Nin wax ka sameeyay sunta kiimikada oo hadlay

Vladimir Uglev

Vladimir Uglev waa mid ka mid ah seeynisyahanada wax ka sameeyay sunta halista ah ee neerfaha hawlgabka ka dhigta ee Ruushka sameeyay ee lagu magacaabo VX, taas oo loo adeegsaday nin horey uga tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka isaga oo ku sugan UK.

"Ujeedka waxa uu ahaa in lasoo saaro wax 10 jeer ka awood badan sunta VX, waanan gaarnay hadafkaas" ayuu yiri Vladimir oo ku sugan Ruushka, kana mid ahaa dadkii kiimikada usoo saaray dowladdii Midoowgii Soviet-ka.

Waa 71 jir, wuxuuna sheegay in uu isaga wax kasoo saaray suntii lagu weeraray Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia Skripal, weerarkaas oo ka dhacay magaalada Salisbury ee UK.

Balse haddii sunta sidaas u culustahay, sidee ku badbaaday Skripal?

Mr Vladimir waxa uu qabaa in xadka kuurada laga isticmaalay sunta ay aad uga yareyd heerkii cufnaanta la rabay.

Todobaadkan horaantiisii, dowladda UK waxa ay sheegtay in sunta loo isticmaalay qaab dareere ah oo kale.

"Inta aan ka xusuusto dad badan ayaa suntan lagu waxyeeleeyay, waliba xaalado kala duwan iyo muddooyin kala duwan" ayuu yiri Vladimir.

Waxa uu ka hawlgali jiray sheeybaar ku yaala magaalada Shikhany ee gobolka Saratov ee Ruushka.

Waxaa jirtay mar uu shil ka dhacay sheeybaarka oo isaga laftiisa ay sunta gacanta kaga daatay, balse markiiba waa uu xaliyay.

Dowladda Ruushka ayaa ku adkaysanaysa in aysan iyadu geysanin weerarka lagu qaaday Skripal. Waxa kale oo uu Ruushka sheegay in aanan wax caddeymo ah loo haynin in ay iyaga weerarka geysteen.

.

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES

"Haa waa run, cidna Ruushka kuma caddeyn karto wax dambi ah illaa laga helo weelkii ay ku jirtay sunta" ayuu yiri Mr Vladimir Ugley.

Balse Mr Ugley lama yaabana in dalkiisa la eedeynayo "Dhibka ma ahan Putin, ee dalkeena ayaa noocan u samaysan, ma waxaad u malaysaa haddii Margret Thatcher lagu badalo Putin in ay wax is badalayaan?, maya, sababtoo ah bulshadeena isbadal diyaar uma ahan" ayuu yiri.