Maxay tahay sababta geedkan faleebooyinka loogu suray?

Geed weyn oo la sheegay in uu jiro 700 sano oo ku yaala gobolka Telengana ee dalka Hindiya ayaa lagu suray faleebooyin, si looga hortago in ay geedka waxyeelo soo gaarto.
Faleebooyinka ayaa waxaa ku jira maado cayayaanka looga leylayo geedka oo uu aboor galay, kaas oo sababi kara in uu dhinto.
Geedka ayaa ku fadhiya dhul balaaran, iyada oo laamihiisa ay gaareen meelo fog, waxaana la sheegay in uu yahay kan labaad ee adduunka ugu weyn inta la ogyahay.
Geedka ayaa waxaa sanad kasta booqda dalxiisayaal badan.
Tuubooyin ka baxa faleebada ayaa la gaarsiiyay illaa xididka si looga hortago in aboorta uu sii faafo.
"Waxaan fulinay tallaaboyin kala duwan sida in aan shamiindo ku dhakabino laamaha qaarkood si aan uga hortagno in geedka jabo" ayuu BBC-da u sheegay Panduranga Rao oo ka tirsan dowladda.
Saraakiisha dowladda ayaa dareemay bishii disembar ee sanadkii hore in geedka ay waxyeelo soo gaarayso, kadibna waxa ay qaateen go'aan ah in ay wax ka qabtaan.
Aboorka oo kaliya ma ahan dhibka heysta geedka, ee sidoo kale dadka dalxiisayaasha ah ayaa wiifoow ku ciyaara geedka.
Geedka oo loo yaqaano Banyan ayaa caan ku ah dalka Hindiya.










