Yulia Skripal: Cedna iima hadli karto

Yulia

Xigashada Sawirka, YULIA SKRIPAL/FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Yulia ayaa muddo bil ah lagula tacaalayay isbitaalka Salisbury

Yulia Skripal, oo ah gabadhii la sumeeyay ee uu dhalay basaas hore oo Ruushka u dhashay Sergei, ayaa diidday caawinaad uga timid safaaradda Ruushka.

Gabadhan 33-jirka ah, oo Isniintii laga soo saaray isbitaalka, ayaa sheegtay in aabbaheed uu weli aad u xanuunsanayo.

Hadal ay soo marsiisay booliiska, ayay ku sheegtay inaysan weli awoodin inay wareysi buuxa siiso warbaahinta, balse aysan jirin ced u hadli karta iyada ama aabbaheed.

Yulia iyo aabbaheed ayaa laga helay iyagoo yaalla maqaayad ay ka cunteynayeen oo ku taalla Salisbury 4-tii March.

Iyada iyo aabbaheed oo 66-jir ah, oo weli yaalla isbitaalka degmada Salisbury, ayaa la saaqsiiyay suntan neerfaha waxyeeleysa ee Novichok.

Waxay hadalkeeda ku xustay oo kale inay gashay nolol gebi ahaanba ka duwan tii ay ku jirtay bil kahor.

Skripal, oo loo qaaday goob ammaan ah, ayaa intaasi raacisay: "waxaa ila jooga saraakiil si gaar ah u tababaran, oo i daryeelaya iina sheegaya halka ay baaritaannadu marayaan.

"Waxaan la xiriiraa saaxiibbadeyda iyo qoyskeyga, waxaana la ii sheegay xiriirka ay ila soo sameeyeen safaaradda Ruushka oo si naxariis leh iigu soo bandhigay inay ii caawiyaan si walboo ay awoodaan.

"Xilligan hadda ah ma doonayo inaan ka aqbalo, balse haddii aan dib ka go`aansado waan garanayaa sidaan ula xiriiri lahaa."