Qurubyo bac ah oo laga heley biyaha caagadaysan

.

Tijaabo iyo baaritaan lagu sameeyay biyaha caagadaysan ee dalka Maraykanka iyo dalal kale ayaa lagu ogaaday in qurubyo bac ah ay ku dhex jiraan biyahaas, islamarkaasna ay halis ku noqon karaan caafimaadka dadka.

250 caagadood oo biyo oo laga soo iibiyay dalal kala duwan ayaa lagu baaray sheeybaarka, waxaana la ogaaday in halkii litir oo kasta ay ku jiraan illaa 10 qurub oo bac ah kuwaasi oo dhumuc ahaan ka weyn tinta bini'aadamka.

Shirkadaha la baaray biyaha ay soo saaraan ayaa BBC-da u sheegay in ay hubaan badqabka wax soo saarkooda.

Qoraalka Codka, Biyo la'aan ka taagan degmada Ceelberde

Sherri Mason oo ka tirsan cilmi baarayaasha ayaa sheegtay in bacda laga heley nooc kasta oo biyaha ah.

Ma jirto wax caddeyn ah oo ku saabsan in haddii qofka uu liqo qurubyo yaryar oo bac ah ay caafimaadka halis ku tahay, balse waa arrin u baahan in cilmi baaris seeynis lagu sameeyo.

Cilmi baaristan ayaa timid xilli adduunka uu ku fooganyahay halista bacda, taas oo sidoo kale ay si heersare ah u shaacisay idaacadda BBC-da, gaar ahaan barnaamijkeeda Blue Planet 2 oo ah taxane.

Qurubyada bacda ah ee la heley ayaa qaarkood waxa ay dhannaayeen illaa heer gacanta lagu qaban karo.