Warbaahinta Shiinaha oo Ra’isulwasaaraha Britain u bixiyay ‘Eeddo May’

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ra'isulwasaaraha Britain Taresa May, waxayna u bixiyeen magac cusub oo lagu maamuusayo booqashada ay ku joogto Shiinaha, kaas oo ah 'eedo May'.

Warbaahinta ay dowladda leedahay ayaa tibaaxaysa in xiriirka u dhaxeeya Shiinaha iyo Ingiriiska uu ku socdo jiho wanaagsan, waxayna rajo ka muujiyeen xiriirka ganacsi iyo dhaqaale ee mustaqbalka.

Mrs May ayaa la kulmaysa madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, waxaana dhexmari doono wadahadalo xiriirka ganacsi ee labada dal ah.

Wargeyska ay dowladda leedahay ee Global Times ayaa qorey in Shiinaha uu ka faa'iideysan karo kororka ganacsiga Britain marka ay isaga baxaan Midowga Yurub.

Inkasta oo warbaahinta dowladda ay isticmaalaan magacyada rasmiga ah ee madaxda soo booqanaysa, ayay haddane isticmaaleen kalmadda 'eedo May', marka ay ka hadlayaan Taresa May.

.

Xigashada Sawirka, CHINA PLUS

Website lagu magacaabo China Plus ayaa soo qorey in ereybixintan ay ka timid dadka dhalinyarada ee Shiinaha oo aad u jecel qaabka nolosha iyo dhaqanka Britain.

Waxaa kale oo la sheegay in maadaamaa dadka waaweyn ee qoyska aad looga ixtiraamo dalkaas, in kalmada 'eedo' ay ka dhigantahay in Shiinaha uu xushmad badan u hayo May.

Inkasta oo ay May horey u booqatay Shiinaha, haddane warbaahinta Shiinaha waxa ay markan is weeydiinaysa sababta May ninkeeda , Philip May uusan ula socon. Warbaahinta kale qaarkood ayaa iyaguna sheegay in ninkeeda uu inta badan iska illaaliyo warbaahinta, yahayna nin aad u degen.

Wakaalada wararka Xinhau iyo webka lagu magacaabo The Paper ayaa maqaalo dhaadheer ka qoray taariikhda iyo nolosha Philip May.

Waxa maqaalada lagu sheegay in ay nasiib daro tahay in aysan ilmo isu dhalin lamaanahan. Balse waxa ay xuseen in muddo 40 sano ah uu xaaskiisa garab taagnaa.

Waxa ay ka hadleen sidii ay isku jeclaadeen iyo sidii ay noloshooda u dhisteen.

Dadka isticmaala baraha bulshada oo iyaguna aragtidooda ka dhiibtay ayaa sheegay in Philip uu yahay nin quruxsan.