Trump oo shaki galiyay geedi socodka nabadda bariga dhexe

Trump Iiyo Netanyahu

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Trump Iiyo Netanyahu

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaki galiyay in wadahadalada nabadda ee bariga dhexe ay dib u soo cusboonaan doonaan.

Madaxwayne Trump ayaa eedeeyn u soo jeediyay Falastiiniyiinta.

Mr Trump ayaa sheegay in Falastiiniyiinta ay" xushmad daro u muujiyeen " Mareykanka ka dib go'aankiisii uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa'iil.

"Mareykanka waa in loo muujiyaa xushmad haddii kale wax kala soconaya ma laha," waxa uu sidaas u sheegay wariyayaasha magaaladda Davos.

Falastiiniyiinta ayaa waxay sheegeen in Mareykanka aan loo arki Karin mid dhexdhexaad ah marka ay timaado wadahadalada barige dhexe.

Waxa ay ku tilmaameen go'aanka Washington ee Qudus in uu yahay "dharbaaxadii qarniga ".

Madaxwayne Trump ayaa markii uu hadalkan jeedinayay waxaa barbar fadhiyay rai'sul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu:

"Israa'iil mar walba waxaa taageera Mareykanka sidaa daraadeed waxa aaan sameeyay ee ku saabsan Qudus waxay ahayd mid sharaf ii ah" ayuu yiri Mr Trump.