadku uusan hakan doonin.
Wuxuu yiri " Ma jecli in aan hakad galo taaso inta badan raakabkana aysan jeclayn"










