Xogtan kooban kaga bogo mashaakilka ka dhex aloosan labada Kuuriya

Gantaalka Kuuriyada Waqooyi

Xigashada Sawirka, Reuters

Ismariwaaga Kuuriyada Waqooyi ayaa gaaray meeshii ugu sarraysay, wuxuuna keenay cabsi laga qabo in uu dhaco weerar nukliyeer loo adeegsaday.

Isbadalkan degdegga ah ee ku saabsan in ay ay wadahadal toos ah la yeelanayaan Maraykankana waxaa laga yaabaa in ay ka dhigan tahay in nabaddu fursad hesho. Laakiin waa arrin murugsan marka bal aan tallaabo gadaal u yaraha qaadno si aan xaalladda u bayaamino.

Kuuriyada Waqooyi maxay ku falaysaa hubka nukliyeerka ah?

Gacanka Kuuriya ayaa kala qaybsamay dagaalkii labaad ee Adduunka ka dib dawladdii Shuuciga ahayd ee Waqooyiguna waxay cagta saartay qaab kalitalisnimo ah.

Dunida inteeda kale ayay ka faquuqantay, waxayna sheegtay in nukliyeer oo kali ah yahay waxa ka badbaadin kara dunida doonaysa in ay dumiso.

Kuuriyada Waqooyi ma qaadi kartaa weerar nukliyeer ah?

Waxay u muuqataa in ay qaadi karto, balse uma badna.

Kuuriyada Waqooyi ayaa lix jeer tijaabisay hub nukliyeer ah, mid ka mid ahna waxay ku sheegtay bam hydrogen ah.

Inkastoo aan la xaqiijinin waxay sheegatay in ay samaysatay bam nukliyeer ah oo aad u yar oo ay xambaari karaan gantaallada nukliyeerka ah ee riddada dheer.

Waxaa kale oo ay haystaan gantaallo riddo dheer oo khuburadu ay rumaysan yihiin in uu gaari karo Maraykanka oo ay aad isu hayaan Pyongyang.

Qarammada Midoobay, Maraykanka iyo Midawga Yurub ayaa markaas ka dib si isa sootaraysa u hirgaliyay cunaqabatayno.

Maxaan Kim xilka looga qaadi karin?

Kuuriyada Waqooyi ayaa haysata gantaallo ay u haysato Koonfurta Kuuriya iyo Japan. Laakiin weerar isdifaac ah ayaa dhalin kara aargoosasho burbur baaxadleh keena. Waxaana ku dhiman kara dad badan oo Waqooyiga ka soo jeeda.

Shiinaha oo ah dalka ugu awoodda wayn qaaradda Aasiya ayaa isna ka walaacsan in dawladda Waaqooyigu burburto, labada Kuuriya oo midoobana ay horseedi karto in ciidammada Maraykanka ee Koonfurta ku sugan ay si toos ah ugu soo wajahmaan xadkooda.

Isbadalka aan la filaynin

Waxaa horay u fashilmay dadaalo lagu doonayay in hubka lagaga dhigo Kuuriyada Waqooyi iyada oo mucaawino lagaga badalano arrintaas.

Laakiin bishii Janaayo Kuuriyada Waqooyi ayaa wadahadal toos ah la gashay Koonfurta waxayna ka qayb gashay ciyaarihii xilliga qaboobaha ee Olimbigga ee Kuuriyada Koonfureed ka dhacay, Bishan Abriilna labada hoggaamiye ayaa yeeshay kulan taariikhi ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale soo bandhigtay in ay wadahadal toos ah la gasho Maraykanka, dalabkaasna waxaa aqbalay Trump isaga oo amray in ay joojiso tijaabooyinka nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer.

Wadahadallada ay yeelan doonaan Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa ah kuwo aan la saadaalin karin, ilaa haddana lama xaqiijinin waxyaabaha looga hadli doono shirka iyo wakhtiga la qaban doono.

lifaaqyadan hoose kaga bogo warbixinno intan ka sii faahfaahsan