Erdogan: Dagaalka Kurdiyiinta wuxuu socon doonaa Illaa Ciraaq

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kurdiyiinta wuqooyiga Ciraaq ay wadi doonaan ilaa bariga dalka Ciraaq.
Madaxwaynaha Erdogan oo ka hadlayay magaalada Ankara, ayaa ku celceliyay in ay ciidamadiisa u dhaqaaqi doonaan magaalada y kurdiyiinta maamulaan ee Manbij, taasi oo dhalin karta in Mareykanka ay iska hor yimaadaan.
Ciimada Mareykanka ayaa waxaa saldhig u ah magaaladaasi oo kooxda (IS)xoogaga Kurdiyiinta ay kala wareegeen 2016.
Madaxwaynaha Turkiga ayaa kulan ay lahaayeen xisbigiisa AK waxa uu ka sheegay in Turkiga ay diyaar u yihiin in ay sii balaariyaan howlgalka "ilaa argagixisada laga tirtiro xuduudeena ilaa Ciraaq ". ayuu yiri mr Erdogan.
Turkiga ayaa waxay howlgaladooda ka dhanka ah Kurdiyiinta bilaabeen toddobaadkii aanu soo dhaafnay.
Xukuumadda Turkiga ayaa doonaysa in ay magaaladda Afrin ka saaraan kooxda Kurdiyiinta ee (YPG).
Turkiga ayaa sheegay in YPG ay tahay garab ka tirsan ururka PKK oo ka dagaallama gobolka Kurdiyiinta eeTurkiga, waxayna ku tilmaamtay in ay argagixiso yihiin.
Balse YPG ayaa beenisay in wax xiriir toos ah uu kala dhexeeyo PKK.










